Madaxweyne Shariif oo lagu eedeeyay iska horkeenidda beelaha dega Sh/dhexe

Muqdisho: (MMG):April 6, 2012 –  Kulankaani oo ahaa rmid ay isugu yimaadeen Odayaal, Siyaasiyiin iyo Culumaa’uddiinka kasoo jeeda gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay diirradda ku saareen kulankaasi arrimo dhowr ah oo ku aadan Masiirka gobolkaasi.

Sheekh Cali Axmed Max’ed oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Shariif uu soo fara galiyay dhaqanka  taasi oo uu sheegay in uusan xaq u laheyn, waxaana uu tilmaamay in haatan Madaxweynuhu uu ku mashquulay in uu sameysto Odayaal dhaqameedyo isaga u gaar ah.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in haddii uu yimaado isku dhacyo dhexmara beelaha degga halkaasi, Mas’uuliyaddeedu uu qaado doono Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay ku eedeeyeen in uu wado qorshayaal uu doonayo in uu isaga horkeeno beelaha dega gobolkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Axmed Cumar Caddo oo ka mid ahaa Odayaashii kullankaasi kasoo qeyb galay ayaa waxa uu sheegay  in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu cadaalad fallo, isagoona ku eedeeyay Madaxweynaha in Maamul kasta uu u magacaabo ciddii uu doono, waxanaa uu tusaale usoo qaatay Maamulkii dhawaan ay Xukuumadda u magacowday gobolka Sh/dhexe oo uu sheegay in uu noqonayo mid aan ka shaqeyn doonin gobolkaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Magaalada Muqdisho waxa ka dhacayay kulano gooni gooni ah oo ay yeelanayeen qeybaha kala duwan ee beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo inta badan kullamadoodu ku eedeynayay Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya.

Posted on April 6, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: