Masuul ka tirsan gudoonka Baarlamanka Somalia oo Somailand uga digay iney wadahadal la yeelato madaxda DKMG ah

11.04.2012 – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka garabka Madoobe Nuunow Max’ed Axmed Dhimbil Rooble Casoowe oo ka hadlay Guddigi uu Madaxweynaha maamulka Somaliland u magacaabay inay la hadlaan dowladda KMG ayaa sheegay in ay arrin qalad ah tahay in xilligan ay wada hadal galaan Somaliland iyo dowladda KMG Somalia.

Mr. Casoowe ayaa waxa uu sheegay inuu uga digayo Somaliland inaysan ku degdegin wada hadalkaasi si uusan meel cidlaha uga beerdaroobin maadaama sida uu sheegay aysan mideysneyn dowladda KMG oo Mas’uuliyiinta hogaamisa uu sheegay inaysan aheyn dad howshaasi ka bixi kara kala daadsanaana badana ay ku jirto.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamanka garabka Madoobe Nuunow Max’ed Axmed Dhimbil ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wada hadal kasta oo ay galeyso dowladda haddii aan la horkeenin Baarlamaanka uu yahay mid waxba kama jiraan ah, madaxda dowladana aysan diyaar u aheyn iney baarlamaka la shaqeeyaan.

“Ragga hadda meesha xukumada ee Shiikh Shariif uu hor boodayo sharciga dalka wey ku tunteen, baarlamaana maba rabaan iney la shaqeeyaan, xiligoodana wax kooban ayaa ka hartay marka Somaliland waa iney sugtaa madaxda cusub ee dalka loo dooran doono bilaha soo socda, aysana raacin Qorax sii dhaceysa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka garabka Madoobe Nuunow Max’ed.

Hadala ka soo yeeray Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili madaxweynaha Somaliland uu dhowaan magacaabay gudi la xaajoooda dowlada KMG Somalia, iyadoo Madaxweynaha dowadda KMG ah uu dhinaciisa sheegay in dhawaan uu magacaabi doono Guddigii dhinacooda uga qeybgeli lahaa wadahalka dhexmaraya dowadda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Posted on April 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: