Khilaaf Xoogan oo soo kala dhexgalay Saxiixayaashii Road Map-ka iyo Awoodooda oo hoos loo dhigay

April 1, 2012 – Saxiixayaasha qorshaha Road Map-ka oo ka kooban lix xubnood, isla markaasna sameystay awoodo dheeraad ah ayaa soo wajahaday caqabado waa weyn oo horistaagay inay awoodo dheeraad ah ku yeeshaan xilliga kala guurka ah, ka dib markii ay ka horyimaadeen xubnaha beesha caalamka iyo siyaasiyiinta iyo qeybo badan oo ka mid ah beelaha Soomaalida.

Xubnahahani oo kala ah Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra’isul wasaare C/weli Maxamed Cali {Gaas}, Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed {Faroole}, Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caali iyo Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee gobolka Banaadir C/qaadir Sheekh Macalin oo labadii shir ee lagu qabtay Garoowe awoodo dheeraad ah ku sameystay ayaa waxaa ka horyimid sedex arrimood oo kala ah khilaaf dhexdooda ah, dhaqaalihii ku bixi lahaa hirgelinta qorshaha Road Map-ka oo ay beesha caalamku diiday iyo ururada bulshada rayid ah oo dacwado faraban ka gudbiyey, kana soo horjeestay awoodaha reeraadka ah ee ay sameysteen lixdaasi nin.

Awoodaha dheeraadka ah ee ay lixdan mas’uul sameysteen oo ay ka mid aheyd inay saameyn weyn ku yeeshaan soo xulidda Golaha loo bixiyey dasruuriga ee ansixiyana dastuurka cusub ee loo sameynayo Soomaaliya, soo xullidda xubnaha Baarlamaanka cusub ee soo socda ka mid noqonaya iyo awoodo kale oo badan ayaa cadaadis badan ka dib waxaa hoos u dhac ku yimid   qaar ka mid ah awoodihii dheeraadka ah ee ay sameysteen mas’uuliyiintaasi, waxayna hadda qeyb ahaan ay ogolaadeen in loo madaxbaneeyo Odayaasha dhaqanka soo xullidda dadka ansixiyana dastuurka ay yeelaneyso Soomaaliya.

Sidoo kale saxiixayaashu waxay ogolaadeen in si toos ah Odayaasha dhaqanka iyo beeluhu ay soo xushaan Xildhibaanada cusub, laakiin waxay meelaha qaarkood ku xireen in iyaga ay noqdaan marjaca loo laabanayo, waxaana arrintan weli ka soo horjeeda xubnaha beesha caalamka oo ka cagajiidaya bixinta dhaqaalihii lagu fulin lahaa howlaha Road Map-ka iyo qeybaha bulshada oo intooda badan ka soo horjeeda qaabka loo meelmarinayo dastuurka iyo qaar ka mid ah qodobada dastuurka cusub.

Si kasta oo ahaataba xubnahan ayaa awoodaha ay sameysteen waxa salka ku hayeen inay soo noqdaan, si ay taasi ugu hirgashana ay saameyn ku yeeshaan ansixinta dastuurka iyo soo xulashada Baarlamaanka cusub, waxaana qodobada ay weli dhiganyihiin ka mid ah inay shuruudo ku xireen shaqsiyaadka ka midka noqoanaya Baarlamaanka cusub, taas oo ka horistaaageysa in siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan aysan ku soo bixin xubnaha cusub ee Baarlamaanka, amaba haddii si kale loo yiraahdo xubnaha cusub ee Baarlamaanka ka dhigeysa kuwo ay iyaga si dadban u soo doortaan si ay codka uga helaan

Posted on April 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 2 Comments.

  1. Dowladda KMG ah iyo CRD oo isku milmay iyo iyaga oo Qorsheynaya….
    by antitribalism

    1.04.2012- Saxiixayaasha Road Mab-ka oo ka kooban lix qofood oo kala ah Madaxweyne Shariif, Raisul wasaare cabdiweli, Xubin ah Ahlu Suna Waljamaaca, Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, ayaa qaar ka mid ahi waxey maleegayaan qorshayaal cadaaladda ka fog oo ay rabaan in ay dib ugu soo laabtaan..

    Madaxweyne Shariif iyo Raisul wasaare Cabdiweli ayaa ku heshiiyey in si kastaba ha noqotee ay dib usoo noqdaan, iyaga oo doonaya in ay magacaawdaan guddi Doorasho IIEC oo aan dhexdhexaad ka aheyn xaalada soomaaliya.

    Sidoo kale waxey doonayaan Madaxweyne Shariif iyo RW Cabdiweli iney odoyaasha dhaqanka ee saxda ah ku daraan odoyaal dhaqameed been abuur ah oo ay iyagu wataan, odoyaashaas oo aan aheyn hogaamiye dhaqmeedyadii saxda ahaay ayey doonayaan in ay soo xulaan xildhibaanada una soo gudbiyaan gudiga doorashada IIEC oo ay iyagu magacaabanayaan, sida hadda qorshahoodu yahay.

    Labadaan nin oo ah Shariif iyo Cabdiweli oo labadaba aad uga shaqeynaya inay soo noqdaan oo ay kala buuxiyaan labada jago ee dalka ugu saraysa sida madaxweynaha iyo raisulwasaaraha ayaa waxaa arinta u fududeynaya Amp. Mahiga oo bushada caalmaka ka dhaadhicinaya in la aqbalo wax kasta oo ay saxiixaan, qoladaan lagu sheegay saxiixayaasha.

    Waxaa umadda soomaaliyeed is weydiinaysaa in taladii dalka Soomaaliya xiligaan kala guurka ah gacanta loo geliyo niman doonaya in ay talada iyaga sii haystaan.

    Waxyaalaha u fududeynaya oo kale waxaa ka mid ah iyaga si xun oo musuqmaasuq ah u maamulaya hantidii dalka sidoo kale waxay qorsheynayaan in ay soo samaystaan lacago ay rabaan in ay ku gataan odoyaasha dhaqanka been abuurka ah oo ay doonayaan in ay ku daraan odoyaasha wax soo xulaya.

    Waxyaalaha yaabka leh oo ay go’aamiyeen saxiixayaasha road map-ka waxaa ka mid ah in odoyaasha dhaqanka wax soo xulaya ay noqdaan ilaa 130 oday dhaqameed, halkaas oo aad ka fahmayso inay rabaan inay isticmaalaan odoyaal dhaqameedyo been abuur ah oo ay Dawladda Kumeel gaarka ah soo magacaabatay, kuwaaso la rabo inay fuliyaan qorshaha labada nin ee dalka ugu saraysa, , Qorshahaan lagu magacaabayo oday dhaqameedyada bugta ah ayaa waxuu ka socdaa xafiisyada Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha iyo waliba wasaaradda arimaha gudaha oo laga siiyo aqoonsiyo.

    Sidoo kale hay’adda CRD oo la rabay inay ka shaqeyso danaha bulshada Soomaaliyeed ayaa waxay u xuub siibatay in ay fuliso siyaasada madaxweynaha DKG ah oo uu ku doonayao in uu dib ugu soo laabto xukunta Madaxweynanimada 4-ta sano ee soo socota, maadaama madaxa hay’adda CRD Mr Jibriil Aden Cabdule uu kala shaqeynayo Madaxweyne Shariif in odoyaal dhaqameed been abuurka ah lagu soo daro liiska odoyaal dhaqameedyada soomaaliyeed.

    Hayadda CRD oo samaysay wax lagu sheegay baaritaano lagu ogaanayo oday dhaqameedyada saxda ah ayaa hadda la ogaaday iney ka dhex abuurtay beelaha is qabqabsi xoog leh, iyada oo ku mashquulsan abuuris magacyo oday dhaqameedyo aan sax ahayn si ay ugu xaggliyaan madaxda hadda dalka haysata, mida kale waxaa si waadax ah usoo shaac baxaysa in madaxa Hayadda CRD ku dhex milmay xafiiska Madaxweynaha DKG ah, lataliye qarsoona uu u noqday madaxweyne Shariif.

  2. Midowga Yurub oo ku baaqay inay Soomaaliya yeelato dowlad cusub oo la aamini karo
    March 31, 2012 by antitribalism

    Nairobi, 27-Mar-2012 – Midowga Yurub ayaa ku baaqay inay Soomaaliya yeelato dowlad la aamini karo marka uu dhammaado wakhtiga ku-meel-gaarka ah, si meesha looga saaro dowladda haatan ee uu musuqa daashaday.Deeq-bixiyayaasha ayaa meesha ka saaray in wakhtiga loo kordhiyo dowladda KMG ah ee siddeed-sano-jirsatay, taasoo ku guuldarreysatay inay waxqabato xiligi la siiyey, waxeyna haatan dadaal ugu jiraan sidi maamul cusub loo dhisi lahaa.
    Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa caan ku ah boobka hantida yar ee ay deeq-bixiyayaasha ugu talagaleen dalka burburay iyo ummadda rafaadsan.

    Guud ahaan deeq-bixiyayaasha iyo dalalka reer galbeedka ayaa qaba in dowladda cusub ee ay Soomaaliya yeelaneyso ayan noqon midda hadda jirta oo kale.

    Dowladda haatan ayey beesha caalamka u aragtaa mid is-dhex-fadhida oo aan xubnaheeda intooda badan la ogeyn fikirkooda siyaasadeed iyo howlaha dhabta ah ee ay ku jiraan.

    “Waa inaynu xaqiijinaa inuu jiro nidaam siyaasadeed oo la fahmi karo, muuqanna kara oo curta,” sidaas waxaa yiri Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Alexander Rondos, mar uu maanta oo Talaado ah warbaahinta kula hadlayey Nairobi.

    Geedi-socodka iyo wadatashiyada lagu soo xulayo hogaaminta sare ee majaraha u qaban doonta dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa haatan socota.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: