Raysul Wasaare Gaas oo Amray in 24-Saac Gudahood Warbixin Buuxda Looga Keeno Sidii uu Ku Dhacay Qaraxii Tiyaatarka Qaranka

April 5th, 2012 – Muqdisho (MMG) Ka dib kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay xafiiska raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya ayna ka soo qeybgaleen dhamaan xubnaha golaha wasiirada ee DKMG Soomaaliya ayaa raysul wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas wuxuu magacaabay guddi heer wasiir ah oo baaritaan ku sameeya qaraxii shalay uu ka badbaaday raysul wasaaraha ee ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay  war saxaafadeed qalabta laga soo saaray shirka golaha Wasiirada wuxuu raysul wasaare Gaas ku amray guddiga inay 24 saac gudahood ku keenaan warbixin buuxda oo ku saabsan sidii ay ku dhacday weerarkii shalaydadka badan ku dhinteen ee ka dhacay goob madaxiyo shacab fara badan joogeen.

Ilo wareedyo ku dhow shirka maanta ayaa Shabakadda u sheegay in raysul wasaaruhu ballan ku qaaday in tallaabo deg deg ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay masuuliyadda dhacdadaasi waxku yeelato xitaa haddii ay dawlada ka tirsan yihiin.  Wuxuuna raysul wasaruhu si kulul u weeraray saraakiisha amaanka gaar ahaan kuwa xafiiskiisa iyo ciidamada sirta ee joogay ee Golaha Murtida maalintii shalay.

Shirka golaha wasiirada oo maanta waqti badan qaatay ayaa si weyn looga hadlay    dhaliisha hay’adaha amanka ee sii kordheysa   oo ay ka mid yihiin in dilal magaalada ka dhacay iyo weerar madaxtooyada lagu qaaday labo toddobaad ka hor aan wax dad ah loo xirin. Sidoo kale in gargaar caafimaad loo raadiyo dhaawacyada culus ee qaraxii shalay oo u badan wariyaal.

Mudadada 24-ka saac ah ee raysul wasaaruhu u qabtay guddiga loo saaray baarista inay kaga jawaab keenaan ayaa ku eg maalinta berito waxaana aad loo dhowrayaajawaabta falcelinta ee ay dawladu qaadi doonto marka ay guddiga keenaan warbixintooda.  Tallaabooyinka la hadalhayo ayaa la sheegayaa inay ka mid noqoto in masuuliyiinta qaar xilalka laga ceyriyo ama qaar la xiro.

Goobaha dadka isugu yimaadaan ee magaalada Muqdisho iyo xitaa xafiisyada dawlada ayaa aad looga hadal hayaa falcelinta xafiiska raysul wasaaraha ka imankarta saacadaha soo socda.

Posted on April 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: