Khilaaf Xoogan oo soo kala dhexgalay Saxiixayaashii Road Map-ka iyo Awoodooda oo hoos loo dhigay

April 1, 2012 – Saxiixayaasha qorshaha Road Map-ka oo ka kooban lix xubnood, isla markaasna sameystay awoodo dheeraad ah ayaa soo wajahaday caqabado waa weyn oo horistaagay inay awoodo dheeraad ah ku yeeshaan xilliga kala guurka ah, ka dib markii ay ka horyimaadeen xubnaha beesha caalamka iyo siyaasiyiinta iyo qeybo badan oo ka mid ah beelaha Soomaalida.

Xubnahahani oo kala ah Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra’isul wasaare C/weli Maxamed Cali {Gaas}, Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed {Faroole}, Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caali iyo Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee gobolka Banaadir C/qaadir Sheekh Macalin oo labadii shir ee lagu qabtay Garoowe awoodo dheeraad ah ku sameystay ayaa waxaa ka horyimid sedex arrimood oo kala ah khilaaf dhexdooda ah, dhaqaalihii ku bixi lahaa hirgelinta qorshaha Road Map-ka oo ay beesha caalamku diiday iyo ururada bulshada rayid ah oo dacwado faraban ka gudbiyey, kana soo horjeestay awoodaha reeraadka ah ee ay sameysteen lixdaasi nin.
Awoodaha dheeraadka ah ee ay lixdan mas’uul sameysteen oo ay ka mid aheyd inay saameyn weyn ku yeeshaan soo xulidda Golaha loo bixiyey dasruuriga ee ansixiyana dastuurka cusub ee loo sameynayo Soomaaliya, soo xullidda xubnaha Baarlamaanka cusub ee soo socda ka mid noqonaya iyo awoodo kale oo badan ayaa cadaadis badan ka dib waxaa hoos u dhac ku yimid   qaar ka mid ah awoodihii dheeraadka ah ee ay sameysteen mas’uuliyiintaasi, waxayna hadda qeyb ahaan ay ogolaadeen in loo madaxbaneeyo Odayaasha dhaqanka soo xullidda dadka ansixiyana dastuurka ay yeelaneyso Soomaaliya.

Sidoo kale saxiixayaashu waxay ogolaadeen in si toos ah Odayaasha dhaqanka iyo beeluhu ay soo xushaan Xildhibaanada cusub, laakiin waxay meelaha qaarkood ku xireen in iyaga ay noqdaan marjaca loo laabanayo, waxaana arrintan weli ka soo horjeeda xubnaha beesha caalamka oo ka cagajiidaya bixinta dhaqaalihii lagu fulin lahaa howlaha Road Map-ka iyo qeybaha bulshada oo intooda badan ka soo horjeeda qaabka loo meelmarinayo dastuurka iyo qaar ka mid ah qodobada dastuurka cusub.

Si kasta oo ahaataba xubnahan ayaa awoodaha ay sameysteen waxa salka ku hayeen inay soo noqdaan, si ay taasi ugu hirgashana ay saameyn ku yeeshaan ansixinta dastuurka iyo soo xulashada Baarlamaanka cusub, waxaana qodobada ay weli dhiganyihiin ka mid ah inay shuruudo ku xireen shaqsiyaadka ka midka noqoanaya Baarlamaanka cusub, taas oo ka horistaaageysa in siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan aysan ku soo bixin xubnaha cusub ee Baarlamaanka, amaba haddii si kale loo yiraahdo xubnaha cusub ee Baarlamaanka ka dhigeysa kuwo ay iyaga si dadban u soo doortaan si ay codka uga helaan.

Posted on April 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Midowga Yurub oo ku baaqay inay Soomaaliya yeelato dowlad cusub oo la aamini karo
    on March 31, 2012 by antitribalism

    Nairobi, 27-Mar-2012 – Midowga Yurub ayaa ku baaqay inay Soomaaliya yeelato dowlad la aamini karo marka uu dhammaado wakhtiga ku-meel-gaarka ah, si meesha looga saaro dowladda haatan ee uu musuqa daashaday.Deeq-bixiyayaasha ayaa meesha ka saaray in wakhtiga loo kordhiyo dowladda KMG ah ee siddeed-sano-jirsatay, taasoo ku guuldarreysatay inay waxqabato xiligi la siiyey, waxeyna haatan dadaal ugu jiraan sidi maamul cusub loo dhisi lahaa.
    Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa caan ku ah boobka hantida yar ee ay deeq-bixiyayaasha ugu talagaleen dalka burburay iyo ummadda rafaadsan.

    Guud ahaan deeq-bixiyayaasha iyo dalalka reer galbeedka ayaa qaba in dowladda cusub ee ay Soomaaliya yeelaneyso ayan noqon midda hadda jirta oo kale.

    Dowladda haatan ayey beesha caalamka u aragtaa mid is-dhex-fadhida oo aan xubnaheeda intooda badan la ogeyn fikirkooda siyaasadeed iyo howlaha dhabta ah ee ay ku jiraan.

    “Waa inaynu xaqiijinaa inuu jiro nidaam siyaasadeed oo la fahmi karo, muuqanna kara oo curta,” sidaas waxaa yiri Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Alexander Rondos, mar uu maanta oo Talaado ah warbaahinta kula hadlayey Nairobi.

    Geedi-socodka iyo wadatashiyada lagu soo xulayo hogaaminta sare ee majaraha u qaban doonta dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa haatan socota.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: