Mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia oo sheegay in qaraxii ka dhacay Tiyaatarka uu tuhun ka dhex abuuray madaxda dowlada

13.04.2012 – Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo lagu Magacaabo cali Maxamuud Faarax Cali (Cali Seeko) ayaa sheegay in qaraxii dhowaan ka dhacay tiyaatarka magaalada Muqdisho uu tuhun balaaran ka dhex dhaliyey madaxda ugu sareysa dowlada KMG Somalia.

Cali seeko ayaa sheegay in qaraxaas ka dib masuuliyinta dowlada gaar ahaan madaxweynaha iyo raisul wasaaraha uu soo kala dhex galay shaki balaaran iskuna khilaafeen cida qaadanaysa masuuliyada qaraxii tiyaatarka oo ilaa hadda dad badan ay la yaaban yihiin sida uu u dhacay.

Waa iska dabiici ah in dadku ay iskhilaafaan marka ay shaqo ka dhexeysa, hase ahaatee mar hadii xaalku gaaron in qof walba uu dareemio in kan uu khatar ku yahay naftiisa waa halis wada shaqeyna ma sii jireyso wax badana madaxweynaha iyo raisul wasaaraha waa isku khilaafsan yihiin sida arintan loo wajahayo iyo talaabada la qaadayo” ayuu intaa ku daray Cali seeko.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in madaxweynaha iyo raisul wasaaraha ay isku mari waayeen cida qaadaneysa masuuliyada qaraxaas, wuxuuna xusay in raisul wasaaruhu uu aaminsan yahay in qaraxaas si ula kac ah loogu fudueeyey Al-shabaab iney isaga ku soo weeraraan, isagoo tilmamay in madaxweynuhuna uu aaminsan yahay ineysan jirin cid qaraxaas fududeysay hase ahaatee uu ka dhacay habacsanaan ku timid xoogaga amniga ee goobtaas joogay.

Hadalka xildhibaankan ayaa imanaya xili uu sii kordhayo khilaafka ka dhashay qaraxii tiyaatarka ee u dhexeeya madaxda dowlada qaarkood, madaxweynaha ayaa sheegay in masuuliyada qaraxaas ay qaadaneyso wasaarada warfaafinta oo uu ku eedeeyey ineysan wargelin heyadaha amaanka Qaranka, iyadoo wasiirka warfaaafintana uu iska fogeeyey arintaas, ilaa hadana guddi baaritaan oo arintaas loo xilsaaray wax natiijo ah kama soo saarin.

Posted on April 13, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Nabadoon Siciid Shire “Sheekh Shariif wuxuu yiri aniga markaan arkay sida ay wax u socdaan xaflada waan ka baaqsaday, ma wuxuu ogaa in ay balaayo meesha ka dhaceyso…

    Tan & wixii ka dambeeyey qaraxii tiyaatarka oo ay dhimasho & dhaawac ka soo gaartay shaqsiyaad isugu jira madax isboorti, siyaasiyiin, fanaaniin & dad shicib ah waxaa isi soo taraya cidda ka dambeysay qaraxaasi, waxaana sidoo kale sii kordhaya eedeymo ay hawada isku marinayaan madaxda ugu sareysa ee dowladda & mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta.

    Nabadoon Siciid Shire oo ka mid ah nabadoonada Soomaaliyeed oo ku dhaqan Muqdisho ayaa wuxuu is-weydiiyey dhowr su’aalood, oo qaarkood uu leeyahay waa kuwa aan doonayo inaan si toos ah u weydiiyo madaxweynaha, waxaana su’aalahaasi ka mid ah;
    “Madaxweynuhu wuxuu si toos ah u yiri meeshii markaan arkay xaaladeeda waan ka baaqsaday, ma wuxuu ogaa in ay meesha balaayo ka dhaceyso, haddiise uu dareemay in sida wax u socdaan ay qaldan yihiin, muxuu kaga digi waayey dadka meesha tegaya ama qaladka xagga ammaanka ah uu u sixi waayey, mise xaaladiisu waxey la mid tahay balaayo buulkeygaan ka galay, wuxuu u hadlay sidii qof caadi ah oo {invitation} la siiyey, wuxuu is moogeysiiyey inuu yahay xubintii ugu sarreysay dalka oo uu isku hayo xilalka dhinca amniga & siyaasadda, waa maxey sababta uu amri waayey hay’addaha ammaanka oo u dhihi waayey arrintaani xaliya, oo uu u eedeynayaa wasaarada warfaafinta” ayuu yiri Nabadoon Siciid Shire, wuxuuna intaa ku daray in ay la yaab ku noqoneyso ummadda caqliga u saaxiibka ah in madaxweyne Qaran sidaasi u hadlo.

    “Waa meel uu isagu ka baaqsaday oo uu ku dhici waayey inuu tago, waxey aheyd inuu ummadda kale yiraa ha tegina, muxuu u xagxaganayaa wasiirkii warfaafinta, waxeyna ku tusineysaa in madaxweynuhu yahay shaqsi aan la socon waxa uu ku hadlayo” ayuu ki caro leh u yiri Nabadoon Siciid Shire

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: