Sayladda Cod-gadashada Soomaaliya

Wednesday 11 April 2012 – Dunidu waxay leedahay Saylado badan oo Ganacsi oo badeecada lagu kala gato Qiimuhuna maalin walba heer buu gaaraa. Sayladahaas waxaa kamid ah: Kuwa xadeeya qiimaha dahabka, shidaalka, raashinka, ka ganacsiga badeecadaha iyo sarrifka lacagaha culus, xoolaga nool iyo hilinkooda, iwm.

Ganacsigaanu wuxuu ku salaysan yahay: Beecgelin iyo rabitaan xalaal ah oo loo siman yahay.

Waxaa Soomaalidu dunida inteeda kale kaga duwan tahay oo u gaar ah saylaadda lagu kala gato Codka Xildhibaanka, codka Dagaal-oogaha, codka Nabad-doonka xaaraan-quutaha noqday, codka fadhi-ku dirirka gaamuray oo Madax gaar ah u codeeya, codka Siyaasiga jirjirroolaha ah, codka Madaxda dawlad-goboleedyada is-mahadiyey, iwm.

Hase yeeshee, waxaan  Sayladaha Cod  ku jirin: Ka Ganacsida Codka Dumarka, codka Dhallinyarada, codka Aqoonyahanka, codka Horyaalka Bulshada oo xalaasha ah, codka Xoolo-dhaqatada, codka beeraaleyda iyo codka Qurbajoogta inteeda badan iyo codka bulshwenta Soomaaliyeed oo u dhiganta 99.99.

Ma dhici kartaa in Siyaasiga danta gaarka leh uu rabitaankiisa kusoo gabagabeeyo: Uur kujir hooyadiis ku gawracan yahay.

Sidoo kale, waxaan Cod-iibsiga ku badnayn: Ugaasyada, suldaamada, wabarrada, garaadyada, boqorrada, nabadoonnada, malaaqyada oo aan Magacooda iyo Sharaftooda aan Suuqa dhigin, iwm.

Dhaqanka Siyaasaadda Soomaaliyeed oo sidaan u wajahan wuxuu salguuriyey tartankii xalaasha ahaa oo wax loo soo dooran jirey iyo siyaasiga madaxnimo doonka ah xurmadii iyo qaddarintii ay bulshadu u hayn jirtey isaguna uu xilka ku hoggaamin jirey. Habsamida dimuqraadiyadda bulshada wfaqsanayd awaa la tuuray waxaana beddelay: Nin kasta oo haysta Lacag xad-dhaaf ah oo xaaraan lagu soo helay inuu laaluush bixin ugu isticmaalo oo cid walba ku gufeeyo xisaab waafi ah si uu Madaxnimo ugu soo baxo isagoon cidna garka iyo gondaha qaban.

Sidoo kale, waxaa meesha ka baxaya xulashadii lagu soo naqayn jirey muwaadin hibo iyo hoodaarnimo u leh Maamulka Dawladnimo oo karti iyo hufnaan ku fuliya hawlaha Qaranka.

Codka Xildhibaanka oo la gato wuxuu gabi ka tuurayaa caddaalladdii, sinnaanta iyo habkii dimuqraadiyaadda waafaqsanaa, waxaana qaranimadii Gacanta u galaysaa ganacsade maan-gaab ah oo jeebkiisa mooye ummadda aan u danaynayn.

Inta Madaxnimada maanta u taagan in yar oo fara kutiris ah baa gudan kara xilka Qaranku u dhiibi doono, hase yeeshee inta badanu waxay Madaxnimada u arkaan ganacsi furan oo loo tartam oo nin walba jeebkiis adeegsado si uu yeesho hodannimo shakhsi iyo mid Qoysba.

Tartameyaasha Madaxweynenimada ee Bisha Agoosto, 2012 waxaa kamid ah: Mudane Shariif Xasan Sheikh Aaden. Ma rumaysna inuu rabitaan bulso wax ku noqon karo, hase ahaatee wuxuu aad u rumaysan yahay hadduu biixiyo Lacag laaluush ah inuu Madaxnimo kusoo bixi karo.

Sidoo kale, Shariif Axmad wuxu og yahay inuusan Ummadda ku lahayn kalsooni ay mar labaad kusoo doortaan, wuxuuse rumaysan yahay in laaluush cid walba lagu gufeeyo uu wax ku noqon karo. Labada Shariif Diinta wax bay ka garanayaan. Bal haloo kuurgalo sida laaluush-bixinta iyo qaadashadiisa diintu u nacladday.

Mudane Cabdiweli M. Gaas muddo gaaban buu hodan ku noqday, waana Aqoonyahan salaaf ah, waxaana u furan labo tartan: Inuu kalsooni ka kasbado bulshaweynta Somaaliyeed oo uu ka xoroobo Qabyaaladda uu ku yururo oo uu Ummadda usoo Bandhigo qorshaha Dawladnimo oo uu rumaysan yahay inuu fulin doono hadduu Madaxnimada ku guulaysto, iyo inuu la hoos galo Mudane Cabduraxmaan M. Faroole si deegaanka Maamulka Puntland ay ugu gogrtanto cod tixgelin Qarameed mudan iyo horyaalnimada Bulshada Soomaaliyeedba.

Daabicidda Lacagta Doorashada

Sida wax walba sicir-barar ugu dhacay,  codkii Xildhibaankuna Qiime culus buu hadda ku fadhiyaa, sidaas darted waa in la helaa Lacag farabadan oo cid walba badeelka loo daro si ay usoo baxaan Madax isku xiran oo wacad isu martay inay keligood waddanka ka taliyaan.

Dawladda Suudaan baa ka dambaysa daabicidda Lacagta Shilin Soomaaliga ah waxaana la filayaa inay Dalka soo gaarto muddo 2 Bilood ku siman. Lacagtaas waxaa lagu kaydin doonaa khasnadda kaydka Lacagta ee madaxtooyada u gaarka ah, siday u kala badasan doonaanba, waxaana kala qaybsan doona:

Mudane Shariif Xasan Sheikh Aaden, Mudane Shariif Axmad, Mudane Cabduraxmaan M. Faroole iyo Cabdiweli M. Caligaas. Madaxda kor ku tilmaaman waxa a nin walba sii xulanayaa ciddii uu u dhiiban lahaa Maamulka lacagtaas iyo Ganacsiga codkii Xildhibaannada oo kusoo bixi doona is-reeb-reeba Xildhibaannada dambe.

Ninku wax buu la hullaaban yahay, Rabbina tiisa Ayuu ka Wataa

Ma fashali karaa Qorshaha sidaas loo soo Agaasimay? Haa iyo Maya!

Haa. Waa haddii lacagtaasu dib uga dhacda marka loo baahan yahay. Haa, haddii bulshadu diiddo inay Lacagtaas isticmaasho oo ay noqoto xaashi aan qiime lahayn. Haa, haddii tartameyaashu kasoo maagaan inay jeebkooda Gacanta geliyaan.

Haa, marka codkii Xildhibaanku sicirbarar weynu ku dhaco oo Lacagtu yaraato.Haa, haddii dagaal sokeeye lacagtaasu kiciso oo dabadeedna la bililiqaysto. Haa ama ;aya marka ragga sidaan wax u qorshaystay ay noqdaan wax geeriyooda ama kuwo dalka ka baxsada. Madaxnimada dawladda oo si fudud cid kale ula wareegto. Siyaasadda Soomaaliya oo si fudud u yeelata waji cusub oo ku biirta xammaasadda Gugii Carbeed

Ma Sahlan Tahay in isticmaalka Lacagtaas la Takooro?

Haa, waana sahlan tahay. Waxay guudahaan ku xiran tahay ummadda oo takoorta iyo gaar ahaan, ganacsatada oo diida inay qaataan lacagtaas baas-abuurka ah. Shaqaalaha dawladda oo iyo ciidamada Qalabka sida oo diida inay lacagtaas mushaar u qaataan. Qandaraasleyaasha dawladda oo diiday inay qaataan lacag aan suuqa ka socon. Ninkii diida inuu lacagtaas qaato, dukaankiisa lama xiro karo, qaadashada lacagtaasna saka lagama gelin karo.

Kartida dawladda dhoob-dhoobka ahu intaas bay ku siman tahay, waxayna bil gudaheed ku noqon kalluun biyo laga soo saaray.

Yaa u Xilsaaran takooridda Lacagta Baas-abuurka ah?

Waxaa u codaynaya inta diiddan caddaalad-xumada. Inta diiddan codka xildhibaanka oo la iibsado. Inta diiddan madaxdii  hadda u taagan inay xukunka dib ugu soo noqdaan. Inta u gayfan in dadka iyo dalka laga xoreeyo 2da Shariif iyo inta ay xambaarsan yihiin. Xildhibaannada xalaasha ahi inay wacyigeliyaan bulshada inteeda kale si qaadashada lacagtaas loo takooro inta ay doorshad dawsladdu ka dhammaato inta aan la gaarin bisha Agoosto 2012.

In Webste-yadu baahiyaan takooridda lacagtaas doorashada loo adeegsan doono oo dhibkeeda la iman karta.

Waqtiga hawshaas lagu fulin karo:

Waa muddo bil ku siman oo olole lagu qaado takooridda qaadashada lacagtaas inta ddorashadu socoto. Xal-u-helidda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay qaadatay muddo ka badan 21 sano, welina ma cagadhigan. Marka la takooro qaadashada lacagtaas ilaa laga dhiso dawladda cusub,waxaa siyaasiintu baran doonaan in codka ummaddu uu leeyahay karaamayn iyo qaddarin, waana la tixgelin doonaa.

Waxay diidaan laguma xakamayn doono, waxay xaq u leeyihiina lama garab marin karo; isla markaana waxay gaari doonaan guul aan dhiig ku daadan.

Xaq-u-dirirku wuxuu curin doonaa dhacdo ugub ah oo laaluushka dalka looga suuliyo oo dunida kale nooga dayato. Madaxda TFG-du ma rumaysna in sidatanu dhici karto, balse nin walba wax la hullaaban. Barbarkay ka baxdo waa bakayle qasheen. Wa billaahi Tawfiiq

Posted on April 9, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: