Yaa Iska Leh Mas’uuliyada Qaraxii Tiyaatarka??

April 7, 2012 – Magaalada Muqdisho ayaa muddo ku sugan xaalad murugo iyo cabsi badan leh, kadib qaraxii dhowr bari ka hor ka dhacey xarunta masraxa qaranka kadib in kayar laba todobaad furitaankiisa oo dhaliyey buuq badan, waxaase ugu yaab badan markii Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Hogaanada Nabadsugida iyo Boliiska Gobolka Benadir ay wada sheegeen inaan lagu soo wargelin dhicitaanka Xafladaan oo muddo todobaadyo ah xaseysiis lagu faafinaayay TV-da dowlada KMG ah ee Muqdisho & Nairobi.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyay in qaraxaan ay gacan weyn ka geysteen saraakiisha Dowlada KMG ah, iyadoo sidoo kale la tilmaamay in ilaalada Goobtaasi ay sugaayeen ciimadada xoogga dalka oo aan horey looga baran iney xafladahaas ilaaliyaan. Su’aashuse waxey tahay. Yaa iska leh Mas’uuliyada qaraxaasi? Ma Kooxda soo abaabushay? mise kuwa maalgeliyay? Runtii waxaa aan shaki ku jirin in xafladaasi ay soo qabanqaabiyeen Wasaarada Warfaafinta qeybta Talafishenka Hey’ada Theatere-ka iyo Hey’ad NGO ah (CRD) oo la sheegay iney si dadban u maamusho Golaha Murtida, kuwaasoo la sheegay iney dhegaha ka fureysteen in xoojin amaanka goobtaasi ay sameyn ku yeeshaan Saraakiisha Nabadsugida & kuwa Boliiska.

Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ahaa martiga ugu caansanaa ku dhowaad 300 qof ee halkaasi joogay, kuwaasi oo lagu casumey dabaaldega sanadguurada koowaad ee kasoo wareegtey markii dib loo hawlgaliyey telefishinka Qaranka Somalia.

Sida lagu sheegey warbixin ay soo daacabdey BBC-da waxay ahayd tani caqabad kale oo la soo gudboonaatey dadalada nabadeed ee Somalia. Fowdo iyo nidaam daro ayaa ka jirtey masraxa kadib qaraxa, kuraas jajaban ayaa meel kasta daadsaneyd.

BBC-du waxay raacisey in qaabka dadka dhaawaca loo daabulayey uu xitaa ahayn mid saxan, suxufufiyiinta qaar waxay sheegeen inay kuraasta iyagu hagaajisteen lagu qaadey isbitalka.

Boliska ayaa sheegey inay baaritaano horey ka sameeyeen ku ogaadeen in haweeney ay ka dambeysey qaraxa, balse kooxda shabaabka ayaa sheegtey inay ku beertey qaraxa masraxa ka hor munaasabada oo telefishinka laga shaaciyey habeenimadii Salaasada, inkastoo dhulka aan lagu arkin meel ay miinadu qoday warka ay sheegteena shaki gelinaaya.

Goob jooge ku sugnaa xafladaasi ayaa sheegay in dadka la martiqaaday si adag loo baaray dhamaan martida markii ay soo galayeen goobtaasi, iyadoo shaki laga qabo qaabka sahlan ee ay gabadhaasi ku soo gashay Xaruntaasi, sidoo kale la fadhiisiyay meel aan ka fogeyn kuraasta Wasiirka 1-aad ee Dowlada KMG ah, taasoo muujineysa inay hawshani tahay mid laga soo abaabuley gudaha.

Ugu dambeyntii, waxaa dad badani ay is weydiinayaan. Maxaa loo faafinayaa warka munaasabada hadii xukuumadu aysan awood u lahayn inay sugto amaankeeda ka sokow xitaa raysal wasaaraheeda gaarka ah, maxaase Xukuumada u diiday iney banaanbax looga soo horjeeda Wakiilka UN-ka loo diiday in la dhigo iyadoo marmarsiinyo looga dhigaayo iney dhibaato ka dhici karto banaanbaxaasi oo ay ku soo gabadaan kooxda Al-Shabab.

Posted on April 8, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. 08 April 2012 Wasiirka Caafimaadka Dowladda Somalia Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf Direed ayaa markii ugu horeeysay qaraabadiisa u sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Samad Macalin Mohamud ka celiyay Jidka xilli uu ku socday inuu ka qeybgalo Xafladii Tiyaatarka Qaranka ee loogu dabaaldegayay sanadguuradii Telefishinka Qaranka Somalia.

    “Anigoo gaariga saaran oo ku socda Tiyaatarka ayuu Wasiirka Daakhiliga I soo wacay,wuxuu igu yiri,Abti xagee joogtaa,waxaan ku iri xafladda Tiyaatarka ayaan u socdaa,wuxuu igu yiri,abtiyoow meelahaas oo kale waa halis ee fadlan ka joog,anigana sidii ayaan uga laabtay”ayuu yiri Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf.

    Wasiir Cabdi Samad Macalin Mohamud waxaa dhalay Gabadh la dhalatay Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf Direed sidaas ayuu ugu yahay abti runa.

    Afhayeenka Xukumadda Somalia Cabdi Raxmaan Yariisow oo dal iyo dibad meelkasta la taga Ra’isulwasare Gaas ayaa mar uu ku socday Xafladda waxaa la sheegay inuu Gudoomiyaha Gobolka Banadir Mohamud Tarsan ku yiri “ Ii imoow iska dhaaf xafladaase”

    Duqa Muqdisho Mohamud Tarsan ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa ninka maleegay qaraxyada waloow ay xusid mudan tahay in Haweeneeyda qaraxa fulisay oo lagu magacaabo Xaliimo Muuse u dhalatay beesha RATI ABGAAL gaar ahaan Ciise Rati.

    Madaxweyne Shariif wuxuu maalin walba ka qeybgalaa Muqdisho xaflado ka amaan xun xafladii tiyaatarka sida banaanbaxyada uu kala qeybgalo shacabka Degmooyinka iyo dhaqdhaqaaqyadiisa ay isaga iyo TARSAN ugu magacdareen isdhexgalka bulshada sidaas darteed waxay isweydiintu tahay maxaa loo waayay maalin la qarxiyo isaga?

    Taliyaha Nabadsugida Somalia Ahmed Macalin Faqi oo la waydiiyay qaraxa Tiyaatarka wuxuu ku jawaabay”anaga nalama soo wargelin,kamana warqabin inay xaflad ka dhaceyso Tiyaatarka”

    Hadalka Ahmed Macalin Faqi wuxuu ka turjumayaa micno weyn maxaa yeelay Hay’ada Nabadsugida shaqadeeda ayey tahay inay ka warqabto guud ahaan wixii ka dhacaya Dalka Somalia ,iyadoo dhinaca kalena sharciga uu yahay inay Saraakiil ku leedahay Xafiiska Ra’isulwasaare Gaas.

    Hadii Nabadsugida Saraakiil ku laheyn Xafiiska Ra’isulwasaraha ,yaa amaankiisa xil ka saaran yahay?,yaa siiya Information-ka dalka? muxuu ka yahay Ra’isulwasaare hadii aysan amaankiisa ka warqabin Nabadsugida?

    Ma tahay Hadal la qaadan karo in Agaasimaha Nabadsugida yiraa,kama warqabno dhaqdhaqaaqa Ra’isulwasaaraha? Mise Agaasimaha Nabadsugida ayaan aqoon u laheyn shaqada loo igmaday?

    Runtu waxay tahay in Madaxweyne Shariif ka carooday safaradii uu Cabdi Wali Gaas ku tegay dalalka Yurub iyo sidii looga soo dhaweeyay,waxaa kale oo taas hareer yaalo inuu Ra’isulwasaaraha yahay Musharax u taagan Madaxweynenimada Somalia taas oo ka dhigan carada Shariif Sheekh Ahmed .

    Hadalka Cabdi Casiis Sheekh Yusuf ku cadeeyay inuu Wasiirka arrimaha gudaha uga digay tegista xafladaas,maqnaanshaha dhamaan xulufadda Madaxweyne Shariif ee Aala Sheekh, marka lagu daro baaqashada Mohamud Tarsan iyo maaweelintiisa Cabdi Raxmaan Yariisow waxay marqaati kaceeysaa in Madaxtooyada laga ogaa qaraxa lagu hoobtay ee Ra’isulwasaare Gaas ka badbaaday laakiin falka nuucaasa waa hubaal inaan mansab iyo guul siyaasadeed lagu heli Karin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: