Xildhibaan Mowliid Macaan oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi

  • TACSI QARAN – 08 APRIL 2012
    MUDANE MOWLIID MACAANI MAXAMUD
    INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN 

    Muqdisho (MMG) War goordhow naga soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegayaa in uu geeriyooday xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo ka tirsanaa baarlamaanka KMG Soomaaliya.

    Allah ha u naxariistee Xildhibaan Mowliid Macaane ayaa wuxuu ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan Hospital ee magaalada Nairobi halkaas oo shalay la geeyey ka dib markii laga qaaday magaalada Muqdisho. Xildhibaankaan ayaa wuxuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay masuuliyadiisa ay sheegteen Al-Shabaab. Dhaawaca Xildhibaan Mowliid Macaane ayaa wuxuu ahaa mid culus waxaana wax looga qaban waayay wadanka gudihiisa waxaana shalay isaga iyo xubno kale oo ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska raysul wasaaraha loo qaaday wadanka Kenya si loogu soo daweeyo.

    Geerida Xildhibaan Mowliid Macaane waxaa goordhow ka tacsiyeey xildhibaano katirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya.

    Mowliid Macaani Maxamud waxuu ahaa ruug caddaa siyaasi Soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan u huray u adeegidda shacabka Soomaaliyeed. Mowliid waxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ilaa iyo hadda oo uu heer agaasime ilaa iyo heer wasiir soo qabtay. Mowliid waxuu kaloo waqtigiisa u huray horumarinta Isboortiga Soomaaliya oo uu ahaan jirey Garsoore Caalami ah ee kubadda Cagta, si fiicanna loogu xasuusto cayaarihii horyaalada, Jeneral Daud iyo kuwii goboladaba.
    Mowliid waxuu in muddo ah soo ahaa Xildhibaan Qaran oo marwalba lagu xasuusto cod-karnimadiisa iyo sida uu marwalba u jeclaa inuu arko Soomaaliya oo gaarta dimoqraadiyad rasmi ah. Mowliid waxuu hormuud u ahaa u ololeynta sidii loo heli lahaa caddaalad, sinnaan iyo horumar.
    1. Xildhibaan Mowliid Macaan oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi
      Allaha u naxariistee Xildhibaan Mowliid Macaan Maxamuud ayaa saaka waabarigii u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxii ismiidaaminta ee Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay …Tiyaatarka Qaranka, kadib markii shalay loogu qaaday Isbitaal ku yaal Magaalada Nairobi.
      Xildhibaan Mowliid Macaan ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta rug-cadaaga ee aadka uga soo muuqday 20-kii sano ee u dambeeyay siyaasada Soomaaliya, isagoo sidoo kale ahaa Aqoonyahan ku hadla dhowr luqadood.
      Saaka abaarihii 5:30 ayuu u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray Qaraxa, iyadoo tan iyo markii uu dhaawacmay arbacadii xaalad Koomo ah uu ku jiray, isla markaana uu qabay dhiig kar iyo sokorowga oo ay aad ugu kacday.
      Wasiirkada Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Maryan Aweys ayaa xaqiijisay geerida xildhibaanka, iyadoo tibaaxday in saaka waabarigii uu dhintay, sida uu ku soo wargeliyay dhaqtarkii baxnaaninayay.
      Mowliid Macaan ayaa ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe, isagoo ahaa Xildhibaan cod-kar ah oo aan ganban.

Posted on April 8, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: