Xubnaha Barlamanka hada jira oo la sheegay inaysan dib ugu soo laaban doonin Barlamanka Cusub

April 3, 2012 – Iyadoo lagu wado in bisha 5-aad ee soo socota la gudagalo soo xullidda xubnaha cusub ee Baarlamaanka cusub oo ka kooban 225-xubnood ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee hadda jira uusan midkoodna ka mid noqoneynin Baarlamaanka cusub ee la filayo inuu bedelo Baarlamaanka hadda jira.

Qorshahan oo sida la sheegay ay isla wataan xubno ka tirsan Beesha caalamka iyo xubnaha sarsare ee dowladda KMG ayaa la sheegay in loogu golleeyahay in xildhibaanadii soo shaqeeyay muddada 10-ka sano ku dhow aan lagu soo darin Baarlamaanka cusub, iyadoo lagu eedaynayo in mudadaasi ay ka qeybqaateen khilaafaadyo badan isla markaasna ay la kala safteen xubnaha sarsare ee dowladda KMG marka uu khilaaf soo kala dhexgalo, iyadoo dhinaca kale ay jiraan qaar ka mid ah xildhibaanadaasi oo caan ku noqday inay lacago ku qaataan sida la sheegay mooshinada iska soo horjeeda ee ay wataan xubnaha sarsare ee dowladda KMG.

Eedaymahan  oo aysan jirin wax si rasmi ah u xaqiijinaya ayaa la sheegay inay beesha caalamka u gudbiyeen qaar ka tirsan xubnaha sarsare ee dowladda KMG, halka warar kale ay sheegayaan in qaar ka mid ah dowladaha IGAD ay arrinkan wataan, iyadoo aan laogeyn sida ay arrintan ku suurtageli karto, maadaama  beelaha Soomaaliyeed ay iyagu soo xulanayaan, Baarlamaankuna uu ku dhisnaanayo nidaamka 4.5-ka oo aysan jirin doorasho.

Dhinaca kale saxiixayaasha qorshaha Road Map-ka ayaa la sheegay inay ka codsadeen beesha caalamka in loo ogolaado inay soo xulaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo tiro cayiman iyaga loo ogolaado inta kalena ay beeluhu soo xushaan, inkastoo aan la ogeyn intaasi laga aqbalay iyo in kale.

Xubnahan ayaa qaarkood sheegay inay xaq u leeyihiin in ugu yaraan deegaanada ay ka soo jeedaan amaba xildhibaanada ka imaanaya maamulada iyagu ay Madaxda ka yihiin inay iyagu soo xulaan iyagoo la tashi la sameynayaan beelaha ay ka imaanayaan, balse ay iyagu madaxda ka yihiin.

Posted on April 3, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Dowladda KMG ah iyo CRD oo isku milmay iyo iyaga oo Qorsheynaya….
    by antitribalism

    1.04.2012- Saxiixayaasha Road Mab-ka oo ka kooban lix qofood oo kala ah Madaxweyne Shariif, Raisul wasaare cabdiweli, Xubin ah Ahlu Suna Waljamaaca, Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, ayaa qaar ka mid ahi waxey maleegayaan qorshayaal cadaaladda ka fog oo ay rabaan in ay dib ugu soo laabtaan..

    Madaxweyne Shariif iyo Raisul wasaare Cabdiweli ayaa ku heshiiyey in si kastaba ha noqotee ay dib usoo noqdaan, iyaga oo doonaya in ay magacaawdaan guddi Doorasho IIEC oo aan dhexdhexaad ka aheyn xaalada soomaaliya.

    Sidoo kale waxey doonayaan Madaxweyne Shariif iyo RW Cabdiweli iney odoyaasha dhaqanka ee saxda ah ku daraan odoyaal dhaqameed been abuur ah oo ay iyagu wataan, odoyaashaas oo aan aheyn hogaamiye dhaqmeedyadii saxda ahaay ayey doonayaan in ay soo xulaan xildhibaanada una soo gudbiyaan gudiga doorashada IIEC oo ay iyagu magacaabanayaan, sida hadda qorshahoodu yahay.

    Labadaan nin oo ah Shariif iyo Cabdiweli oo labadaba aad uga shaqeynaya inay soo noqdaan oo ay kala buuxiyaan labada jago ee dalka ugu saraysa sida madaxweynaha iyo raisulwasaaraha ayaa waxaa arinta u fududeynaya Amp. Mahiga oo bushada caalmaka ka dhaadhicinaya in la aqbalo wax kasta oo ay saxiixaan, qoladaan lagu sheegay saxiixayaasha.

    Waxaa umadda soomaaliyeed is weydiinaysaa in taladii dalka Soomaaliya xiligaan kala guurka ah gacanta loo geliyo niman doonaya in ay talada iyaga sii haystaan.

    Waxyaalaha u fududeynaya oo kale waxaa ka mid ah iyaga si xun oo musuqmaasuq ah u maamulaya hantidii dalka sidoo kale waxay qorsheynayaan in ay soo samaystaan lacago ay rabaan in ay ku gataan odoyaasha dhaqanka been abuurka ah oo ay doonayaan in ay ku daraan odoyaasha wax soo xulaya.

    Waxyaalaha yaabka leh oo ay go’aamiyeen saxiixayaasha road map-ka waxaa ka mid ah in odoyaasha dhaqanka wax soo xulaya ay noqdaan ilaa 130 oday dhaqameed, halkaas oo aad ka fahmayso inay rabaan inay isticmaalaan odoyaal dhaqameedyo been abuur ah oo ay Dawladda Kumeel gaarka ah soo magacaabatay, kuwaaso la rabo inay fuliyaan qorshaha labada nin ee dalka ugu saraysa, , Qorshahaan lagu magacaabayo oday dhaqameedyada bugta ah ayaa waxuu ka socdaa xafiisyada Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha iyo waliba wasaaradda arimaha gudaha oo laga siiyo aqoonsiyo.

    Sidoo kale hay’adda CRD oo la rabay inay ka shaqeyso danaha bulshada Soomaaliyeed ayaa waxay u xuub siibatay in ay fuliso siyaasada madaxweynaha DKG ah oo uu ku doonayao in uu dib ugu soo laabto xukunta Madaxweynanimada 4-ta sano ee soo socota, maadaama madaxa hay’adda CRD Mr Jibriil Aden Cabdule uu kala shaqeynayo Madaxweyne Shariif in odoyaal dhaqameed been abuurka ah lagu soo daro liiska odoyaal dhaqameedyada soomaaliyeed.

    Hayadda CRD oo samaysay wax lagu sheegay baaritaano lagu ogaanayo oday dhaqameedyada saxda ah ayaa hadda la ogaaday iney ka dhex abuurtay beelaha is qabqabsi xoog leh, iyada oo ku mashquulsan abuuris magacyo oday dhaqameedyo aan sax ahayn si ay ugu xaggliyaan madaxda hadda dalka haysata, mida kale waxaa si waadax ah usoo shaac baxaysa in madaxa Hayadda CRD ku dhex milmay xafiiska Madaxweynaha DKG ah, lataliye qarsoona uu u noqday madaxweyne Shariif.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: