Maxay tahayt sababta xilka looga qaaday Ra’iisal Wasaare k/xigeen ahna Wasiirka Beeraha “Sir fashilmatay”

Apr 01 2012 (MMG) – Wareegtadan oo Lambarkeedu ahaa 086 kuna taariikheysneyd 28/03/2012 cinwaankeeduna ahaa Xil Ka Qaadista Wasiirka Beeraha Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Ahna Ra`iisulwasaare Kuxigeen Mudane Mudane Maxame Maxamuud XaajiIbraahim ayaa shalay xilka uu uga qaaday Madaxweyne Shiiq Shariif tasoo uu in badan u kutubayey.

Xurgufta Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa iyadu soo bilaabatay Xiligii uu ahaa Wasiirka  Arimaha Dibada kadib markii uu Madaxweynaha u keenay Shaqsi uu isagu watay kaasoo uu u rabay in uu noqdo Safiirka Turkiga balse uu Wasiirku sheegay in ay fiicnaan laheyd in booskan uu u keeno qof kale madama shaqsigan uusan xitaa aqoon luqad aan aheyn tan Soomaaliga ayna adkaaneyso in uu noqodo Amasadoor taasoo uu Madaxweynaha ka carooday kuna amray in uu Wasirka uga baxo Xafiiska.

Ra`isulwasaare Kuxigeen Mudane Maxamed Ibraahim oo ah shaqsi ku wanaagsan shaqadiisa ayaa inta uu ahaa Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada dhaxal siiyey Siyaasad wanagsan oo ay la yeelato Caalamka isagoo Lacago ka badadan Labaatan Milyan oo Dolar oo Cadaan ah u keenay Dowlada taas oo uu ka keenay Yurub iyo Carabta isagoo ay aad ula dhacsanaayeen Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya balse Madaxweynaha ayaa isago wax cilaaqaad ah aanan la laheyn Wasiirka taasoo laga wada ogaa Madaxtooyada isagoo Ganbar ugu fadhiyey Ninka horey uga diiday Qofkuu watay Dartii halkii uu ku amaani lahaa Siyaaad wanaaga iyo hufnaanta uu howsha ku waday Mudane Maxamed Ibraahim, waana tan dhalisay in dhowrmar ay soo shaac baxaan isku shaandheyn tasoo madaxweynuhu uu dalabkeeda lahaa iyadoo sidoo kale Warbaahinta Qaranka laga Joojiyey si dadban siideynta Wararka quseeya Wasiirka Arimaha Dibada si loo daboolo Hufnaantiisa iyo howlkarnimadiisa.

Mudane Maxamed Ibraahim oo ah aqoon yahay Shahadada Master ku qaatay magaalada Newcastle ee Dalka Ingiriiska xili hore oo ay usoo dirtay Dowladii dhexe ee Kacaanka isagoo markale dagaan uu unoqday Dalka Ingiriska xiligii ay burburtay Dowladii dhexe wuxuuse Maxamed Ibraahim howlihiisa shaqo ee ah habka casriga ee aan ku dhisneyn qof qancinta u watay si hagaagsan walow markii danbe ay isku dhaceen Raiisul wasaare Cabdi wali kaasoo ka dalbaday in uu Safiir u magacaabo Gabar ay qaraaba yihiin oo lagu Magacaabo Ubax ugana qaado Safiirnimada Ambasadoor shaqadiisa gudanaaya tasoo uu diiday Wasiirku sheegayna in Safiirkaa howshiisa si fiican u wato sidoo kalana wuxuu Raiisul wasaare Gaas ka xumaday Soo dhaweyntii wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Ingiriiska William Hagu oo u jeclaa in uu dib u hakiyo imaatinkiisa si uu shir jaraid ula qabto uguna gacan galin Madaxweyne Shariif Shiiq Axmed oo ay si sharaxan ugu tuuran tahay.

Ra`iisulwasaare kuxigeen Mudane Maxamed Ibraahim oo aanan fahmin qaabka Siyaasada Saacadan ka socota Soomaaliya una heystay in qofkasta lagu xaqdhowrayo shaqadiisa laguna tixgalinaayo waxqabadkiisa ayaa noqday qorigii labada dhinac ka gubtay kadib markii ay u wada heshiiyeen Madaweynaha iyo Raiisul wasaraha iyadoo maalma ka hor shirkii London laga qaaday Xilkii Wasiirka Arimaha Dibada loona badalay Wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa.

Soo laabashadii Madaxweynaha ee Shirkii London wuxuu Maxamed Ibraahim sameeyey soo dhaweyntii ugu wanaagsaneyd ee Madaxweynaha loogu diyaariyo Airporka Muqdisho madama uu ahaa Kusimaha Ra`iisul wasaaraha waxaase maalma un ka danbeysay Warqadii Aqoonsiga Maamulka Khatumo oo uu Madaxweynaha ku amray in uu saxiixo Ra`iisul wasara ku xigeenka balse Raiisul wasaare Cabdiwali Gaas ka carooday warqadaa tasoo uu si toosa ula soo xiriiray Kusimihiisa Mudane Maxamed Ibraahim tasoo uu ku amray in uu soo saaro Warqad uu ku kaga laabanaayo Aqoonsiga tasoo uu fuliyey markii balse aad uga careysiisay Madaxweyne Shariif oo awalba u hayey Cuqdad.

Hadaba Madaxweynaha ayaa soo istaagay in Xilka laga qaado Wasiirka Beeraha Tasoo lagu eedeyey Xil gudasha la`aan iyadoo la ogsoon yahay in Wasaarada uu Madaxda ka yahay aysan jiri karin meel ay si toosa uga shaqa bilowdo madama Deegamada ay ka howlgali laheyd ay gacanta ugu jirto Kooxda Alshabab waxeyna dadka Siyaasada rog roga ku tilmaameen Qiil aan macquul aheyn oo ay u cuskadeen labada qof waa Madxweynaha iyo Raiisul wasaraha kuwaa oo mid kasta u hayey Xarash gaara iyadoo Xilka Qaadistan Sharci ahaan la sheegayo in ay tahay mid aan sax aheyn xiligan oo ay Dowlada u hartay Afar Bil aysana suuragali karin waxaase hubaala in Mudane Maxamed Ibraahim uu shaqadiisa gudanaayey Dowladana u keenay guula la taaban karo xaga Arimaha Dibada sida dib u furidda safaarada badan oo ay Soomaaliya lahayd waxaana ama heshiisyo dib u soo celintii Safaaradahaas (by lateral agreement) waxaana uga waynaa Safaradahaan:

  • 1.Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Ciraaq oo uu furay Wasiirka, waxaa kaloo wehlisa lacag deeq ahayd oo dowlada
    ciraaq ugu deeqday Soomaaliya oo dhamayd 5 –milyan oo doolar isaga oo ku wareejiyay Xukuumada (TFG).
  • 2.Safaarada Soomaaliyeed ee Rwanda oo uu mission u magacaabay Wasiirka.
  • 3. Wadanka South Africa oo uu Wasiirka lagalay (by literal agreement) oo hadda Safiir loo wado.
  • 4. South Sudan Wasiirka waxaa uu ka furay Safaarad Cusub isaga oo heshiis heer caalami ah la saxiixday kana soo
    gudoomay lacag deeq aheyd oo dhameed 1-milyan oo Doolar kuna wareejiyay Dowladda Soomaaliya.
  • 5. Wasiirka waxaa kale oo uu qabtay waxaa ka mid ahaa 10 – milyan oo doolar oo deeq aheyd Dalka Germany ugu
    deeqay wadanka Soomaaliyeed isaga oo ku wareejiyay Xukuumada (TFG).

balse uu noqday Masuul aan u Nacabley labada masuul ee ka sareeysa waa Madaxweyne Shariif iyo Raiisul wasaare Gaas..

Moment Media Group

Posted on April 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: