Saraakiisha amniga DKMG iyo amar ka dhan ah wasiirka warfaafinta u gudbiyey idaacada iyo Tv-ga Qaranka iyo wasiirka oo ka carooday

10.04.2012 – Waxaa sii kordhaya muranka iyo isqabqabsiga u dhexeeya masuuliyinta dowlada KMG Somalia qaarkood kaasoo salka ku haya cida qaadeysa masuuliyada qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ka dib markii madaxweynaha Somalia uu sheegay in wasaarada warfaafintu aysan xafladaas ku war gelinin laamaha amaanka, eedeeyntasoo uu shalay beeniyey wasiirka warfaafinta C/qaadir Maxamed Xuseen (Jaahweyn).

Markii jawaabta wasiirka warfaafinta ay sii daayeen qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowlada sida nabad sugida ay tageen xarunta wasaarada warfaafinta iyagoo amar ku siiyey shaqaalaha ka howlgala idaacada radio Muqdisho iyo Tv-ga qaranka inaaney sii deyn Karin hadalka wasiirka warfaafinta uu ku beeninayo eedeeynta madaxweynaha, kaasoo dhaqan galay.

Qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta dowlada oo magacooda diiday in la asoo xigto ayaa boggan u sheegay in wasiirku uu aad uga carooday amarkaas lagu xanibay warkiisa, isagoo ugu hanjabay Agaasimayaasha idaacada iyo Tv-ga Qaranka in ay xilalkooda waayi doonaan haddii aysan baahinin warkiisa, hase ahaatee madaxda warbaahinta dowlada ayaa la sheegay ineysan hanjabadaas dheg u dhigin iyagoo isku haleynaya madaxda dowlada iyo saraakiisha amaanka, waxaana markii dambe xarunta wasaarada ka dhacay kulan la isku mari waayey oo dhexmaray wasiirka warfaafinta iyo saraakiisha amaanka.

Intaa ka dib waxaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada madaxweynaha iyo raisul wasaaraha oo ka arinsaday arinta wasiirka warfaafinta iyo talaabada xigta ee la qadaayo waxaana ilo wareedyo kulankaas ku dhow ay dayniile.com u sheegeen in la go’aansaday in laga war sugo natiijada ka soo baxda guddiga baaritaanka ee loo xilsaaray qaraxii Tiyaatarka ka dibna go’aan laga qaato cidii dayacday maalintaas masuuliyadii ka saarneyd amaanka.

Wasiirka warfaafinta ayaa waxaa la sheegayaa iney hadda ku furan tahay xaalad adag oo laga yaabo inuu ku waayo xilkiisa sida ay sheegayaan raga u dhuun daloola siyaasada xukuumada Somalia, waxaana la sheegay in jawaabta uu shalay isaga beri yeelay eedeeynta ku saabsan inuu lahaa masuuliyada qaraxii tiyaatarka ka carooday madaxweynaha taasoo keentay in wasiirka lagu soo far geliyo howlihii uu isagu lahaa ee wasaarada warfaafinta waxaana laga war sugayaa halka uu ku dhamaado murankan taagan.

Posted on April 10, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: