Danjire Maxamed Cusman oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Isbahaysiga Ururadda soomaaliyeed ee sweden

Khudbada ayadoo English ah hoos ka akhrisho

Waxaa bisha 31 March lagu qabtay shirweyne ay soo qabanqaabiyeen Isbaheysiga Urrurrada Soomaaliyeed ee Sweden. Martisharafta ka soo qayb galay shirweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga, ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi Goodax Barre, Danjire Maxamed Cusman Cumar, Ms Marika Fahlen oo ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden iyo marti sharaf kale.

 

Shirka waxaa khudbado ka jeediyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Soomaaliyeed oo uga warramay ka soo qaybgaleyaasha xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo sida ay u socdaan hawlaha ku saabsan ka bixidda ku-meel gaarnimada ee dawladda Federaalka oo lagu talo inuu soo gabagaboogo bisha Agoosto 2012.

Waxaa kale shirka ka hadlay Danjire Maxamed Cusman Cumar oo jeediyay khudbadda hoos ku qoran oo:

Mudane Guddoomiye,

Walaalayaal,

Saaxibayaal.

Waa idiin salaamay sida aad u dhantihiin.

Mar kasto la igu marti-qaado in aan ka hadlo shirkaan oo kale oo ay ka soo qayb galaayaan Qurbo-joogta sharafta leh oo ay ka mid yihiin Aqoon-yahaan, Arday iyo Bulshada Rayidka ee Soomaalida, waxay ii tahay sharaf weyn.

Waxaan soo dhoweynaayaa martida reer Sweden oo ka soo qayb-galkooda nagu sharfay.

Waxaan mahadnaq u soo jeedinaayaa guddigii qaban-qaabiyay shirkaan muhinka ah oo la igu martiqaaday. Waxaa hubaal ah in wax badan aan ka faa’iideysan doono khibradda ka soo qayb-galeyaasha.

Waxaan la kulmay waqti hadda xogaa laga joogo nin saaxiib ah oo aqriyay buugaygii ugu horeeyay “The Road to Zero – Somalia’s Self-Destruction” ama “Hal Bacaad Lagu Lisay”. Inta aanan weli ka jawaabin salaantiisa, ayuu igu yiri: “Waxaan rajeynaayaa in buugagga dambe uu noqdo mid leh cinwaan lagu farxo”.

Maadaama xaaladda dalka waxba iska beddelin oo weliba sii xumaatay, buugii soo xigay waxaan cinwaankiisa ka dhigay “SOMALIA – A Nation Driven to Despair – A Case of Leadership Failure” ama “Qaran la Jah Wareeriyay”. Waxuu soo baxay sannadkii 90kii dhex bartankiisa.

Waa nasiib darro, in xaaladda Soomaalida sii xumaatay. Hase ahaatee, weli waxaan rajeynaayaa in aan gaarno waqti wanaag leh oo aan qoro Buug leh cinwaan lagu farxo.

Walaalayaal,

Saaxiibayaal,

Nus qarni ayaa ka soo wareegatay markii aan xornimada qaadanay, haddana, sida 1950kii oo kale, waxaan qoreynaa Dastuur iyo waxaan diyaarinaynaa Baarlamaan Dastuurka soo saara.

Soomaaliya waxay rajeyneysaa mujtamaca adduunka culasyka ay saarayso darteeda in laga baxo ku meel gaar-nimada oo loo gudbo dawlad loo dhan yahay, haddii sidii loogu talo galay hawsha u hirgasho, dhammaadka bisha Agoosto ee 2012. Su’aasha waxay tahay; Haddii taa la gaaro dalka ma heli doonaa Maamul Wanaag?

Marka runta aan isu sheegno, Dawlad ama Maamul Wanaag lagama soo saari karo Baarlamaan gacan lagu soo xulay oo xubnaheeda lagu soo dooran doorasho xor ah. Waxay ila tahay dawladdii ku timaada wax aan doorasho ahayn, waxay noqon doontaa ‘dawlad ku meel gaar ah, ilaa doorasho madax bannaan laga gaaro.

Weli ma arkin, mana maqlin, cid ku fikireyso wax beddel u noqon kara, haddii dhammaadka bisha Agoosto 2012 barnaamijka noqon waayo sidii loogu talo galay, maadaama ay jiraan hanjamaad ka soo yeeraayo dhinaca Mujtamaca Adduunka in aysan jiri doonin muddo la kordhin doono. “Ma jireyso, waqti dheereyn dambe”, ayaa marar badan laga maqlay iyagoo sidaas leh.

Warkaas iska sheeg miyaa, mase waa handidaad in ay faraha kala bixi doonaan Soomaaliya?

Ma jiraan, Somaalida guud ahaan, Dawladda Federaalka, Qurbo-joogga, Ganacsatada ama dadka iskooda u shaqeysta, wax qorsha ah oo ay u meel dhigteen in ay kaga hor-tagaan, haddii beri-ka-maalin ay xaaladda sidaas noqoto? Waxa aan arkay ilaa hadda waa ganacsatada oo si caadi ah dibadaha uga keenaayo bariis iyo baasto kuna gadaayo sicirkii ay doonaan iyo dadweynahana aan waxba ka galin oo ay ka degan tahay, madaama lacagta xawaalada loogu soo diro ay kolayba sii socon doonto. Isku halayntaas ayaa jirta.

Walaalayaal,

Saaxibayaal,

Badi dadka fikradda ay qabaan waxay tahay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi uu bixiyo waxii kharaj ah ee ku baxa dawladda Federaalka KMG ah iyo ciidamada AMISOM ee ka socda Afrika oo Soomaaliya ku sugan. Hase yeeshee, war-murtiyeedkii ka soo baxay shirweynehii lagu qabtay London bishii Febraayo 23, 2012, waxaa lagu soo qoray in Shirweynaha ku adkaystay in:

“si deg deg ah loogu baahan yahay in Soomaaliya ay lacagteeda ku bixiso hawlaha guud iyo hantideeda in ay u isticmaasho danta shacabka iyo in ay la dagaalanto musuq-maasuqa”.

Sida la ogsoon yahay shacabka waxuu ku nool yahay masruufta dibadaha uga yimaada oo ay soo diraan eheladooda oo qaxootiga ah ama Qurbo-joogta ah. Waa war fiican haddii Dawladda ay bixin karto kharajka ku baxa howlaha guud.

Waxaan xasuustaa beryahii dhoweyd oo Bankiyada Maraykanka qaar ka mid ah markii ay ka joojiyeen dukaamada Xawaaladaha lacagta ay Soomaaliya u diraayaan, qaylada ka yeertay ehelada jooga Maraykan in Bankiyada ay dib u fasaxaan xawaaladaha waxan filaayaa in la wada maqlay. Haddii tani ay tijaabo ahayd maxaa dhici kara, marka ay dhammaan bankiyada Maraykanka, kuwa Kanada iyo Yurub ay albaabada u xiraan shirkadaha Xawaaladaha u dira dalka Soomaaliya, iyo meelaha kale ay Soomaalida ku nool yihiin? Waa iga su’aal. Bal ku fikira jawaabteeda.

Weligeyna maku fikirnay in arrinta noocaas ah dhici karto? Hadalkaan waxa iga keenay waa hadal jeceel. Laakin, ma idinla tahay in aan noqonay ummad dhan oo jirta oo xawaalad ku nool?

Sida aan arkaayo, waxaad moodaa in dhan kasta dalka laga curyaamiyay. Barwaaqadii beeraha iyo badda waxaa beddelay bariis iyo baasto oo bannaanka laga keeno. Dhaqaalaha Soomaaliyia waxuu noqday Qurbo-joogga lacagta ay u soo diraan dadkooda dalka ku sugan oo haddii ay bil ka soo daahdo la maqlay qaylada ay dhigaan.

Runtii dalka oo dhan waxuu noqday dal ummadiisa ku nool xawaaladda oo sida dadka doroogada la baray oo markii laga joojiyo dhulka rafta ilaa laga duro cirbidda ama laga siiyo sigaarkiisa si ay u soo toosaan. Gabaygaan oo la xiriirto deeqda shisheeye dadka isku haleeya, waxaa ku heesay marxuum Dr. Daahir Nuur (Raafi), Ilahay jannada haka waraabiyo:

“Dan aas kuugu wataayee,
Deeq nin ku siiyey,
Dalkaa kuuma dhisaayo,
Waa ku dilaa dadkaas kuugu diraa.”

Soomaaliya waxay u baahan tahay dawlad dimoqradi ah oo ka fog qabyaalad, eex, musuqmaasuq iwm. Soomaalida in ku filan ayay u soo adkeysatay “Sharciga Miyiga” (The Law of the Jungle) oo a ah “Kan Awoodda leh Ayaa Gar leh” the (Might Makes Right); kaas oo qayb ka noqday nidaamka maamulka ee bulshadeena, marka la leeyahay in qofka qoriga qaatay kaliyah ayaa ka mid noqon kara nidaamka.

Musuq-maasuq, Maamul-xumo iyo ku-takri-falasho awood iyo doorasho lagu shubto, waa wax soo socday ilaa waqtigii dalka ku jiray maamulka Qaramada Midoobay 1950, markii doorashada loo galay maamulka hoose. Maamul Wanaag, boobka hanti dadow iyo sharaf, indhaha ayaa laga qabsan jiray, si Xisbiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) guusha u helo, doorasho kasta oo la qabto. Ku-Takri-Falashada awood iyo Musuqmaasuqa intay sii fideen ayay sii socdeen ilaa1960kii oo Mujtamaca Adduunka Soomaaliya ugu magac bixiyeen “Qabrigii Deynta Shisheeye”.

Markii ay dhibaatada gaartay heer aan la qaadan karin, ayaa Xogga Dalka afgambi aan dhiig ku daadan, ku qabsaday xukunka bishii Oktoober 21, 1969. Saddex sano ka bacdina markay awoodda haaysay dawladda oo ku magac dheereed “Dawladda Kacaanka” waxay af Soomaaliga uu sameysay xuruufo lagu qoro. Waa waxii 10 sano ku dhowaad ay sameyn waayeen dawladahii rayid ahaa.

Shirweynahii Caalamiga ahaa oo dhowaantaan lagu qabtay magaaladda London, ee dalka Ingiriiska, taariikhda markay ahayd 23ki Febraayo 2012, waxuu war-murtiyeed uu soo saaray ku caddeeyay in “Ammaanka iyo Cadaaladda ay lagama maarmaan u yihiin guusha dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo hor-u-marka. Ammaan wanaagsan waxaa lagu gaaraa oo kali ah iyagoo ay garab socdaan cadaalad wanaagsan iyo sharciga oo loo hogaansamo”.

Guddoomiye,
Walaalayaal,
Saaxibayaal,

Sida aad la socotaan, Soomaaliya waxaa la dhaqan galiyay siyaasadda takoorka ama kala soocidda ummadda, si loogu diido dadka laga badan yahay xaqqa ka qayb galka maamulka qaranka iyadoo loo siman yahay. Cadaalad la’aanta iyo ku-takri-falashada awodda ayaa farta lagu fiiqaa in ay sabab u yihiin dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Maamul Xumadii ka jirtay dalka dhibaatooyinkii ay keeneen waxaa ugu weyn Jamhuuriyadda Soomaaliya oo kala jabtay. Isla markii ay burburtay dawladdii militeriga sannadii 1991, Soomaaliland oo ahayd labadii garab oo ay ka sameysneed Jamhuuriyadda Soomaaliya garab ka mid ah, ayaa caddeysay inay ka go’aday Jamhuuriyadda Soomaaliyeed isla sannadkaas 1991.

Cabashada Soomaaliland ma bilaaban 1991. Iyadoo caleemahii Xornimada lagu soo dhoweeyay ay weli qoyan yihiin, sannadka markuu ahaa 1962, ayaa saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo reer Waqooyi ah ka sameeyay magaaladda Hargeisa kacdoon ay ku muujinaayaan carrada ay u qabeen maamul xumada ay ku dhaqmeysay dawladda dhexe.

Runtii, marka taariikhda dib loo raaco, Soomaaliland jeceelka ay u qabtay midnimada ummadda Soomaaliyeed aad ayuu u sareeyay.

Sannadka markuu ahaa 1960, wafdigii uga qayb galay shirkii looga hadlayay mustaqbalka Soomaaliland ee lagu qabtay London, UK, bishii
May, 1960, waxuu ka koobnaa Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Axmed Xaaji Ducaale, Cali Garaad Jaamac iyo Xaaji Ibrahim Nuur.

Sida warbixintii laga soo saaray Shirka London, lagu sheegay in:

“Wafdiga Soomaaliland uu caddeeyay rabitaankooda gobanimo iyo in ay ku darsamaan Soomaaliya, marka gobolkaas uu qaato xornimaddisa 1da July 1960”.

Qodobka 1 ee Sharciga L.1 ee Midnimada:

“Dawladda Soomaaliland iyo Dawladda Soomaaliya way midoobeen iyo weligoodna mid ayay ahaan doonaan, iyagoo Jamhuuriyad cusub ah, oo madax-banaan, dimooqradi ah, oo mideysan oo magaceeda noqon doono JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA”.

Qodobka oo afka Ingiriis ku qoran:

Union. 1. (a) The State of Somaliland and the State of Somalia do hereby unite and shall forever remain united in a new, independent, democratic, unitary republic the whereof shall be SOMALI REPUNBLIC.”

Shirweynahii lagu qabtay London, bishii Febraayo 23, 2012, oo ay ka soo qayb galeen 55 dal oo ay ka mid ahaayeen dalalka waa weyn, war-murtiyeedkii ka soo baxay kuna saabsanaa arrinta Soomaaliland waxaa lagu sheegay:

“Shirka waxuu aqoonsaday in loo baahan yahay in Mujtamaca Adduunka uu taageero wada hadal kasta ay Soomaaliland iyo Dawladda Federaalka KMG ama waxii kale beddela ay ku heshiiyaan inay yeeshaan, si ay isla meel dhigaan xiriirkooda mustaqbalka”.

Tan kale, dalka intiisa kale waa kan loo kala qaybinaayo “Dawlad Goboleedyo” iyo “Madaxweyneyaal”

Mudane Guddoomiye,
Walaaleyaal,
Saaxibayaal,

Aniga waan qaldami karaa. Hase yeeshee, haddii aan faallo kooban ka bixiyo sababta uu Mujtamaca Adduunka kubadda ugu soo tuurtay dhinaca Soomaalida, waxay ila tahay in ay is yiraahdeen Soomaalida waxa dhexyaal waa “Muran hal qoys” oo iyaga ayaa markii hore ku heshiiyay in ay “midoobaan” oo ay “weligood mid ahaadaan” haddana iyaga haka heshiiyaan mustaqbalka xiriirkooda.

In laga doodo go’aanka Soomaaliland oo ah inay ka go’do Soomaaliya waxuu ku iman lahaa haddii uu Sharciga Midnimada ku jiri lahay qodob,
sadar ama hadii muran dhasho ama xitaa in muddo ka bacdi dib loo eegi karo heshiiska iwm.

Madaama aan jirin duruuf looga bixi karo ama loo jibin karo ama xitaa wax looga beddeli karo, ugu yaraan fursad ayaa loo heli lahaa in arrintaas laga doodo.

Madaama shirka uu marti gelinaayay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Davild Cameron, dawladda Ingiriiska ma jeclaateen in dalkeeda lagu go’aamiyo in Soomaaliya la kala gooyo. Sababta kale waxay tahay in Wasiirkii Arrimaha Dibadda Ingiriska, Ernest Bevin oo 28kii April, 1946, soo jeediyay waxii dhulalkii Afrika ee Taliyaaniga gumeysan jiray laga yeeli lahaay:

“(a) Tripolitania la hoos keeno Qaramada Midoobay oo Taliyani Maamule ka noqdo;

(c) Italian Somaliland iyo British Somaliland, the Ogaden iyo Reserved Areas hal meel la isugu geeyo oo Qaramada Midoobay la hoos geeyo, Boqortooyada Ingiriiskana Maamule looga dhigo” (Source: Australian Foreign Ministry)

Bil ka bacdi, 4ta June 1946, Mr. Bevin waxuu khudbad taasi ka geddisan ka soo jeediyay Baarlamaanka Ingiriiska. Culays meel kale kaga yimid dartiis, khudbaddiisa waxuu markaan ku soo daray Ethiopia.

“Annagoo dan kale ka lehayn, waxaan soo jeedinay in Soomaalida Ingiriiska, Soomaalida Taliyaaniga iyo meel Ethiopia ku dhow, haddii Ethiopia oggolaato, in la isku keeno wasaayad ahaan…”

Asigoo la hadlaayo Shir lagu qabaanaayay Paris oo ay ka soo qayb galaayeen Wasiirada Dibadda dalalkii dagaalka ku guuleystay, waxuu yiri:

“Haddii shirka jecleen waxii aan soo jeedinay, annaga kuma adkeysanayno, waxaan raalli ka nahay in Soomaalida Taliyaaniga in la hoos geeyo Qaramada midoobay.”

“Waxan rajeynaayaa in xildhibaanada shirka Paris ay tixgelin gaar ah siiyaan Soomaali Weyn”, ayuu yiri Bevin.

Runtii, waa nasiib darro in Bevin oo nin Ingiriis ahaa, waxuu ka hadlay

“Soomaali Weyn”, Soomaalida maantana waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay cad-cad u kala jar-jari lahaayen waxii yaraa oo Soomaaliya ka hartay. Ilahay waxuu Qur’aankiisa ku yiri:

(And hold firmly to the rope of Allah all together and do not become divided. And remember the favor of Allah upon you – when you were enemies and He brought your hearts together and you became, by His favor, brothers. And you were on the edge of a pit of the Fire, and He saved you from it. Thus does Allah make clear to you His verses that you may be guided).(Al-Imran).

Guddoomiye,

Walaalayaal,

Dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya waxaa saldhig u ah maamul xumo iyo xaqqa uu leeyahay qofka Soomaaliga ah oo lagu tunto; waxaas oo soo bilawday ka hor intaan gobanimada xitaa nala siinin.

Hase ahaatee, adduunka wax aan la toosin karin ma jiraan haddi niyad sami jirto. Dalka dadkiisa ma wada xuma. Weliba kuwa xun waxaa ka badan kuwa fiican oo ifka ku nool.

Dadka maanta halkaan isugu nimid waxaan waqtigeenna iyo lacagteenna u soo geliney imaatinka goobtaan annagoo ku han weyn inaan maqalno war iyo waanno waxii ay soo jeediyaan walaalaha shirkaan isugu yimid iyo in la is weydaarsado waxii fikrado ah oo aan dalkeenna wax ugu tari lahayn.

Runtii shaki kama qabi in halkaan waxa na wada keenay uu yahay in aan dawo u helno cudurka dalkeenna haayo. Aniga weligeey kama quusan rajada Ilahay waxaanna Ilahay ka baryaa, mar kasto, in uu ummaddaan ku soo hanuuniyo tubta toosan kana badbaadiyo balaayadda ku soo socoto.

Walaalayaal,

Dadkeenna dibaddaha joogo ayaa garan kara nifciga nabada ay leedahay. Markasta oo la soo sheego iftiin yar oo nabad ah, waa annagaan dayaaradahii oo dhan buuxina oo rabna in aan noqonno kuwa ugu horeeyo oo nabadda macaanteeda soo dhedhemiya.

Dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha ee dalka ka socda waxaa qayb weyn ka qaata Qurba-joogta kuwaas oo maal geliya isbitaallo iyo jaamacado oo runtii muhim u ah dadka iyo dalka, madaama ay dawladda awooddeeda kooban tahay waqtigan xaadirka ah. Waa wax wanaagsan in ay dhisaan gobolada iyo degmooyinka ilaa tuulooyinka si culayska looga qaado caasimada, hase yeeshee, nalaga ilaaliyo dawlad-goboleedyada iyo Madaxweyneyaasha faraha ka batay.

Dhanka kale, sida aan aragnay labaatankii sano ee la soo dhaafay dadka loo arkaayo in ay nidaamsan yihiin oo wax qabadkooda muuqda, kana faa’iideystay duruufaha adag e dalka ka jira, gudaha iyo dibadahaba, waa shirkadaha madax bannaan. Waxay ku haboonaan lahyd ama bani aadan-nimada ku jirtaa, ama xitaa wadanimo wanaagsan ah, kala gooni ama wada jir, ku hirgeliyaan mashaaric hor-umarinta waddooyin iyo waxlaaha kale oo dalka u baahanyahay, qayb ka mid ah faa’iidada lacagta ah ee soo gasha.

Qurba-joogga Soomaaliyeed qayb weyn ayay ka qaadan kartaa nabadeynta dalka, maadaama ay xiriir wanaagsan la leeyihiin dadkooda gudaha dalka ku sugan awoodna u leh in ay ka shaqeeyaan sidii nabad dalka u heli lahaa.

Sida aad arkeysaan, Soomaaliya meel kasta ayaa laga soo xiray. Intaas waxaa laga hadlaa burcad badeed si loola dagaalamo, hase yeeshee, ma arag meel lagu sheegaayo in kaluumeysatada Soomaaliyeed oo noloshooda ay badda ku jirto lagu kaalmeeyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen baddooda. Ma maqlin cid ka hadlayso sunta nuklearka oo lagu daadinaayo Badweyna Soomaaliyeed in la joojiyo.

Ugu dameystii, Walaalayaal, Sidey bey Soomaali u heli kartaa Dawlad Wanaag iyo Hor-u-mar joogto ah?

Sida aan aniga qabo, sida kali ah hadafkaas lagu gaari karo waa Soomaali oo gaarta go’aan ah in dalkooda ay wax u qabtaan; oo aanan cid kale wax ka sugin.

Dawlad Wanaag waa wax cusub, maxaa yeelay Soomaaliya horey uma soo marin. Tababarkii nala soo siiyay 1950 kuma jirin barnaamij noocaas ah. Musuqmaasuqii markaas soo bilawday ayaa Soomaali halka ay joogto soo gaarsiiyay.

Waxaan jeclaan lahay in aan arko dhallinyaro, gudaha ama dibadda dalka hooyo, in ay u soo kacaan dalka iyagoo Alif ka soo bilaabaayo dib u dhiska dalka, dib u habeynta nidaamka, si loo qaado saanba, saanta ka dambeyso ilaa ay ka dhalato Dawlad Wanaag oo dalka gaarsiisa hor-u-mar joogto ah.

Wa Billaahi at-Towfiiq.

Iga guddooma salaan sharaf.

Mahadsanidiin dul qaadka aad ii yeelateen.

Speech delivered by
Ambassador Mohamed Osman Omar
At the
Somali National Association in Sweden
Stockholm, Sweden, on 31/3/2012

********************
How can Somalia get Good Governance
And Sustainable Development?

Dear Chairperson,
Brothers and Sisters,
Dear Friends,
I always feel honoured to speak in front of such an important gathering of the Diaspora which includes Scholars and Students and other members of the Somali Civil Society for whom I have a great respect.

I also welcome the Swedish guests who have honoured us with their presence here today

I thank the organising committee for having invited me to this important conference from which, I am sure, will gain more experience from the participants.

Some times back, I met a friend who read my first book the “Road to Zero – Somalia’s Self-Destruction”. Before responding to his greetings he said to me, “I hope your next book will have a cheerful title. The situation worsened since the first, so my next book I called: “SOMALIA – A Nation Driven to Despair” – A Case of Leadership Failure. That book was published in mid nineties. Sorry to say, since then, situation in Somalia only deteriorated.

When the world Press talks about the present situation in Somalia, most of them or those who do not know the history of this part of the Horn of Africa mainly mention the collapse of the Military Administration in 1991 as the cause of the crisis.

That is not correct. What is happening now in Somalia is, in fact, the culmination of what was going on since the Trusteeship System period in 1950 when corruption, mismanagement and rigging of elections were part of what was practiced even during the period we were apprentice in politics. The need for Good Governance, honesty and integrity were not part of the training that was giving by the Trusteeship Authority. These have become rampant even after independence to the extent that the international community labelled the country the “Grave of Foreign Aid”.

This was the main reason which attracted the intervention of the armed forced to stage the coup d’etat to overthrow the civilian government in 1969.
As the situation was so unbearable since independence in 1960 under the civilian administration led by the Somali Youth League, obviously the people would welcome whoever removed that government. In fact, the overthrow of the civilian government on 21st October, 1969, was welcomed by the masses with green leaves.

As there were nominal but not solid democratic institutions during the civilian administration from 1960 to 1969, the first half of the military rule period, from 1969 up to 1977-78, the military administration succeeded to maintain relative calm and successfully introduced a script for the Somali language, an act that the civilian government failed to do.

However the opposition groups that removed the Army from power in 1991 were unable to bring peaceful take-over of power. Since then the ‘law of the jungle’ that the ‘Might Makes Right’ has become part of the system of governance in our society when only those who took the gun had the right to be part of the system. That, in fact, has been institutionalised as an excuse to deny the minority groups the right to participate on equal footing in the running of the affairs of the state. Lack of justice and abuse of power are often mentioned as the cause for the dilemma in Somalia.

The final Communiqué issued at the end of the recent conference on Somalia held in London on 23rd of February 2012, said that the participants “agreed that security and justice were essential both to a successful political process and to development. Better security could only be achieved sustainably in parallel with better justice and the rule of law.”

SOMALILAND’S DECISION TO BREAKAWAY:

Soon after the collapse of the military administration in 1991, Somaliland declared secession from the union with Somalia, citing injustice and unfair distribution of power and the resources of the country.

Somaliland’s decision to join with the former Italian Somalia was unprecedented and with no hesitation. The delegation of Somaliland at the London Constitutional Conference on the future of the territory held in May, 1960 was composed of Mohamed Haji Ibrahim Egal; Ahmed Haji Dualeh; Ali Gerad Jama and Haji Ibrahim Nur.

At the conference, according to the Report of the Somaliland Protectorates Constitution Conference,

“The Somaliland delegation confirmed their desire to achieve independence and unite with Somalia when that country becomes independent on 1st July [1960]”.

On their part, Somaliland, according to the Law n. 1, regarding the Union of Somaliland and Somalia, the preamble of which said:

“AND WHEREAS it is the will of the peoples of Somaliland and Somalia that their States shall unite and shall forever be united in the Somali Republic.”
Article 1 of the Law of the Union declared:

“The State of Somaliland and the State of Somalia do hereby unite and shall forever remain united in a new, independent, democratic, unitary republic the name whereof shall be the SOMALI REPUBLIC.”

Two decades have passed since Somaliland declared its unilateral independence from the rest of Somalia. But the leaders are still earnestly campaigning for recognition.

The Conference held in London, on 23rd of February, 2012, included in its final communiqué, the following paragraph:

”The Conference recognised the need for the international community to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations.”

I may be wrong, but probably, the international community treat the Somaliland situation as a “quarrel in the family” and that is why the recent unprecedented Conference held in London, attended by the most important leaders in the world, merely “recognised the need” to “support any dialogue” between the Somaliland and the TFG.”
The Somaliland argument to secede from the rest of Somalia would have been debatable had there been a clause or even a paragraph in the Law n. 1 of 1960 regarding The Union of Somaliland and Somalia, passed by the Legislative Assembly on 27th June 1960, that could be referred to in case of divergence between the two sides.

But as I have already mentioned during the Constitutional Conference, according to the report, “The Somaliland delegation confirmed their desire to achieve independence and unite with Somalia when the country becomes independent on 1st July 1960.”

Again, on the Preamble of Law No.1 of 1960, it is said:

“AND WHEREAS it is the will of the peoples of Somaliland and Somalia that their States shall unite and shall forever be united in the Somali Republic.”
Although it was the wish of the peoples of the two regions, the union of the Somali territories under foreign rule was originally proposed by the British Foreign Secretary, Mr Ernest Bevin to the meeting of the Prime Ministers of countries which won WWII in London on 28 April 1946. The Agenda of their meetings was: The former Italian colonies in Africa.

Bevin’s proposal, among other things, was:

(a) Tripolitania to be placed under international trusteeship with Italy as Administering Authority;

(c) Italian Somaliland, together with British Somaliland, the Ogaden and the Reserved Areas, to be placed under international trusteeship with the United Kingdom as Administering Authority. (Source: Australian Government Department of Foreign Affairs and Trade)

A month later, June 4, 1946, Mr. Bevin delivered a modified speech, changing the substance of his earlier proposal, probably due to pressure from other powers, he involved also Ethiopia. He said: “In all innocence, therefore, we proposed that British Somaliland, Italian Somaliland, and the adjacent part of Ethiopia, if Ethiopia agreed, should be lumped together as a trust territory …” Bevin did not table his proposal at the Paris conference which was due to be held in the summer but he added:

“If the Conference does not like our proposal, we will not be dogmatic about it; we are prepared to see Italian Somaliland put under the United Nations trusteeship”.

“I hope the deputies at the Paris Conference will now consider a greater Somaliland more objectively.”

Of course, the secession of the former British Protectorate or Somaliland is not a good omen for the future of the Somali territories and the interest of the Somali nation in the Horn of Africa. Looking at what is happening i.e. the balkanisation of the territory, no doubt, we are playing in the hands of the forces that opposed the unity of the Somali people.

The problem with the Somalis is that we act on any matter without thinking of its consequence. Federalism which was introduced recently in the Southern Region is another way of dismembering the territory. Worse more is the creation of mini states and “Presidents” in most of the regions of Somalia.
It is a fact that the some people go to the extreme if they feel unable to fight injustice. They think a home-land in the form of so-called “Federation” or “Regional State” might give them share of the resources. Isolation or separation does not solve the root cause of injustice. A strong democratic system is the best instrument to eradicate injustice, monopoly and discrimination among the citizens.

Dividing the country will only affect its strength, its credibility and ability, to let others feel our presence. It has never been said that “Division” is strength, but yes, we heard that “Unity is strength.”

Dismembering it will not help the revival of Somalia. In fact, if the situation continues as such, I am sure we will reach at a stage that Somalis will not be able even to claim Somalia as their own country. This is my feeling and I am afraid that we are playing in the hands of Somalia’s enemies.
Dear Brothers and Sisters,

As far as the sea is concerned, we all see that Somalis have no control of it. Genuine fishermen, whose livelihood depend on fishing, are chased out of the sea and their nets torn apart by foreign fleets that sail from far away to fish in the Somali Sea. The United Nations and International Community speak about the Piracy but no mention is made about the poisoning of our Ocean and the pollution caused by foreigners with toxic and nuclear waste.

GOOD GOVERNANCE AND SUSTAINABLE DEVELOPMENT:

How can Somalia get good governance and Sustainable Development?
I am sorry to say that in Somalia, this has been lacking since the time of the UN Trusteeship in 1950s when Somalis were supposed to be taught decency and democracy in governance by the Trusteeship Authority. I am not mistaken, if I say; this was one of the causes for the Armed Forces intervention in 1969.
Among the numerous of bad things there are four prevalent, which, if tackled, the rest can be overcome. They are: Injustice, Corruption, clanism and Miss-management.

To have a “Good Governance”; we need a government that upholds justice for all and respects human right; we need a government that fights corruption and protects public funds; we need a government accountable to the people; we need a government that says no to tribalism and discrimination among the citizens etc.

These are the minimum requirement for a Good Governance.
I believe that to achieve a sustainable development, we need to have a stable government. It is the government which is expected to invest in the development of agriculture, fisheries, medical service and educational institutions, roads etc.

I would be happy to see the new generation, both inside and outside the country, playing active role in the rehabilitation of our nationhood and reconstruction of the country as well as reforming the system, step-by-step, till we get a good governance which can achieve a sustainable development.
However, the fact is that for over 20 years now, the only people who seem to be more organised and are profiting from the crisis, both from inside and outside, are the private companies. It should have been normal, or human or as good citizens, individually or collectively, to invest some of the profits in the development of roads or other infrastructure in lieu of the Tax that they would pay had there been a government.

Let us hope that this year 2012, will bring peace and happiness to our nation.
I thank you for your kind attention.

Stockholm, Sweden, 31 March 2012.

Posted on April 7, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: