Guddi Waqooyi iyo Koonfureed Soomaaliya

Mogadishu 10-April-2012 – Madaxweynaha Dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay guddi Jamhuuriyadda Somaliland u magacowday wadahadallo ay la gelayaan Dowladda KMG ah, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in tallaabadani ay ka mid tahay dadaalka Dowladda KMG ah ay ku tallaabsatay.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Dowladda KMG ah in si degdeg ah ay iyana dhowaan u magacaabayaan guddi wadahadallo la gala guddiga kale ee Somaliland, taasi oo uu sheegay in muddo 21-sano ah kaddib ay Soomaalidu ka tashanayaan inay sameystaan Dowlad loo dhan yahay.

“Waan ku faraxsanahay 21-sano kaddib inay wadahadalo u furmaan Soomaalida degan gobolada Koonfureed iyo walaalaheena Waqooyi” ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in guddigaasi howshooda ugu weyn ay tahay inay isku soo dhoweeyaan afkaaraha kala irdheeyay dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif oo khudbad u jeediyay dadka degan magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Warta Nabadda (Ex-Wardhiigley) ayaa waxa uu si guud baaq ugu diray shacabka Soomaaliyeed isagoona sheegay inay ka shaqeeyaan midnimadooda.

“Waa wax dhici kara in walaalaheena Waqooyi ay wax ka tabanayaan walaalahooda Koonfureed, sidoo kale waxaa iyana dhici karta in reer Koonfureedka ay wax ka tabanayaan walaalahooda Waqooyi” ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in muhiimadu tahay arrimahaasi in meesha laga saaro lana muujiyo walaalnimo dhab ah.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in labada shacab ay yihiin walaalo, sidaasi darteedna loo baahan yahay in guddiga labada dhinac ay ka shaqeeyaan sidii labada shacab dib la isugu soo celin lahaa isla markaana Dowlad Soomaaliyeed ay dhisan lahaayeen.

Posted on April 10, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: