Soomaali: is ma dhaanto iyo dhasheed “Faallo”

Apr 12 2012  – Siday u dhacday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, waxaa wadanka gees ka gees soo galay Jabhado hubaysan, lana baxay magacyo ay horgale u ahaayeen Shibbanaha ‘S’ saabse u ahaa ururro siyaasadeed, ninkii aan surka suran saaxada lamaga maqlayn sawaxankiisa, seyladda suuqa siyaasaddana sad kuma ahayn, haddaan Shibbanaha “S” wax lagu saabin, saxan ballaaran iyo sawd dheer si aad wax ugu soocdo, lama huraan in shibbanahaa horgale kuu yahay.

Aqriste bal milicso magacyadan horgalaha uu wada yahay shibbanaha “S”, si aad u ogaato sida wadanka loo wada cuuryaamiyey: SSDF, SNF, SPM, SDM, SNM, SSNM, SNL, USC, USSC, USC/SNA, USC/SSA iyo kuwo kale.

Ururadaa waxaa horkacayey xubno madani iyo ciidan isugu jiray, haba u badnaadeen ciidane, maadaama ay arrintu ku biya shubatay “Nimaan Shantu kaa celin Sharci kaama celsho!” magacyada shibbanaha “S” ka billowda waxaa ku baxay QARAN iyo QAWMID ku dhex nooleed, magac iyo muunad dhex taallay, madaxtinimo iyo maarayn ka jirtay, nidaam iyo nabad lagu noolaa, lama soo koobi karo waxyaabaha lumay, dumay, jabay, dhacay, qaybyoobay iyo falliirmay, oo waxaa nooga filan midda aan ku sugannahay.

Shibbanaha “S” ee horgalaha ah, wuxuu u taagnaa beel ama siyaasiga la baxa qabiilkiisa, haba jiraan isbahaysiyo aan sidaa u sii buurnayn, haddana gunta hoose ayaa ahayd beelo la huwiyey xarafka billowga u ah Soomaali ee “S”, malaha maadaama Jabhadaynta laga soo wada billaabay Xabashi, ayaa qof walbaa ku salgooyey Shibbanahaa, si aan looga sasin, dadkuna uga didin, dawladduna ugu kicin gaas dhagoolaha iyo guutooyinkii wax qaban waayey.

Hadday wadankii soo galeen, iyaga ayaa is cunay, is riiqay, kuna hoobtay dagaallo aan dhammaad lahayn, qaarkood waxay ku bexeen dagaalladaa, qaarna iyagoo ciil qaba ayey dhinteen, halka qaarka kale ay meelaha sidii coon coomaadaan, sida la wada dheehan karo dadku ma filan in sidaa wax u dhici doonaan, ma maanayn in sidaa wax ku idlaa doonaan, ma qiyaasin in sidaa wax ku dambayn doonaan, balse, waa aragti gaabnideennee noqotay mid na hortaal, walina aan dhex naal.

Haddi si aan u wada garanno aan magacaabo, xubnahaa duugoobay ee deegaanka dagaalka ku kiciyey, waxaa ka mida: Gen. Maxamed faarax Caydiid, Col. C/laahi Yuusuf Axmed iyo C/raxmaan Tuur, Cali Mahdi Maxamed na gadaal ayuu ka soo galay, ka dib markii ay is maandhaafeen isaga iyo Caydiid, oo isu rogay dagaal umulo dooxa. Aqriste wajiga ha duubin, qofna qof kale uma ahan wakiil, wuxuuse qof walbaa masuul ka yahay wuxuu sameeyey, loogu qiilin maayo: wuu ku kadsoomay, aqoon uma lahayn iyo waxba ma qaban karin! Mardhaw fisha qormada cinwaankeedu yahay: “Qaldanaha ha u qiilin!”.

Hadday kuwaasi xal keeni waayeen, magacii “S” ka billaabanayana wax soo kordhin waayey, waxaa kaalinta lagu wareejiyey rag aan ka wanaagsanayn, waxay ku can bexeen qabqable, hogaamiye kooxeed iyo dagaalooge, waxay dadka dhadhan siiyeen inta Jabhadihii hubaysnaa ka dhiidhin jireen, waxaa la yaab ah marka ay noqdeen kooxo ay kala barto waddo kaliya, laami ama luuq qura.

Haddaad u tallaabto laamiga dhankiisa kale, waxaad u galaysaa qabqable, haddaad luuqa ka dhex dusto eed uu tallaabto wadada weyn, waxaad galaysaa deegaan qabqable kale, xusuusta ku hay mid ayaad iminka ka soo dhammaatay, wax ay isu jiraan mallahan, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu wax xukumo, qaarkood waxayba la bexeen magacyada ay ka midka yihiin AL XAAJI.

Magacyadooda waxaa nooga filan: Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax, Cismaan Caato, Cabdi Qaybdiid, Maxamed Dheere, Xuseen Caydiid, Cumar Finish, Gen Gabyoow, Cumar Xaaji Masalle, Cumar Xaashi Aadan, Col. Cabdi Warsame Isaaq, Col. Cumar Jees, Col. Maxamed Nuur Caliyow, Xaabsade, Shaati Guduud, Seeraar, Furux, Fara badan, Gen, Moorgan IWM, oo ma iyagaaba dhammaanaya!

Iyadoo lala liicliicayo qabqable dhibaatadiisa, ayey xilka ku wareejiyeen wadaaddo, dadkii waxaa ka soo go’day neef xooggan, iyagoo fishay wanaag iyo garsoor, maadaama wadaadadu diinta Eebbe wax ku dhaqaan, waxaase dhacday “Dhedo Roob noqon waysay” mayee waxaa dhacday “La mood noqonse wayday” maya waxaa dhacay “Ka dar oo Dibi dhal”.

Haddii wadaadadii dalkii qabsadeen, ka sokow leejada ay qaadaan, waxayba gabi ahaan hor istaageen ganacsiga qaarkood, iyagoo xirid kaliya aan ku ekeysane, jajabin iyo burburin weyn u gaystay qalab aad muhim ah u ahaa filimada iyo shaneemada, taa kaliya ma ahan, waxaa yaraatay xoriyadda hadalka iyo hawraarta.

Jihaad iyo Janno jeeb afar jeeble ku jirta ayaa dadkii lagu jujuubay, waxaa billowday wadahadallo u dhexeeyey dawladdii C/laahi Yuusuf iyo Wadaadadii Waallida waday, ayaan darro waxay ku idlaadeen isfaham la’aan, dagaalna la wada iclaasnshay, wadaadadii waxay ballan qaadeen inay Iidda soo socota Addis Ababa ku dukan doonaan, Xabashida ayaase Iiddii xeebta Liido ku xaragoonayey!

Aan iyagana magacyo ka xusno, waa sida qabqablayaashoo ma dhammaanayaane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Janaqow, Prof Ibraahim Caddaw, Abuu Mansuur Rooboow, Godane, Shangole, Ceyroow, Xasan Daahir Aways, Cali Dheere IWM.

Haddii wadaadadii gacantooda laga saaray maamulkii, ayna noqdeen kuwa hawdka, kaynta iyo toonta gala, iyo qaar ku caariyey Eratrea, Asmarana xarun ka dhigtay iyo qaar xabbad dabada sii hayey, dagaal umulo dooxana wadankii ku baahiyey, ayaa waxaa nagu soo burqaday kuwa aan ka roonaan, haddii aysan ka darnayn, wata magac qurxoon, oo ay ka dhadhamayaan ama ka udgayaan ilbaxnimo, aqoon iyo aragti fog.

Waxaa wadankii dhan wada qabsaday magaca Prof iyo Dr, magacyo badanna horgale looga dhigay, haddaadan dhihin ama ku dhawaaqiin aadba dambawday, bal ila arag aqriste magacydan iminka aad saaxada u haysta: Prof Gaandi, aqoon ayaa ka burqanaysa ayaa nalagu yiri, magacaba ka garo, haddana, maanta waxa uu faraha kula jiro, ila eeg, ma nin aqoon leh ayaa waxaas oo kale sameeya? Mayee, Jaahil dadnimo leh xitaa isuma quuro, iska daa nin isu malaynaya inuu indhaha bulshada yahaye.

Prof C/raxmaan Ibbi, Isaguna wuxuu hormood ka ahaaa kooxdii iibsatay Seeraha Badweynta Hindiya aan ku leenahay, micnaha wuxuu wax ka saxiixay Heshiiskii Is afgarad ee lala galay dawladda Kenya, ee lagu saxiixay in Soomaaliya biya xideedkeedu noqdo 13M, haddaba ma la dhihi karaa waa Prof?.

Prof C/raxmaan Faroole, isugu waaba budo gaar u tuman, magac kaliya ma ahan, waxaaba u dheer takoor, faquuq iyo hayb sooc uu ku hayo beelaha Soomaaliyeed qaarkood, haddana waxaa lagaa gadayaa waa aqoon yahan bushada wax u bartay, waxna ku bartay canshuurtii laga qaaday bulsho weynta Soomaali.

Prof Cabdiwali Gaas, waxaa loo hanweynaa inuu isbadal weyn samayn doono, oo la xiriira dhan walba, wuxuuse ka dhammaan waayey Puntland, siyaasiyiinta qarkood qabyaaladdu waa ka fiixdaa, isaguse waaba ku Faataxaystaa, oo si joogta ah ayuu ugu Wardiyaa, malaha la’aanteed wuxuuba noqon lahaa qof kale!

Inta aanan gaarin gabagabada qormada aan sameeyo sadarro isku xiran oo saab wacan leh, si ay u caddaato liilka ay ku laaban tahay qormadu, sheekadu waxay ku billaabaty “S”, LAND, ayaa ku xigay, WILAAYO, ayaa ku xigtay, haddana STATE iyo PROF ayaa shidan, si kale haddaan u dhaho waa: mar waa JABHAD, mar waa QABQABLE, mar waa WADAAD, mar waa PROF, marna waa MADAXWENE TUULO.

Soomaalidu aqalkii “Mudulkii” ay daganayd tiirarkiisii waxaa galay Xor ama Xorre, siduu udub dhexeedka iyo dhakawhadii kale u cunayey ayaa aqalkii dumay, maadaama uu dhammaaday dhuuxii geedku lahaa, ka dib ayey barrin bannaan ku soo beegmeen, waxaa ku dhacday hoy la’aan iyo hargal la’aan.

Iyagoo sidaa ah, ayaa waxaa ku soo baxay Beloqabe, waxay dab qabadsiiyeen agab iyo oomato wixii u cayntay, dabkii qabsaday waxaa ka dhashay holoc iyo qiiq qariyey dhammaan gobtii, aan marnaba la arkayn qof iyo qar toona, sidaa waxay noqdeen kuwa ka arradan how iyo hunguri.

Haddii ay taagan yihiin barrin bannaan, ayaa waxaa ku soo baxay Baabshe leh waxaan wadnaa dawo samatbixin ah, magacu waa sahlan yahay, waa Tahliil ay tufaan, ayna tahay inuu qof walbo cabo, biyaha Tahliisha laga dhigay lama eegin inay nadiif yihiin, ama ugu yaraan lagu daray Koloriin, si aysan meesha uga dhalan cudurro qatargalin kara noolaha.

Sidaaba ma noqone, waxaaba dadkii la cabsiyey ajo calow ah iyo dhiiqo aan dhadhan lahayn, dheehooduna mar hore doorsoomay, dabcan inta biyaha lagu Tufayeyna candhuufi ku fanfaniintay, kuwa tufayana caafimaadkooda aan laga warqabin, haddii ay dadkii cabeen, waxaa ku dhacay daacuun da’ walba ku dagay, waxaana deegaankii ka dillaacay dacar ay u dhinteen dad aad badan, walina u dhimanayaan.

Halkaa isagoo xaal marayo, ayaa waxaa deegaankii yimid Dafaqle, oo ku andacoonaya inay dawaynayaan dadkan, ayna u baahan yihiin guryo iyo aqallo, ayna tahayn in wax walba laga hormariyo dawo iyo dabiibid, dhibka ayaase ahaa inaysan iyaguba wadan xitaa dharkii lag u yaqaannay khaqaatiirta!

Taa kaliya ma ahan, maba wadan wax dawo ah, si ay ugu daweeyaan dadkan daacuunku ku dagay, waxaase ka sii daran, inaysanba dhaqaatiir ahayn, oo lagu ogaaday baaritaan, ka dib, markii ay dadkii u qoreen dawo aan u habboonayn cudurrada ay qabaan.

Aqriste bal eeg Shiribkan ay is dhaafsadeen dhawrkan Laashin, ee soo koobaya qormada:

Marna Qabiil, marna Qaliif, inta kale qolfoof miyaa?.
Marna Jabhad, marna Jaamici, inta kale ma Jaariyaa?.
Marna Qabqable, marna Quwaax, inta kale Qabbaan miyaa?.
Marna Itoobiyaan, marna AMISOM, inta kale Others miyaa?.
Marna Wahaabi, marna Wadaad, inta kale Waddac miyaa?.

Ugu dambayn, murti baa dhahaysa: “Nimaan waxa soo scoda garan, waxa jooga(Socda)na ma garto!” sow kama fogo haddii sooyaalkii la hilmaamay, oo ma noqonayso: “Illawsho dhawaa ma Umulaa!” jabhadkii wadanka Jabshaha la soo galay, anagaa ku soo dhawaynay alalaas iyo masharaxad, qabqablaha anaga ayaa qaab u yeelnay, kana dhignay wax uusan ahayn.

Wadaadaddo isku sheegga horaa loo soo arkay sanadihii: 92,93,95,96,97, guud ahaan goballada dalka, gaar ahaan goballada Waqooyi Bari, Gedo iyo Banaadir, waxay ka sameeyeen maamullo, siday dadka ula dhaqmeen waa la wada ogsoonaa, haddana, si kal iyo laab ah ayaa loo taageeray.

Qabqablyaasha inay meesha ka baxaan way eheed Shaydaanba ha saaree, balse maxaa xigay? Ama badalay Qabqablayaashii?, waa meesha uu ka yiri Abwaan Abshir Faarax Bacadle (AUN): “Duqii doona ducana ugu dara waad na dilateene” ama uu ka yiri Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) (AUN): “Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye’e”

Waad arkaysaan maanta waxa dhacaya Raqdii Islaamkii ayaa wali lagu riiqmayaa!, maxaa hadal aan macno samaynayn loogu barooranayaa?! Maanta Khawaarij shalay Wadaaddo Kacaan dhaliyey! Maanta Aragagixiso shalay isbadal doon! Afkii shalay lagu ammaanayey ayaa maanta lagu caynayaa! Kala daaya: “Alif wax ma leh iyo waxbuu leeyahay”, waxaani waa: “Cad iyo Madow”.

Hadda waxaaba sii dheer Land, State iyo Prof aan barako lahayn, goobayn loo wada garaabayo iyo garaaddo aan qiimo lahayn oo lagu wada hoobtay, waa hadba: “Wixii cusub caalaamka jecel”, taa kaliya ma ahan, ee waxaa ayaan darro ah inaysan jirin wax is weydiin iyo xisaabtan.

Haddaba, sow ma ahayn in marka hore laga fiirsado waxa loo sacab tumayo nuxur iyo hadaf ahaanba, asal iyo ujeed, iyadoo lagu eegayo il qooraadan oo ka dhigan Sooyaalka, mid hogan oo eegaysa waxa jira ee socda iyo mid qumman oo togan oo eegaysa aayaha iyo dambada loo aroorayo, caadifadda iyo laab la kaca xad ha lahaadaan, taageerada sal ha lahaato, garab galku ha garaysnaado(gar ha ku qodbanaado), caqligu ha shaqeeyo, dhug hala lahaado iyo fiiro dheer!

Posted on April 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: