Shariif Xasan oo ka soo Hor Jeystay Doorashada Madaxtinimo ee ay Wadaan Xildhibanada.

09 April, 2012 – Guddoomiyaha Barlamanka KMG-ka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maanta Waraysi gaar ah siiyay Idaacadaha qaarkood ayaa ka hadlay Xaaladaha Siyaasadeed ee maanta ka jira Dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday abaabulka Maalmihii danbe ay wadeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Barlamanka ku meel gaarka Soomaalaiya kuna doonayeen sidii ay u qaban lahaayeen Doorasho ay ku soo dooranayaan Madaxweyne.

Shariif Xasan ayaa sheegey in taasi Sharci darro ay tahay isla markaana ay xildhibaanadaasi meel uga dhaceen Cahdigii Federaalka iyo Shuruucdii Dalku lahaa.

Guddoomiyaha Barlamanka ayaa shaaca ka qaaday in dalka Doorasho ay ka dhici doonto balse midda ay sheegayaan xildhibanadan iminka ku hadaaqaya in bishan dabayaaqadeeda ay qabanayaan ay tahay mid sharci darra ah isla markaana Beesha Caalamku aysan aqoonsanayn.

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in marka la gaaro Xiliga doorashadu Dalka ay ka dhici doonto Doorasho Sharci ah isagoona ugu yeeray Xildhibaanadaas Ninkii doonaya inuu isu sharaxo Jagadaas inuu xiligaas u soo diyaar garoobo ninkii wax dooranaya doorashadu xiligeedu kaa yahay.

Guddoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan ayaa Xildhibaanadan ku tilmaamay kuwo ka shaqaynaya Fowdo iyo inaan Dalku marnaba ka bixin Nidaamka ku meel gaarka sababta ay arrimahan u samaynayaana ay tahay mid la doonayo waa siduu hadalka u dhigaye in lagu Carqaladeeyo Hanaanka Road Mabka oo uu sheegey in xildhibaanadan ay ka soo hor jeedaan.

Si kastaba Xildhibanadan ayaa hore u sheegey in xilkii ay ka qaadeen Guddoomiyihii Barlamanka iyo ku Xigeenkiisii kowaadba iyagoona Guddoomiye u doortay Madoobe Nuunow kuwaasoo dhawaan soo ban dhigay qorshe ay ku damacsan yihiin in Doorashada madaxtinimada Soomaaliya la qaban doono Dabayaaqada Bishan Abril ee aynu iminka ku jirno.

Posted on April 10, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: