Baroordiiq ay sameeyay Bahdweynta Sport-ga ee magaalada Toronto!

Muqdisho, April 15, 2012—(MMG) Kulan baroor diiq ah oo xalay  kadhacay magaalada Toronto ayaa bahweynta sportiga qeybohooda kala duwan ay usameeyeen ALAHA UNAXARIISTEE ragii sportiga Soomaaliyeed magaca weyn kulahaa ee ku geeriyooday qarixii bishan April 4teedii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.  Ragga Baroor diiqda loosameeyay kuwooda sport-iga waxaa ka mid ahaa:

Marxuum Mowlood Macaane Maxamuud – oo ahaa rug cadaa sportiga Soomaaliya ahaana siyaasi xilal kala duwan kazoo qabtay wasaaradii dhalinyarada iyo sportiga.

Marxuum Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo isna ahaa rug cadaa dhanka sportiga xilal kala duwana kazoo qabtay wasaarada sport-iga iyo xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ahaana Gudoomiya Olombikada Soomaaliyeed.

Marxuum Siciid Mugaabe oo ahaa gudoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Soomaaliyeed.

Iyo Dhamaan muwaadiniintii kale ee Soomaaliyeed eek u geeriyootay qarixii foosha xumaa ee kadhacay tiyaatarkii qaranka Soomaaliyeed mar loo dabaaldegaayay sanadguuradii kazoo wareegatay furitaankii Tiyaatarka Qaranka muddo 21 sano kadib ah.

Munaasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen bahweynta Sport-ga ee magaalada Toronto ayaa waxaa goobjoog kahaa rag iyo dumar magic kulahaa sport-ga Soomaaliya qetbihiisa kala duwan.

Waxaana halkaa hadalo ku aadan waxqabadkii mas’uuliyiintaas ka jeediyay dad si aad ah u yaqaanay marxuumiintaas kalana soo shaqeeyay wasaarada sport-ga iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo FIFA.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa waxaa halkaa duco iyo cafisba loogu deeqay ELEHADII, ASXAABTII iyo QARANKA SOOMAALIYEED-ba dhamaan dadkii ku geeriyooday qarixii kadhacay tiyaatarka Qaranka Bishan April 4-teedii 2012 Samir iyo Iimana kasiiyo marxuumiintanada JANADII FARDOWSO AHEYD KAWARAABIYO – Aamin… Aamin.. Aamin

Anagana hadaan nahay bahda Qaranimo Online waxaan leenahay Samir iyo Iimaan ALAHA naga wada siiyo Eheladii iyo Asxaabtii ay kageeriyoodeena Samir iyo Iimaan ALAHA kasiiyo…

Aamin… Aamin.. Aamin

Moment Media Group

Posted on April 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: