Labada Been Masheegayaal ee Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha maxay ka kala aaminsan yihiin qaraxii Tiyaatarka…..

08.04.2012 – Dawlad kasta oo loo dhiso dalka Soomaaliya ayaa markasta u kala qaybsanta kooxo kala dano ah, kumana sii jirto marka ay soo dhowaato isbedel xaga dawladda ah, maadaama sida iska caadiga ah ay madaxweynaha , raisulwasaaraha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka uu mid kastaahi jecel yahay dawlada cusub oo la soo dhisayo inuu isagu madaxweyne ka noqdo.

Dawladaan Soomaaliya oo hadda ka kooban 3 kooxood oo ay labo si aad ah isu hayso ayna kala hogaaminayaan Madaxweyne Shariif iyo Raisulwasaare Cabdiweli, halka kooxda 3-aad oo ah kooxda ugu caqliga badan ay u sheegayso labada kooxoodba in ay iyaga la jiraan, waa kooxda Shariif Xasan.

Inkastoo kooxda shariif Xasan awoodeeda wiiqantay kadib Shirkii kampala iyo Baarlamaankii oo inta badan ka hor yimid samaystayna hogaan cusub oo sharcinimadiisa la isku qilaafsan yahay.

Been masheegayaasha Madaxweynaha maxay aaminsan yihiin:-
Kooxda madaxweynaha oo ka kooban wasiirka arimaha gudaha Abdisamad, Madaxa nabadsugida qaranka Mr Fiqi, Taliska Booliska, Gudoomiyaha Gobolka Mr tarsan, Afhayeenka Xukuumadda Mr Yariisoow, Maareeyaha dekeda Sayid Cali, Maareeyaha Ayraboorka, Gudoomiyaha Bank-ga waxay aaminsan tahay in qaraxaan ay masuuliyadeeda leedahay Xafiiska Raisul wasaaraha iyo Wasiirka warfaafinta, waxayna ku sababaynayaan,

  • 1- Dhamaan laamaha amniga laguma wargelin isu imaatinkaan.
  • 2- Ilaalada Raisulwasaaraha waxay la wareegeen amniga Tiyaatarka waxayna ka bixiyeeb Booliiskii ku sugnaa Tiyaatarka ka hor inta aanba dad gelin gudaha Tiyaatarka.
  • 3- Ciidanka Boolisku waxay gabadha is qarxisay ka celiyeen iridda Tiyaatarka 2 jeer balse waxay dib u soo gashay markii ay amniga la wareegeen Ilaalada Raisul wasaaraha.
  • 4- Gabadha is qarxisay waxay ka timid dibaddaha, waxey si fiican ugu hadlaysay afka Englisha, waxay la hadlaysay intii aysan gelin ka hor xubno ka tirsan Xafiiska Raisulwasaaraha oo ka yimid dibadaha.
  • 5- Waxaa gabadha geliyey gudaha gacan yareyaal ka tirsan xafiiska Raisul wasaaraha oo ay habeenadii qaraxa ka horeeyay ay la qayilaysay.

Been masheegayaasha Raisul wasaaraha maxay aaminsan yihiin:-
Kooxda Raisul wasaaraha oo ka kooban wasiirka Dastuurka Cabdirahmaan Xoosh, wasiirka qorsheynta Goodax, Wasiirka gaashaan dhiga carab Ciise, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Maaliyadda waxey aaminsan yihiin in masuuliyadda qaraxaan laga soo abaabulay Madaxtooyada Qaranka, gaar ahaan saraakiisha Aala Sheekh ee maamusha madaxtooyada, waxayna ku sababaynayaan.

  • 1- Madaxweyne Shariif ma imaan xaflada TV-ga Qaranka oo lagu casuumay, uuna agaasime ka yahay wiil madaxweynha Jufadiisa Agoonyar ah.
  • 2- Wasiirka Arimaha Gudaha Abdisamad ma imaan, mana aysan ahayn inuu ka maqnaado xafladaan, ogeysiisna cidna ugama baahna, maadaama uu masuul qaran yahay waa og yahay Aaasaaska TV-ga qaranka xaflada loo samaynayey, oo dhamaan ay raadiyayaasha baahinayeen.
  • 3- Agaasimaha Nabadsugida Mr Fiqi ma imaan xafladda sidoo kale, ma ahayn inuu sugo ogeysiin waxa ay ahayd inuu shaqadiisa qabsado. La ima ogeysiin ma noqoneyso marmarsiiyo.
  • 4- Gudoomiyaha Gobolka Mr tarsan ma imaanin xafladda, Mr tarsan oo la og yahay inuu ahaa qof jooga meel kasta oo dad isugu yimaado, ma ahayn inuu k maqnaado xaflad xamar ka dhaxaysay oo uu gudoomiye ka yahay, waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa u sheegay inuusan tegin xafladaa.
  • 5- Afhayeenka xukuumadda Eng yariisoow oo ah nin inta badan la socda raisul wasaaraha laakiin ka socda xafiiska madaxweynaha ma tegin xafladdaa, mana ka hari jirin Raisul wasaaraha, maadaama uu yahay ninka kaliya ee waxa ka socda xafiiska raisul wasaaraha geeya Madaxtooyada.

Isku soo wada duube kooxda raisul wasaaraha waxay aaminsan yihiin in qaraxaan ujeedkiisu ahaa in lagu qaarajiyo Rasul wasaare Cabdiweli maadaama ay dhamaan ka baaqsadeen xafladaan kooxdii madaxweynaha hogaamiyay.

Posted on April 8, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: