Puntland oo ka Dhawaajisay In ay Ka Qaybqaadatay Dagaalkii Ka Dhacay Duleedka Buuhoodle .

Buuhoodle 2-April-2012 – [MMG] Dawladda Puntland ayaa sheegtay in ay ka qeybqaadatay dagaalkii shalay ka dhacay duleedyada Laascaanood iyo Buuhoodle isla markaana ay khasaare lixaadleh gaarsiiyeen Ciidamada Maamulka Soomaaliland isla markaana ka dileen Taliye Ciidan.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Injineer Maxamed Faarax Aadan  oo maanta la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Ciidamada Daraawiishta Puntland ay ka qeybqaateen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Sool-joogto ee gobolka Cayan  isla markaana dagaalka khasaare xoogan ku gaarsiiyeen Ciidamada Maamulka Soomaliland.

Waxa uu ku eedeeyey Maamulka Somaliland in marka hore ay dagaalka soo qaaday iyadu isla markaana dagaalku ahaa mid muddo badan ay qorsheyneysay Xukuumada Somaliland sida uu sheegay Wasiirku.

….”””Waxa uu ahaa weerar qorsheysan bay kusoo qaadeen laba aag ee Laascaanood iyo Buuhoodle,dagaal qorsheysan oo in dhowayd ka war haynay buu ahaa oo waxay is yiraahdeen maanta howsha gaba gabay laakin sidaas ma aysan noqon.Khasaare naf iyo maal labada dhinac waa jiraan,iyaga intaan hubno Taliyihi Ciidanka waa dhintay oo gaashanle sare oo weliba Saraakiisha hore ee Soomaaliya.waxaan kaloo war haynaa in gaari ZUU oo ay saaran yihin 8-qof uu madfac ku dhacay,dhimasho iyo dhaawac waa jira inkastoo aan lagu faani Karin dadka Soomaaliyeed ee dhintay…’”ayuu yiri.

Md. Maxamed Faarax Aadan ayaa tilmaamay in dagaalka uu kasoo gaaray khasaare dhankooda ay kaga dhinteen 6-qof lagagana qabsaday mid kamid ah gawaarida dagaalka oo ay leeyihiin Ciidamada Daraawiishta Puntland ee gobolka Cayn isla markaana waxa uu ganafka ku dhuftay wararka sheegayey in aysan Puntland qeyb ka ahayn dagaalka.

.…””‘’Haa  Anaga dhinacayaga waxaa dhintay 6-qof shan qofna waa naga dhaawacmeen oo uu sahlan yahay dhaawacooda,walaahi ninka dagaalka gala waa dhinta khasaaraha isagu buu ku dhaca,wey iska muuqata hal gaari Ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobolka Ceyn ay lahaayeen xaga cadowga buu maray oo lala wareegay,saddex kamid ah Ciidanka Daraawiishta way dhinteen,waa wax waadax in Ciidamadeena ay dagaalka galeen oo ay difaaceen qaranka’’,ayuu sheegay..”””ayuu sidoo kale yiri.

Si kastaba Puntland sheegashadeeda dagaalka in ay ka qeybqaadatay haddana waxa dagaalku uu u dhaxeeyey Ciidamo taabacsan Maamul Goboleedka Khaatumo State iyo Ciidamada Somaliland,waxaase laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay degenaasho iyadoona la filan karo dagaal dib uga qarxa.

Posted on April 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: