Max’ed Max’ud Xaaji Ibraahim “Ra’iisal wasaare Gaas ayaa igu qiyaanay arinta khaatumo state

1.04.2012 – Max’ed Max’ud Xaaji Ibraahim wasiirka beeraha ee dowladda KMG soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay sharci darro tahay in xilka wasiirnimo layga qaado,waxuu kaloo uu sheegay in Ra’iisal wasaare Gaas uu qinaayo u maleegay.
Max’ed Max’ud Xaaji Ibraahim oo bishii horey laga qaday xilkii wasiirka arnimaha dibada kadib loo magaacay wasiirka beeraha,ayaa sheegay in kursigiisa uu ku waayay wareegto uu ku diiday in Khaatrumo state ay tahay maamul dowladda KMG ay aqoonsan tahay.

Max’ed Max’ud Xaaji Ibraahim oo taleefano kula soo xiriiray qaar ka mid xildhibaanada digil iyo mirifle u sheegay in ra’isal wasaare C/wali gaas uu ku amray inuu qoro wareegto lagu diidayo in Khaatumo state yahay maamul goboleed ay dowladda KMG ay aqoonsan tahay.

Waxay ahayd bishii Oktoober 15-keedii 2007, markii ciidammada maamulka la magac baxay Somaliland si xoog ah kula wareegeen maagaalada Laasacaanood ee gobolka sool xili ciidamidii Puntland ay ka garab dagaalamayeen ciidamdii Itoobiya ee ku Soo duulay dalka Soomaaliya.

Cadde Muuse Madaxweynhii hore ee maamulka puntland ayaa maamahaas waxauu idacadaha ka sheegi jiray inuu dib ulla wareegi doono Lasacanood,balse waxuu hadalkiisii noqday ‘qawda maqashii, waxna haw qaban.’

Madaxweyne Faroole oo isagu dhaxlay talada Puntland, ayaa sidii cadde muuse, dheg jalaq u siin oohinta Dhulbahante. Marka la weydiiyo oo idaacadaha waxuu hadalkiisa kusoo koobay “haddee arrinta nabad ha lagu dhameeyo”.

Beesha dhulbhante ayaa hadda wax ay ka toostay jiifkii,maka hore waxay sameysteen Jabhada SSC kadibna waxay ku dhawaaqeeen maamulka Khaatumo Stete.iyadoo ay aintaasi nabar iyo naxdin ku noqotay Maamulka Somaliland iyo kan Puntland ay horboodaan Beesha Majeerteen.

Posted on April 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: