Fadeexado soo food-saaray Jaamacadda Hargeysa iyo Guddoomiyihii Jaamacaddaas oo is-casilay

Hargeysa(MMG):- Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa University Muuse Aadan Axmed, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii Guddoomiye-nimo ee uu ka hayey Jaamacaddaas, ka dib markii ay soo baxeen cabashooyin ka dhan ah maamulka Jaamacadda oo ay Ardaydu ka muujiyeen lacago lagu kordhiyey.

Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa oo ku taalla isla magaalada Hargeysa Muuse Aadan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Jaamacadda, waxa uu sheegay inuu isu casilay laba arrimood oo kala ah mid isaga shaqsi ahaan u gaar ah iyo arrimo la xidhiidha kacdoon ay Ardayda Fakallada kala duwan ee Jaamacadda wax ka bartaa ka sameeyeen lacago lagu kordhiyey lacagta laga qaado ee ay wax ku bartaan.

“Waxaan shalay istiqaaladii (qoraal is-casilaada) u dhiibay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare aniga oo ah Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa, xilkaas oo aan hayey muddo shan bilood iyo toban maalmood ah. Waxaan xilkaa iskaga casilay asbaabo shaqsi ah oo aniga I quseeya.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Aadan Axmed.

Waxaa uu Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Jaamacadda oo maalmahan warkeedu ku jiray Warbaahinta in Fiiga Jaamacadda waxoogaa lagu kordhiyey, in markaas ay ardaydii jaamacaddu samaysay dhaqdhaqaaq, warbixinana laga soo saaray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Wasaaradda arrimaha guduhu ay warbaahinta ka sii-daayeen iyada oo aan Maamulka Jaamacadda lagala tashan.”

“Iyaga (Wasiirradu) oo u arkaayey sidii ardaydu ugu warrantay ama ardayda oo ay kulmeen siday warbixinta ku siiyeen in arrintu meel khatara oo amniga dalka khalkhal gelin karta, isla markaana qas abuuri kara, Wasiirka Waxbarashaduna Guddi u saartay. Markaa, ka dib waxaan go’aansaday inaan iska casilo Xilkii Guddoomiyaha Jaamacadda ee aan hayey.” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Aadan.

Is-casilaadda Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa ayaa ku soo beegantay wakhti Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan Guddi Xaqiiqo-raadis ah oo soo baadha duruufaha keenay lacagaha Ardayda Jaamacadda lagu kordhiyey u saartay Jaamacadda Hargeysa Arbacadii hore, ka dib markii ay Ardayda Jaamacaddu warbaahinta ka sheegeen in Lacago aanay qaadi karin lagu kordhiyey qayb kasta oo ka mid ah qaybaha waxbarashada ee Jaamacadda Hargeysa.

Ardayda cabashada ka muujiyey lacagaha lagu kordhiyey ayaa geesta kale abaabulay bannaan-baxyo ka dhan ah Maamulka Jaamacadda Hargeysa, hase-yeeshee waxa baajiyey Wasiirrada Arrimaha gudaha, Waxbarashada Taliyaha Booliska iyo Guddiga Tacliinta sare ee Somaliland, kuwaasoo habeenkii Sabtidu soo galaysay ee toddobaadkan kulan albaabbadu u xidhan yihiin ardayda bannaan-baxa abaabulaysay iyo Hor-joogayaasha ardayda kula yeeshay Hoolka shirarka Wasaaradda arrimaha gudaha ee magaalada Hargeysa.

Moment Media Group

Posted on April 9, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: