Ilaalada Duqa Muqdisho & Gudoomiyaha C/casiis Oo Is rasaaseeyay

12 April, 2012 (MMG) – Warar dhowaan na soo gaaraya ayaa sheegaya in Is rasaaseyn ay maantay duhurkii ku dhex martay agagaarka Xarunta degmada C/casiis, Ilaalada Duqa Muqdisho & Gudoomiyaha Degmada C/casiis,iyadoo la sheegay in khasaare uu soo kala gaaray labada dhinac.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in labo ruux ay ku dhinteen, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen oo dad rayid ah ay ku jireen, iyadoo Gudoomiyaha xilka laga qaaday degmada C/casiis uu ku gacan seyray xil ka qaadista.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Gudoomiyaha Gobolka Maxamuud Axmed Tarsan oo wehliya Gudoomiyaha cusub oo degmada loo magacaabay ay damacsanaayeen in xilka lagu wareejiyo, hase ahaatee iska hor imaad ay la kulmeen.

Waxaa la sheegay in Gudoomiyaha Tarsan uu ku fashilmay inuu gaaro xarunta Degmada C/casiis, kadib rasaas badan oo labada dhinac ay is-weydaarsadeen labada dhinac, waxaana lagu qasbay inuu dib isaga soo laabteen Gudoomiyaha Gobolka iyo Gudoomiyihii cusbaa uu magacaabay, iyadoo xaalada ay tahay mid degan.

Xilliga is rasaaseynta ka dhacday Xarunta degmada ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne fara badan oo isugu soo baxayay, si ay uga qeyb galaan munaasabada xil kala wareejinta, inkastoo markii dambe la sheegay inay dhigeen banaan bax ay uga soo horjeedeen xil ka qaadista.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday iyo Ilaaladiisa ayaa ku sugan Xarunta degmada, iyadoo goobta ay gaareen Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka oo la rasaaseeyay markii uu degmada u waday Gudoomiyaha uu magacaabay, iyadoo arrintan ay keeni karto khilaaf hor leh oo hareeya Maamulka Gobolka.

Moment Media Group

Posted on April 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Tarsan iyo ciidamadiisa oo weeraray maamulka degmada C/casiis

    Muqdisho : (Sh. M. Network)-weerarkaani ayaa waxaa la sheegay in degmada C/casiis ay ku qaadeen Ciidamo uu horkacayo Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Max’uud axmed Nuur Tarsan, kaasi oo sida la sheegay lagu qaaday xarunta degmada C/casiis xili halkaasi uu kusugnaa gudoomiyaha degmadaasi iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmada C/casiis

    Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhaawacmey ilaa 5 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamadii la socday gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dadka dhaawacmay qaarkood ay yihiin dad rayid ah oo ka agdhawaa xarunta degmadaasi.

    Yuusuf Cali Indhoole oo ah gudoomiyaha degmada C/casiis oo Shabelle u xaqiijiyay weerarkaasi ayaa waxa uu sheegay in barqanimadii maanta gudoomiye Tarsan oo ay wehliyeen ilaaladiisa gaarka ah ay soo qaadeen weerar aan laga garaneyn waxa uu salka ku hayo, isagoo shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay ka hortageen sida ii hadalka u dhigay.

    Dhinaca kale markii ciidamada uu hogaaminayay Max’uud Axmed Nuur Tarsan ay weerarka ku qaadeen degmada C/casiis kadib ayaa waxaa la sheegay in degmadaasi uu ka bilowday banaanbax balaaran oo ay dhigayeen dadka shacabka ah ee kudhaqan degmadaasi kaasi oo looga soo horjeeday gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ee DKMG.

    Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxyaabaha kalifay in gudoomiyaha gobolka Banaadir uu weerar ku qaado mid ka mid ah degmooyinka uu isagu maamulo, iyadoo arintaani ay qeyb ka noqoneyso falalka amnni daro ee ka jira Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: