Odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga oo eedeeyn kulul u jeediyey Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowlada KMG Somalia

3.04.2012 (MMG) – Odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay xaruntooda degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, iyagoo wasaarada arimaha gudaha ee xukuumada KMG Somaliana ku eedeeyay iney qaadeyso talaabooyin iska horkeenaya beelahaas.
Malaaq Buube Muude Suufi oo ah gudoomiyaha golaha dhaqanka odayaasha beelaha Banaadiriga oo shirkaas Jaraaid ka hadlay ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha ay wado qorshe ay Imaam guud ugu sameyneyso beelaha Banaadiriga kaasoo uu sheegay in aysan iyagu ka warqabin isla markaana ay wataan shaqsiyaad iyaga ku abtirsada hase ahaatee aan kalsooni ka heysanin beelaha Banaadiriga.



“Haddii aan nahay beelaha Banaadiriga waxaan leenahay dhaqan gaar ah sida beelaha Soomaaliyeedba u leeyihiin, anaga dhaqankeena waxaa uu leeyahay malaaqyo, ma qabno Ugaasyo, Imaamyo nabadoono iwm, marka waxaan diidanahay in wasaarada arimaha gudaha ay sameyso Imaam gacan ku rimis ah oo dano gaar ah laga leeyahay” ayuu yiri Malaaq Buube Muude oo intaa ku daray in arintaas aysan marnaba yeeli doonin.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga C/llaahi Sayid Cali oo isna shirkaas jaraaid ka hadlay ayaa sheegay beelaha banaadiriga oo markii horeba tirsanayey in la duudsiiyey xuquuqdii ay ku lahaayeen DKMG ah aysan aqbali doonin qorshahan oo uu sheegay in wasaarada arimaha gudaha ay ku doooneyso iney imam guud ugu sameyso beelahaas.
Caaqil Axmed Iikar oo ah duqa beesha Camuudi oo ka mid ah beelaha Banaadiriga oo ka mid ahaa odayaashii goobtaas ka hadlay ayaa isna sheegay in beelaha banaadiriga ay yihiin dad nabada jecel oo doonaya dowladnimo hase ahaatee waxa ay ka soo horjeedaan ay tahay in wax aysan ka warqabin dusha looga keeno, wuxuuna xusay in beelaha banaadiriga ay leeyihiin odayaal dhaqameedyo la yaqaano kuwa maqaar saar ahna aysan aqbali doonin iney metelaan.

“Markii hore waxaan dhihi jirnay ILAAHAY AYAA JOOGO marka dhibaato na loo geysto ama xuquuq aan leenahay la qaato hase ahaatee Hadda ilaahay ayaa jooga waan leenahay gacana waa ku dareynaa” Sidaa waxaa yiri Malaaq Mahdi Xaaji Nuurow oo ka mid ah waxgaradkii maanta shirka jaraa;id ku qabtay degmada X/weyne, dhinaca kale mana jiro war jawaab u ah eedeeymahan oo ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee dowlada KMG Somalia

Moment Media Group

Posted on April 3, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: