Cabdiweli Gaas: Nuur Cadde Darawal baan ku Badalay! // – Bahnimo iyo Beelnimo!

Thursday 5 April 2012 – Moment Media Group waxaa soo gaaray dhaleecayn uu Nin la yiraahdo Cabdullahi Faarax (Diihaal) uu ka fidiyey Safiirkii TFG-da u fadhiya Magaalada Roma Mudane Nuur Caadde.

Nuur Cadde wuxuu sidoo kale gacansaar Diplmaasiyeed la leeyahay Dalalka ku jira Sayladda Reer Yurub. Waa jago weyn oo aan laysu quurin, siiba marka ayna jirin Dawlad Qaranimeed oo Dalka u taagan.

Shaakhsi ahaan, Nuur Cadde wuxuu mudan yahay qiimayn iyo qaddarin heer qarameed, waana ka culus yahay nin Abdullaahi Faarax Diihaal kafad la wada saari karo, siiba: Xagga Aqoonta iyo waayoaragnimada, bisaylka Siyaasadeed iyo nuxurka Diplmaasiyeed.

Marka Shekada Qabiilnimo loo rogo, Diihaal iyo Nuur Cadde waa labo nin oo ka kala dhalatay labad qoys oo hagta TFG-da gabidhaclaynaysa. Runta halaga salgaaro ilaa gaaro halka ay gunta dhigato si loo arko shilinka dhiniciisa kale.

Abdullahi Faarax (Diihaal) waa kuma? A man should look for what is, and not for what he thinks should be.  Yaa soo magacaabay? Jagada xoghayaha 1aad ma sitaahilaa?

Diihaal waa Nin kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ahaan jirey tagsiile caan ka ah goobaha fadhi-ku didirka. Marka dib loo raacay Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa, Diihaal ma laha Aqoon jaamacadeed ama waayoaragnimo diblomaasiyadeed, hase yeeshee wan in reer-magaal ah oo hawlihiisa meemarsan kara.

Ayadoo ay jiraan Kumanyaal Aqqonyahanno Soomaaliyeed ah oo diyaarsan oo sita shahaadooyinka Masters/Phds, waa nasiibdarro in shakhsigan oo kale lagu Magacaabo jago uusan u qalmin oo haddana heer qaran ah oo u furan ciddii Istaahisha.

Xaqiiqada Shabakadda heshay waxay tilmaamaysaa in Wasiirka 1-aad, Cabdiweli M. Caligaas uu xambaarsan yahay Diihaal isgaana kasoo meelmariyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, labo waji bayna Cabdiweli arrintanu u leedahay:

1) Inuu Nuur Cadde oo salballaaran ku yeeshay sayladaha siyaasadda Taliaaniga iyo tan Yuruba jagada laga wareejiyo

2) Iyo in Gacanta lagu dhigo Dokumeenti badan oo sir ah oo laga soo aruuriyey Marxuumkii dhintay ee Cabdullaahi Yuusuf Axmad.

Ololaha Dhaleecaynta Nuur Cadde

Jagada Safiirnimada Dalka Talyaani aad baa Madaxda Dawladdu ugu mintidaa wayna isku curjiyaan. Siyaasiga danaystaha ahu wuxuu heli karaa wadiiqooyin badan oo uu ku gaari karo dantuu leeyahay haddii Italia u fadhiyo safiir uu ku kalsoon yahay.

Wuxuu gacaansaar la yeelan karaa “La Mafia” oo u suurogelisa kobcin dan Dhaqaale gaar ahaaneed, gacan-ku haynta Siyaasiga leh damaca weyn, abuurid dhaqaale maalgelineed oo ceeriinka lagu kala qaybsado, sidii “Fondo Aiuto Italiano ( FAI)” oo loogu daneeyey gobollada Bari, hase ahaatee la leexsada in ka badan boqolkiiba 60% oo aan Dalka soo gaarin.

Marka dib loo jalleecsado Dhaqanka iyo xididnimada isku dabarta “Gumayste iyo la Gumayste” ee Gobollada Koofureed, kasokow, Talyaaniga waxaan la wadaagnaa dhaqamo xun xun oo ay Yurubku uusan inta badan la qabin, waxaana kamid ah: Laaluush-cunka iyo Laaluush bixinta.

Momentxaqudood ka timaadda Maamul xumada Dawladda. Weynaaynta iyo baabbaaninta shaakhsi dan laga leeyahay,  Taakulayn ay ugu caleemo-guraan cidda siyaasad ahaan loo xambaarsan yahay, iwm.

Shaqo ka-qaadidda Nuur Cadde

Wasiirka -1aad wuxuu rabaa inuu helo farsamo uu Nuur Cadde jagada uga qaadi karo, Diihaal baana habboonaaday in laga dhigto Shakhsigii Nuur Caadde lagu kala tuuri lahaa, Cabdiwelina xeesha waa u ilbalaclaynayaa.

Cabdiweli waa Nin soo Qorshaysta 10 arrimood oo uu dan gaar ahaaneed ka leeyahay si uu meelmarsado tan u daran oo uu ku taamayo, dabadeedna kuwa kale mar kale soo rogaalceliya.

Farsamooyinka Loo Adeegsaaday Dhaleecaynta Nuur Cadde

Inta badan naynaasta Qofku waxay ka tarjuntaa dhabiicadda shakhsiga, Diihaalna waa yahay Nin rumaysay macnaha Magaciisa. Waxaa Keydmedia.net soo gaartay in rag badan colaad u rimman oo ku taamaya in Nuur Cadde uu dhabarjabin ku sameeeyey Sawladdii Cabdullaahi Yuusuf dokumenti sir ahna laga heli karo.

Diihaal waxay ahayd inuu Gacanta ku dhigo diiwaanka sirta ah oo Nuur Cadde xashinta ugu jira, si loo helo raad ama fursad loo cuskan karo shaqo ka qaadiddiisa. Waa in Gacanata lagu dhigo Xogta uu Nuur Cadde ka aruuriyey Cabdullaahi Yuusuf inta ay shaqada wada hayeen iyo kadib markay kala tageen.

Sidoo kale, waxaa la dabasocdaa sirta dhexmarta Nuur Cadde iyo Madaxweyne Shariif oo ku saabsan curyaamintii Cabdullaahi Yuusuf. Sirtaas oo Dhiihaal soo fago waxay guul iyo rayrayn u ahaan lahayd Cabdiweli, waxanna wiiqmi lahaa tixgelinta Shariif Axmad iyo Nuur Cadde ay ka samayteen Talyaaniga iyo Yurubta kale.

Ololaha Dhaleecaynta Nuur Cadde

Nuur Cadde markuu ogaaday Faragelinta badan oo Diihaal ku shaqo galay, albaabka ayuu kasoo xirtay, qufadihii sirtu ugu jirtana wuu barkaday. Diihaal isuma haysto, looma arkin, inuu yahay diblomaasi ka tirsan Shaqaalaha Safaaaradda ee waxaa loo arkay inuu tartan iyo xafiiltan ah kula jiro Safiirka qudhiisa. Cid walba geeska ayuu daaray, meel walbana wuxuu ku fidiyey warbixin dhaleecayn ah. Xiise aan jirin buu ka dhex-abuuray Safaaaraadda, wuxuuna ka dhigay mel Qabiil leeyahay oo lagu danaysto. Cid walba wax buu ka sheegay.

Safiirkii wuxuu ugu goodiyey in la furo bug tacsiyeed oo aan weli Bulshada Soomaaliyeed heshiis ku wada ahayn. Dil iyo jirxumayn been ah buu ka sheegtay shaqaaliha safaaradda. Wuxuu safaaradda soo geliyey carbanieri baara Shaqaalaha Safaaradda ayadoon iyadoo ayna ka dhicin wax fal-dambiyeed ah. Aflabadiis buu adeegsaday, saxaafaadda bahdiisuna waa u durbaan tuntay iyadoo u muujinaysa nin loo haysto middiyo dhaadheer.

Safaaraddii buu qiime riday oo uu ka dhigay meel beesha nuur Cadde leedahay. Wuxuu carbenieriga Talyaaniga ka dhaadhiciyey in qoys qura Safaaradda fadhiyo oo ku danaysto. Wuxuu carbanieri-ga ka dhaadhiciey in Nuur Cadde iyo inta la hayb ah ay soo kiraysteen rag dilaa ah oo Roma joogta inay naftiisa halis ku yihiin, sidaas darteedna wuxuu codsaday in la nabadgeliyo.

Buuqaas iyo fadqalalladaas Diihaal aloosay weli Cabdiweli tallaabo kama qaadin. Madaxweyne Shariif dhufays ayuu galay, Wasiirka arrimaha Dibadda waxba kama qaban. Waa dhacdo loogu talogalay inay wax sidaas u dhacaan si Cabdiweli uu u helo fursad uu Nuur Cadde ku kala tuuro.

Waxaa la yiraahdaa “Soomaalidu ma kala xog-ogaalsana ee waa kala xeelad badan tahay.”Waa laga yaabaa in Shaqaalaha jooga Safaaradda Roma ay u badan yihiin bahda Nuur Cadde. Waa laga yaabaan in xogtoodu u meelaysan tahay oo ay gaar u faqaan. Waa laga yaabaa inay si gaar ah isugu xiran yihiin ilaa ay ka bartaan cidda kussoo biirta. Waa lagaa yaabaa inay shaki ka qaadeen baadi doonka sirta Diihaal ku dabajiroo. Waa laga yaabaan in Diihaal ku dhibtooday helidda furihii uu Safaaradda ku rogrogi lahaa, taasoo keni karata in cid walba cadawsato.

Keydmedia oo rabto in ey Arintaas kala hadasho, jawaabtu waxey aheed “No Comment”!

Bahnimo iyo beelnimo sow ma ahan waxa Madaxda TFG-du kalsoonida iyo karaamada ay ku weyday? Sow ma ahan midda dhalisay boobka iyo sadbursiga Dalka ka taagan? Sow ma ahan midda Dadka qaarkiis u hanqal taago inay cunaan cad cid kale leedahay. Sow ma ahan midda qiime ridday habsaamidii Dawladu u shaqayn jirtey?

Bal u kuurgala Xafiiska Wasiirka 1aad ee arka xiisaha beeleed ee haalkaas ka socda. Waa suuq beelu leedahay ee ma ahan Xafiis ay u siman tahay Ummaadda Soomaaliyeed.

Bal Arka inta isku bahda ah oo Madaxa iskula jirta oo haraysay fadhiga xoghaynta Wasiirka 1aad: Waa xiirane iyo dhafoor-qiiq miiran oo aan cid kale wehelin, kuwaasoo dhammaantood laga soo xulay qurbajoogta Cabdiweli la la bahda ah.

Yaa Shaqosiin ugu maqan bulshada inteeda kale? Bal arka ciidanka u gaarka ah oo ilaaliya Wasiirka 1aad. Shufeerradiisa. Takhtarkiisa. Nadiifiyeyaasha Gurigiisa. Kuwa beerta Guriga waraabiya. Kuwa ilaaliya kadinka weyn oo guriga laga soo galo. Kuwa raashinka Suuqa ka keena. Kuwa kariya raashinka iyo kuwa Caanaha diiqalleeya. Bal arka kuwa gaarhayeenka ka ah Wasiisrka 1aad. Intuba Cabdiweli M. Caligaas bay ku hayb yihiin.

Ummaadda Soomaaliyeed, ha ahaadaan kuwa shaaha ku kariya kadika hore ee Villa Soomaaliya ama kuwa ku nool Alaska, waxay ka wada dharagsan yihiin in Xafiiska Wasiirka 1aad uu yahay goobta ugu weyn ee Geeska Afrika oo Qabyaaladda laga hoggaamiyo. Ummadda inteeda kale yaa u ah Wasiir 1-aad ah?

TFG-du Qabiilnimo ayee ku adeegataa oo waa laga tagey in Shaqada dawladda loo cuskado habkii shaqo-bixinta dawladeed ahaan jirtey oo ku salaysnayd: Xulqarameed, aqoon dheeraadi ah, waayoaragnimo, karti iyo hufnaan.

 Momentxaqudood  

Posted on April 5, 2012, in Anti-Tribalism - XOGSANMEDIA. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment