Dalmar Yare iyo Farxiyo Kabayare: Hees si cajiib loo jikay oo dad badan soo Jiidatay Daawo

Posted on April 3, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Somalia iyo Ansixin ‘Dastuur Cusub’
    by antitribalism

    Maalmahan masuuliyiinta Dawladda Federaalka KMG ah waxay ka hadlaan, in ay ku howllan yihiin diyaarin, sidii xiliga KMG ah looga gudbi lahaa, iyadoo la raacayo waxa loo bixiyey waddada khariidadda (Roadmap).

    Roadmap-ka waxaa loola jeedaa qorshe ay Xukuumadda KMG ahi isku duwaday, oo tilmaamaya Nabdeyn iyo dib u heshiisiin, hirgelin maamul-wanaag, Ansixin Dastuur Cusub, doorasho Baarlamaan cusub, iyo marka la gaaro 20 August 2012, oo xilliga ku meelgaarka ahi dhamaado, dawlad Federaal ah oo aan KMG ahayn la dhisayo.

    Laakiin, marka si miyir qabta loo fiirriyo, dad badani waxay shaki ka qabaan suurtogalnimada waxa masuuliyiintaasi ay sheegaan. Waxaana la isweyddiin karaa, in Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisal Wasaare Gaas, uu Roadmap-koodu tuso ama u muujiyo toobiye dhalanteed ah oo u sheega xaqiiqada taal ‘Soomaaliya’ mid ka duwan!

    Dalka Soomaaliya, meel dawladda KMG ah si rasmi ah gacanteeda ku jira, waa magaalada Muqdisho, oo iyada lafteeda, dhowrkii casho oo ugu dambeeyey, ugu yaraan laba jeer gantaalo lagu soo weeraray Madaxtooyada, mar kalena qof Ismiidaamiyey uu isku qarxiyey albaabkeeda hore, iyadoo werarada kale ee qaraxyada iyo shirqoolku ayan xisaab lahayn.

    Gobolada Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Gedo, Bakool iyo Bay badankood weli waxay gacanta ugu jiraan Ururka Al-qaacida. Sidaas oo kale, gobollada Hiiraan iyo qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

    Isla markaas, gobolladaas Al-qaacida haysato iyo kuwo kaleba, ugu yaraan in ka badan 40 Maamul goboleed ayaa looga dhawaaqay, qaarkoodna waxay 20kii sano ee ugu dambeeyey u ololeynayeen in Soomaliya la kala jaro, oo woqooyiga Soomaaliya waxay uga dhawaaqeen gooni istaag la baxay ‘Somaliland’.

    Dhinaca kale, Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Xukuuumadda iyo Madaxweynaha waxaa dhexyaal khilaaf qoto dheer oo gebi ahaamba wiiqay wixii wada shaqayn ahaa oo hey’adaha TFG-da looga baahnaa in ay masuuliyadda wadajir u wajahaan.

    Baarlamaanku wuxuu riday Guddoonkiisii hore, wuxuuna doortay guddoon cusub, wuxuuna Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarahaba ku eedeeyey ku xadgudub awoodeed iyo in ay isku magacaabeen ‘Saxiixayaalka Garowe’. Taas oo Baarlamaanku ku tilaamay ku xadgudub Axdiga KMG ah. Go’aan ay Golaha Shacbiga gaareen 22 Febraayo 2012, waxaa lagu sheegay, in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed xil-ka-qaadis ku sameeyeen, waxayna iclaamiyeeyn doorasho Madaxweyne oo dhacaysa 30 Abriil 2012.

    Marka la isku daro arrimaha aan kor ku soo sheegnay, oo weliba ay weheliyaan in, in ka badan rubuc (1/4) dadka Soomaliyeed ay maanta qaxooti ku yihiin gudaha dalkooda (Internal Displaced People ), iyadoo in ku dhow 1.5 milyan oo kale ay qaxooti ku yihiin dalalka deriska ah ee Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Yeman iyo Uganda.

    Soomaaliya xaaladda sidaas ah, Dastuurka cusub oo la ansixiyo, Baarlamaan cusub oo la doorto iyo xilliga KMG ah oo laga baxo, malaha waa Roadmap-kooda oo tusaya waddo aan zaxmad lahayn, dhib yar!.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: