C/llaahi Axmed Caddow oo si aad ah uga soo horjeestay qodobka ku saabsan xulidda xubnaha baarlamaanka Soomaaliya

2-April-2012 (MMG)_ Siyaasiga C/llaahi Axmed Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed laba jeer oo horena u soo tartamay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay heshiisyadii ay madaxda Soomaalidu ku gaareen magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, isagoona ka digay in hoggaamiyeyaasha siyaasadda ay soo xulaan Baarlamaanka cusub.

Mr. Caddow wuxuu si aad ah uga soo horjeestay qodobka ku saabsan xulidda xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan sharciga waafaqsanayn inay xildhibaannada soo xulaan dad murashaxiin ah oo doonaya in hadhow lasoo doorto mar kale.

“Waxaa ka mid ah heshiiska in odayaasha dhaqanka ay soo xulaan xildhibaannada Baarlamaanka cusub, lana soo marsiiyo shanta xubnood ee saxiixayaasha ah, markaasna ay ka xushaan xubnaha ay doonayaan” ayuu yiri C/llaahi Caddow oo BBC-da wareysi siinayay.

Wuxuu sheegay Mr. Caddow in odayaasha dhaqanka ay xaq u leeyihiin inay soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka, go’aankana ay gaaraan guddi gaar ah oo la sameeyay, balse aysan ahayn inay go’aan ka gaaraan xubno doonaya inay hoggaanka dalka u tartamaan si ay mar kale loo soo doorto.

“Siyaasiyiintu waa inay u daayaan howsha xulidda baarlamaanka odayaasha dhaqanka” ayuu yiri C/llaahi Caddow oo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Siyaasiga C/llaahi Axmed Caddow oo ah murashax u taagan xilka madaxweynimo ee Somalia markii afaraad ayaa sheegay in arrintan uu gaarsiin doono xafiiska u qaabilsan siyaasadda QM ee UNPOS, uuna ka hari doonin arrintan oo uu ku sheegay inay sharci-darro tahay.

Moment Media Group

Posted on April 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: