Qilaaf iyo isqabqabsi ka dhextaagan hogaanka kooxda ridada, gaar ahaan kooxda Shariif iyo kuwa Cabdiwali Gaas

April 11, 2012 – Qilaafkan ayaa la rumeysan yahay in uu dhaliyey qaraxii dhawaan ka dhacay Tiyaatarka muqdisho kaas oo la tuhunsan yahay in ay fududeyntiisa qeyb ku lahaayeen saraakiil ka tirsan kooxda iyo askar dhanka amaanka qaabilsanaa.

Labada hogaan ee ugu sareeya kooxdaasi Shariif Sh Axmed iyo Cabdi Wali gaas ayaa labaduba warbaahinta la hadlay oo sheegay in baaritaano rasmi ah lagu sameyn doono ciddii ka dambeysay fududeynta qaraxaasi iyadoona hadda macluumaad laga helayo dhanka madaxda ay sheegayaan in saraakiil laga shakisan yahay loo xiray arinkaasi.

Ra’isul wazaaraha ayaa si aad ah kaga shakisan kooxda shariif Sh Axmed oo ku tuhmayo in qaraxaas fududeyntiisa ay ka dambeeyeen islamarkaana ay doonayeen in ay isaga khaarijiyaan, waxaana sidoo kale jirta in Cabdi wali gaas uu dad gaar ah u xil saaray dabagalka ah cidda ka dambeysay qaraxaasi.

Dhanka shariif warar laga helayo ayaa iyagana xaqiijinaya in qaraxaas ay ku eedeynayaan ilaalada Cabdi wali gaas oo amaanka goobta lagu haleynayey islamarkana qaraxaas looga shakisan yahay in ay ka dambeyeen.

Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah oo loo qabtay qaraxaasi ama lala xiriirinayo marka laga soo tago kala shaki iyo farmuuq ka dhex taagan kooxda ridada oo saameyn gaar ah yeeshay.

Xarakada mujaahidiinta Al shabab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi ayaa sheegtay in weerarka uu ahaa qarax diyaariyey goobta ay Xafladdu ka socotay waxaana ay sheegeen in qaraxaasi uu calaamad u yahay in xarakadu goobta ay doonto iyo cidda ay doonto ay ku beegsaneyso magalada Caasimada ah ee muqdisho.

Posted on April 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: