Madaxweyne Shariif oo Xalay ka Badbaaday Isku Day Dil Mar uu Booqanaayey Yaaqshiid

April 10, 2012 –Muqdisho :- Warar saaka soo baxay ayaa sheegaaya in Madaxweyne Shariif oo xalay booqasho ku maray qaybo kamid ah xaafadaha Muqdisho uu ka badbaaday isku dayl dil.

Madaxweynaha ayaa si qarsoodi ah xalay u kormeeray qaybo kamid ah degmada Yaaqshiid halkaasi oo lagula eegtay weerarro loo adeegsaday qaraxyo.

Madaxweyne Shariif wax khasaare ah kama soo gaarin weerarkaasi, hase yeeshee wararka qaar ayaa soo sheegaaya in ay dhaawacyo soo gaareen ilaalada Madaxweynaha.

Jiritaanka weerarkaan fashilmay ayaa waxaa saxaafada u xaqiijiyey saraakiil katirsan xafiiska Madaxweynaha Dawladda KMG ah.
Warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab ayaa dhankooda sheegtay in Madaxweyne Shariif uu ku baxsaday si dirqi ah uuna ka badbaaday isku day dil ay shabaabku u dhigeen.

Shabaabku waxay sheegeen in Madaxweyne Shariif ay xitaa ka carareen raggii ilaalinaayey isagana uu ka daba cararay inkastoo ay wararkaasi beeniyeen saraakiisha la socotay Madaxweynaha xilligii weerarku dhacaayey.

Madaxweyne Shariif ayaa habeenidii lasoo dhaafay waxa uu kormeerro kala duwan ku maraayey qaybo kamid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana uu dhiiri gelinaayey Ciidamada Dawladda.

Sidoo kale shabaabku waxay sheegteen in ay ka war hayeen kormeerka uu Madaxweynahu ku tegaayo degmada Yaaqshiid ka hor inta uusan imaan taasina waxay looga shakisan yahay in gudaha Villa Soomaaliya arrintaan laga soo maleegay.

Sikastaba maal mahii lasoo dhaafay waxaa jiray kala shaki iyo si aamin la’aan ku dhex jiray madaxda Dawladda KMG ah wixii ka dambeeyey qaraxii Tiyaatarka

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in qaraxii ka dhacay Tiyaatarka ee uu ka badbaaday Raysal Wasaare Gaas laga soo abaabulay gudaha Dawladda KMG ah.

Madaxweyne Shariif ayaa nidaab darrada uu ku dhacay qaraxaasi ku eedeeyey wasaaradda warfaafinta oo ay si gaar ah u khusaysay munaasabaddii la qarxiyey.

Wasiirka warfaafinta C/qaadir Jaahweyn waa uu beeniyey, waxaana uu eedayn u jeediyey hay’adaha amniga Dawladda KMG ah.

Posted on April 10, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: