Madoobe Nuunow oo Shuruud adag ku xiray wada hadal uu la galo Shariif Xasan

April 11, 2012 – Gudoomiyaha garab ka mid ah Baarlamaanka KMG Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in wadahadal uu la yeesho Shariif Xasan ay ka horeyso in marka hore uu aqbalo xilka qaadistii sharciga aheyd ee mudanayaasha baarlamaanka ay ku sameeyeen.

Madoobe Nuunow waxa uu shuruud adag ku xiray wadahadal uu la galo Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay xilkii ka qaadeen garbka uu isaga hogaamiyo, “Wada hadal waan la galayaa Shariif Xasan hadii uu ogolaado xil ka qaadistii ay ku sameeyeen mudanayaasha Baarlamaanka” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamad.

Waxaa uu sheegay Madoobe Nuunow inuu diidanayn in la wadahadlo, balse loo baahan yahay ayuu yiri in loo hogaansamo sharciga iyo axdiga u yaala Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Madoobe Nuunow ayaa hadalkiisa waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah hadal Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shalay soo jeediyay in uu wadahadlo Baarlamaanka KMG ah.

Posted on April 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: