Shariif Xasan oo dalbaday in wadahadal lagu xaliyo khilaafka Baarlamanka Somalia iyo Madoobe Nuunow oo shuruud ku xiray

 11.04.2012 – Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo madoobe Nuunow Maxamed oo mid walba uu sheeganayo inuu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee baarlamanka Somalia ayaa saacadihii ugu dambeeyey siyaabo kala duwan uga hadlay qaabka loo xalin karo khilaafka ka dhex aloosan Baarlamanka.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Baarlamanka Somalia hase ahaatee madaxda dowlada iyo beesha caalamku diideen arintaas Shariif Xasan Shiikh Aadan oo hadal ka jeediyey magaalada Baydhabo ayaa sharci daro ku tilmaamay doorasho madaxweyne cusub oo xildhibaanada ka soo jeeda ay dhowaan sheegeen iney ku qaban doonaan magaalada dhamaadka bishan.

Shariif Xasan ayaa sheegay in arintaas ay tahay wax aan hada loo fadhiyin isla markaana xildhibanada arintaas wada looga baahan yahay iney taageeraan qorshaha road mabka ee dalka looga saarayo KMG dowladnimo buuxdana loogu sameynayo, isagoo dalbaday in wadahadal lagu xaliyo khilaafka Baarlamanka ka dhex aloosan taasoo uu sheegay iney tahay dariiqa ugu haboon ee baarlamanka Somalia dib loogu mideyn karo.

Hase ahaatee waxaa hadalkaas ka jawaabay Madoobe Nuunow Maxamed oo gudoomiyaha baarlamanka ay u doorteen inta badan xildhibanada ka horjeeda Shariif Xasan, wuxuuna Madoobe Nuunow sheegay in baarlamanka aan loogu talo gelin inuu wada hadlo wax uu ka wada hadli karana aysan jirin k, isagoo shariif Xasan ku eedeeyey inuu ku tuntay sharciga dalka.

”Shariif Xasan waa aqoonsadaa natiijadii ka soo baxday baarlamanka ee xilka looga qaaday mana jiro wax baarlamanka uu ka wada hadli karo waayo baarlamanku xeer jajab wax kuma dhameeyo ee cod hal dheer ah ayuu ku kala baxaa, Shariif xasana codka xildhibaanada ma heystom haduuu wadahadal rabo marka hore waa inuu ogolaadaa xilka qaadista lagu sameeyey” ayuu intaa ku daray Madoobe Nuunow.

Khilaafka ka dhashay cida heyneysa hogaanka baarlamanka Somalia ayaa sababay in uu labo garab oo labo gudoomiye leh u kala jabo inkastoo ay kala badan yihiin xildhibaanada kala taageersan, waxaana khilaafkaas uu saameyn ku yeeshay dhamaanba howlihii baarlamanka oo joogsaday ilaa hadana ana dhinac u socon, waxaana madaxda ugu sareysa DKMG iyo beesha caalamkabaa ay dhinac iska dhigeen iney xaliyaan khilaafka baarlamanka.

Posted on April 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: