Odayaasha Habar-gidir oo dhaliilay odayaasha DKMG u soo xulayo xildhibaanada cusub

APRIL 12, 2012 – Muqdisho: (Sh. M. Network)-Odayaasha dhaqanka Beesha Habar-gidir ayaa sheegay in aan la aqbali karin odayaal dhaqameedyo ay dowladda KMG u qaabilsanaa doona soo xulida xidhibaanada cusub ee Barlamanka ee soo dooranaya madaxda cusub ee dowladda soo socota.

Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Beesha Habar-gidir Abuukar Ganay oo wareysi siiyay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in si gooni ah loo diyaariyo odayaal soo xulo Barlamanka Cusub ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loobaahanyahay in dad dhex dhexaad ah ay ka qeyb qaataan doorashada Soomaaliya oo iyagu ay soo xulaan xildhibaanada cusub.

Abuukar Ganay waxa uu sheegay in dad yar aysan matali karin dhaqanka Soomaaliyeed maadaama uu xusay in dhaqanku uu leeyahay wado loo maro, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid aqbali doonta masuuliyiin iyagu si gooni ah rag u magacowda si ay hadhow u doortaan.

” Dadkii aniga i dooran lahaa ayaa xulanayaa cid aqbaleysa majirto Soomaliyana ma aqbal doonto, waxaa la rabaa in dadka wax dooraya ay ahaadaan dad dhex dhexaad, laakiin maha’an ninkii la dooranayay in uu isagu soo xusho kuwii dooran lahaa” ayuu yiri Abuukar.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Beesha Habar-gidir ayaa waxa uu sheegay in loobaahanyahay in madaxda dowladda ay u hagaansamaan nidaamka doorashada oo uu xusay in looga baahanyahay in ay isku soo sharaxaan hadii ay doonayaan in ay qabtaan jagada mar kale, waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay xushmeeyaan dhaqanka Soomaaliyeed.

Shalay ayay aheeyd Markii Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Gaas uu sheegay in ay ka go’antahay Xukuumada KMG uruurinta odayaasha dhaqanka si ay u soo xulaan xildhibaanada cusub ee Barlamanka KMG Soomaaliya.

Posted on April 13, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: