Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka oo sheegay inay shir dib u hehiisiin ah u qabanayaan Al-shabaab iyo dowladda Somalia

05.04.2012 (MMG) – Kulan ay si wada jir ah ugu yeesheen magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga wafdi ka socday Jaamacadda carabta, Ururka dalalka Islaamka iyo Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhameynta khilafaadyada siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida, waxaana shirkaasi ay Jaamacadda carabtu ugu dbisay ururka Islaamka qorshe ay ku sheegayso inay xal ugu aadineyso dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya isku haya.

Shirkan oo uu shir guddoominayey Xoghayaha guud ee dalalka IslaamkaIkmaalu-diin Ixsaan Oogle ayaa looga hadlay doorka beesha caalamku ayka qaadan karto xal u hellidda arrimaha Soomaaliya, waxaana si weynloogu dhaliilay shirarka dhaqaalaha loogu aruuriyo Soomaaliya ee ay abtaan dowladaha deeqaha siiya Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyay in10% wax ka yar ay bixiyaan deeqaha ay ugu yaboohaan Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay u baahantahay 10-milyan bil kasta si ay wax uga abato dhismaha hay’adaha dowladda, arrimaha amaanka, dib uheshiisiinta iyo arrimo kale oo dowladda KMG horyaala, haddana beesha aalamku ma bixiso dhaqaalaha ay ku yaboohaan taasina waxay dhabarka ka jebineysaa qorshaha ay dowladdu wax uga qaban laheyd arrimo badan” ayaa lagu yiri war murtiyeed ka soo baxay shirka gebagebadiisii.

“Waa lagama maarmaan in xal loo helo khilaafaadyada u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida oo ay ku jiraan khilaafka u dhaxeeya dowladdaKMG iyo xoogagga ka soo horjeeda siyaasiyan iyo askariyan intaba, maanta ka dib waa inaanan maqal khilaaf ka dhex jira dhinacyada Soomaalida, waayo xasilooni-darida ka jirta Soomaaliya waxay Qatar weyn ku tahay caalamka intiisa kale” ayuu yiri Xoghayaha guud eedalalka Islaamka Ikmaalu-diin Ixsaan Oogle.

“Xoogga ka soo horjeeda dowladda KMG ee Al-shabaab waa inay ogolaadaan dhexdhexaadin ay Jaamacadda carabta ka dhexsameyso, isla markaasna loosoo afjaro khilaafka iyo gacan ka hadalka mudada dheer ka jiray dalka Soomaaliya, beesha caalamku waa inay iyana bixisaa dhaqaalaha ay kuyaboohdo si xal waara looga gaaro arrimaha siyaasadda Soomaaliya” ayaa markale lagu yiri war-murtiyeedka ka soo baxay shirka dhinacyadan sedexda ah ay wada yeesheen.

Posted on April 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: