Hey’adda Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyed UYS oo dood cilmiyeed Muqdisho ugu qabatay Odayaasha dhaqanka

11.04.2012- Dood cilmiyeed looga hadlayay sidii loo joojin lahaa dilalka qorsheysan, cabsi gelinta iyo dhiig daadinta oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta Odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn dood cilmiyeed waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Odayaasha Beesha Habar Gidir Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) ayaa sheegay inay cambaareeynayaan qaraxii ka dhacay Tiyaatarka, ee lagu laayay dad wax gal u ahaa bulshada.

“Waxaan cambaareyneynaa anigoo ku hadlaya magaca Odayaasha, qaraxii waxashnimada ee ka dhacay Tiyaatarka, waa dhibaato fool xun oo umada Soomaaliyed ku dhacday”ayuu yiri Abuukar Ganeey.

Abuukar Ganeey ayaa sheegay in sida lagu dhisi karo qoys nabadeed uu yahay in guri kasta ee aabbe iyo hooyo jooga ay u fikiraan sidii caroortooda u hogaamin lahaayeen, kuna baraarujiyo sidii ubadkooda loo toosin lahaa, si aan loo marin habaabin.

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa uga mahad celiyay Hey’adda UYS dadaalka ay geliso bulshada sidii nabada iyo isku xirka bulshada uga shaqeyso, isagoo ugu baaqay Hey’addu inay sii wado in horumarka bulshada ay sare ugu qaadi laheyd.

Cali Seeko ayaa sheegay in qaraxyada ka dhaca dalka aanu aheyn wax caado u ahaa Soomaaliya, balse ay aheyd dhib Soomaaliya ku soo korortay, waxaana uu tilmaamay in sida looga bixi karo tahay in la joojiyo lagana hortago.

“Ma ahan wax Soomaali caado u ahaa qaraxa, waa dhib umada ku soo korortay, waxaan ku baaqayaa in laga hortago, dhiiga daadanaya la joojiyo, odayaashana u guntadaan inay umada u horseedaan sidii dhibaatada uga bixi lahaayeen”ayuu yiri.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo isna ka hadlay kulanka ayaa ka qeyb galayashii Odayaasha ka codsaday inay faataxo u maraan dadkii ku dhintay qaraxii Tiyaatarka, oo uu tibaaxay inuu ahaa qarax umada indhaha looga riday.

“Heerka ay umada gaarsiiyeen in gabdhaheena la guursan waayo, oo la dhihi gabdhihii waa is qarxiyaan, sidaas darteed waalidiinta waxaan ugu baaqayaa in caruurtooda ka soo celiyaan jidka qaldan, qarankana ay wacyi geliyaan dhalinyaradii la qalday”ayuu yiri Caaqil Xasan Cilmi Yaxye.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in dadka aqligooda yar loo adeegsado inay qarxiyaan, isla markaana naftiisa gooyo, iyadoo lagu qaldayo inuu Janno galayo, waxaana uu tilmaamay in dhib siyaaday uu yahay, hadii dumarka lagu bilaabay in iyaguna is qarxiyaan.

‘Qaraxa horta qof naftiisa dilaya waa dadka aqliga yar ee waxma garatada ah, hada gabdhihii ayaa bilaabatay, odayaal inay is qarxiyaana waa sugeynaa, waxaa la yiri gabdhaha is qarxiya, waxaa loo sheegay nimankiina is qarxiyay ayaa idin baahan idinkuna is qarxiya, gabdhihii ayaa saas loo sheegay, ha inaga daba keenaan raggii odayaasha dhaheen, dadka aqli xumadaas sheegaya ka warana, hadana hadaan Odayaasha aan aragno waaba sugi weynay, inuu yeeli doona ila tahay mar dhow waxaa laga yaabaa inaa maqashaan oday is qarxiyay”ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye oo intaa ku daray in ragga sar sare ee Al-Shabaab sida Cali Dheere, Xasan Dahir iyo Xuseen Dayniile wixii ay abuureen qaati ka joogaan.

Kulankan Odayaasha ayaa waxay kaga munaaqashoodeen sidii loo bilaabi lahaa in odayaasha ugu istaagi lahaayeen joojinta dilalka qorsheysan, isla markaana loo istaago in aan umada la cabsi gelin, si dhiig lagu daadiyo, waxaana ka qeyb galayaasha ay uga mahadceliyeen Hey’adda soo qaban qaabisay kulanka ee UYS.

Posted on April 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: