Qurba jooga Soomaliyeed (Somalia Diaspora) oo ka soo horjeestay Dastuurka cusub sheegayna in qodobad uu ka koobanyahna laga soo guuriyey dowalada Etoobiya

3.04.2012 – Qurba jooga Soomaliyeed ayaa laalay dhamaan qodobad auu ka koobanyaha dastuurka cusub ay soo maryeen qaramada midoobay qeybta siyaasada u qabilsan Soomaaliya oo oo dadkii loo soo bandhigay ku sheegeen mid laga so guuriyey dowalada Etoobiya xiligaana Soomaaliya in ay qaadata ku habooneen.

Gabar Yar oo Soomaali ah kuna nooleed muda qurbaha aya sheegtay in marka hore loo baahan yahay in laga saara qodob cusuriyeenta ah ee sheegayo dadka laga tirabadanyahay madaama ay tiri aysan jirin cid cid tira koobtay xiligaan iyadoona gabartaasi Soomaaliyeed ay ka hortimid qodobka ah in Muqdisho cid laheyn taa oo ay ku tiri in aysanba taa jirin maxaa yeelay magaladeeda anigaa leh taadana cid leh ma jirta meel ay sheegeysa ma jirta meel walba cid baa leh bay tiri.

Nin Soomaaliyeed oo ka mid ah dadkii ka doodayye ayaa yiri Soomaaliya dastuur la doortay Soomali oo dhan u codeysa ayaa jira kaa waa in la qataa ayey yirahdeen isagoona sheegay in xiligaan banaan in dastuur leysku mashquuliyo madaama dalka colaad ku jira

Dhamaan qurba jooga Soomaliyeed ayaa dhamaan ka hor yimid dastuurka cusub at dabada ka wadaan dowlada shisheeyo oo Soomaaliya kaleh dana qaas ah kuwaa oo doonaayo in dastuurka Soomaaliya lagu daro xaquuda dadka heysta diimaha kale ee aan Islaamka aheyn   oo dadka Soomaliyeed ay aad u diidan yihiin madaama boqolkiiba boqol ay muslin yihiin.
Dastuurkaan cusub ee xiligaan la doonayo in Soomaaliya jahwareer siyaasadeed xun ay gasho ayaa ;la doonayaa in lagu meel mariyo Doolar lacagtas oo la siin doono odayasha dhaqanka la doonaayo in ay meel mariyaan bisha May 2012 ka ee nagu soo foosha leh.

Wasiirka dastuurka ayaa loogu baaqay in uu is casil kadib markii uu ku fashilmay in dadka Soomaaliyeed ii marsiiyo dastuurkas qabyada ah

Gudiga qaban qaabada Dastuurka ayaa lagu oriyey kadib markii dooda dadkii ay ka qeyb galay ay ka hor yimadeen kuwaa oo ku qabtay dalka ingariiska iyagoona waji gabax weyn kala kulmay kuwa doonaayo in dastuurka sacab lagu mariyo

Si kastaba ha ahtee dastuurkan qabyada ah ayaa waxaa wato dadka ka soo jeeda Punland sida wasiirka koowaad ,wasiirka dastuurka iyo madaxweynaha punlnad kuwaa oo dhamaan u arko dastuurka cusub mid u daneynaayo shacabka ay ka soo jeedaan

Gudiga qaban qabda banaanbax ka dhan ah Dastuurka qabyada ah ayaa ugu baaqay in dhamaan wadama aduunka lagu muujiyo codka in la diidan yahay lana qabto banaanbaxayo waaweyn si adunka loo tusa ayey yirahdeen in la diidan yahay

Posted on April 3, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: