Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo magacaabay guddi heer wasiir ah oo wadahadalo la furaya dowlada KMG Somalia
08.04.2012 – Maamulka Somaliland ayaa magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada maamulkaas, kuwasoo loo xilsaaray iney maamulkaas ku metelaan wadahalo ay la galayaan dowlada KMG Somalia dhowaan.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo ayaa lagu sheegay in xubnaha la magacaabay ay maamulka Somaliland ku meteli doonaan wadahadalada uu la galayo dowlada Somalia waxaana ay kala yihiin magacyada xubnaha la magacaabay.
1.Wasiirka arrimaha dibadda; Maxamedx C/llaahi Cumar
2.Wasiirka arrimaha gudaha; Maxamed Nuur Caraale Duur
3.Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeynta; Axmed Cabdi Xaabsade
4.Wasiirka Cadaaladdda; Xuseen Axmed Caydiid
5.Wasiirka Beeraha; Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)
Qoraalka ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in wadahadalada ay la galayaan dowlada KMG Somalia ay ka dhici doonaan magaalada London hase ahaatee laguma xusin war saxaafadeedka xiliga ay dhacayaan.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu ka dhabeeya qodobadii ka soo baxay shirkii London oo uu ka mid ahaa qodob sheegaya inay wadahadalo yeeshaan maamulka Somailand iyo dowlada KMG Somalia.
Madaxweeynaha Somalia ayaa horey u sheegay inuu soo dhoweynayo wadahadalo ay dowlada KMG Somalia la gasho maamulka Somailand, wuxuuna xusay iney meel walba kula kulmi doonaan, iyadoo dhinaca kale maamulka somailand uu isna horey u sheegay inuu iyaga iyo dowlada KMG ah ay u wada hadli doonaan sidii labo dowladood oo kale.
Posted on April 8, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.
Leave a comment
Comments 0