Tarsan oo u hanjabay Idaacada Shabeele

 

April 13, 2012 – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku hanjabay in uu baabi’in doono shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle, isagoo dhinaca kale qirtay in uu gubay calanka Ethiopia. Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo dhalinyaro qurbo joog ah kula hadlayay Aaladda Baaltooka ayaa waxa uu sheegay in shaqaalaha Idaacada Shabelle uu baabi’n doono hadana ay baaba’day sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye Tarsan waxa uu sheegay in ay ka go’antahay in uu baabi’iyo shaqaalaha Shabelle oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwa aan dantooda aqoonin waxaana uu carabka ku dhuftay in mar dhow la maqli doono Shabelle oo baaba’day.

” Mardhow waad arkeysaa Shabelle oo baaba’day, inyar oo cabsi iyo shako ahna nama galineyso waadka arki doontaan” ayuu yiti Tarsan oo careysan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisa fadhiidka ah uusan fashilmay hase ahaatee ay fashilantay Shabakadda Warbaahinta Shabelle, oo mudooyinkii u dambeysay soo bandigeysay sida uu gobolka Banaadir ugu fashilmay Tarsan.

” Haduu Fashil jiro waxaa fashilmay Shabelle, Shacabkaan nabad ayay u soo jeesteen boobkii dadka dhiigooda lagu gumaadayana wey ka baxeen” ayuu ku hadaaqay Max’uud Axmed Nuur Tarsan.

Gudoomiye Tarsan oo hadalkiisa sii watta ayaa waxa uu ku cel celiyay Hanjabaada uu u geysanayo Wariyayaasha Shabelle, isagoo carabka ku dhuftay in uu ka tirsanaa ilmihii Orfane islamarkaana uu dhibaateyn doono shaqaalaha Shabelle.

” Anigoo 5 jir ah ayaa Orfane la i geeyay ilaa 18 sano halkaasi ka jiray hadey u barteen kuwa ay riix riixeen aniga hadab waxey iga hayaan ka sheegaan, waadna arki doontaa Shabelle meesha ay ku dambeyso” ayuu yiri tarsan

Tarsan oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay sheegeen in uu ku fashilmay wax ka qabashada amaanka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay wararkii maalmihii u dambeysay ay baahineysay Shabelle oo ku aadanaa in dalka Ingiriiska uu ku gubay calanka Ethiopia iyo in uu gubay calanka Soomaaliya, isagoo qiray in uu gubay calanka.

” Ethiopia iyo anaga waan dagaalanay waana iska dhiciney laakiin hadda wax colaad ah oo ina dhextaala majirto” ayuu hadalkiisa intaasi sii raaciyay

Tarsan ayaa Calanka Soomaaliya horay waxaa la sheegay in uu ugu gubay deegaanka Gudhaa xili uu la socday Al Shabaab, iyadoo calanka Ethiopiana uu ku gubay xiligii midowga Maxkamadaha wadanka Ingiriiska.

Posted on April 13, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Mogadishu mayor threatens to attack Shabelle Media journalists

    MOGADISHU(Sh.M.Network)- Mohamud Ahmed Nur Tarsan, the mayor ofMogadishufor Somali government has threatened to wipe out all journalists working for the Independently owned radio and television of Shabelle Media Network station based in the capital,Mogadishu.

    “I’m committed to clean Shabelle journalists out of the world. You will see in the coming next few days this station eradicated fromSomalia, said Tarsan in an angry voice during a chat on the patltak with Somali youth Diaspora. He added that Shabelle Media has failed instead of his Banadir administration.

    “Somali andEthiopiafought long time ago. We killed each other, but now the hostility has ended and Somali andEthiopiaare friends, he added.

    The governor is said to have burnt Somali national flag in Gudhaa village in south while he was with Al-shabab insurgents. He also destroyed by fire Ethiopian flag as he was inBritain.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: