Dowlada KMG oo dhameestirtay magacaabida mas’uuliyiinta gobolka Shabeelada Dhexe.

14-April-2012 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Xukuumadda Federaalka KMG Ah ee Somalia ayaa dhameystirtay Maamulka Gobalka Shabeeladda Dhexe ee Somaliya.

Munaasabad ay ka soo qeybgaleen wasiirka arimaha gudaha iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradaasi ayaa lagu dhameystiray dhismaha maamulka G/Sh/Dhexe oo ka mid ah gobollada wali ku jira gacanta malleeshiyaadka Alqaacidda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa halkaasi ka aqriyay degreetadii lagu magacaabay guddoomiyaha gobolkaasi Mudane Cabdi Jiinoow iyo xubno ka tirsan maamulkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Cabdi Jiinoow oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamilkiisa uu qorsheeynayo in ay si deg deg ah u horumariyaan nolosha dadka ku dhaqan gobolka marka laga xorreeyo kooxda Alqaacidda.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/samad oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida wasaaradda ay uga go’antahay dhismaha maamullada gobollada dalka si gobollada looga hirgeliyo maamulka dowliga ah marka laga xoreeyo shabaab, wuxuuna ku dhiirigeliyay maamulka gobolkaasi in ay howshooda u gutaan si howlkarnimo leh.

Maamulka cusub ee gobolka Sh/Dhexe ayaa looga fadhiyaa in uu soo nooleeyo Adeegyadii bulshada gobolka marka laga xoreeyo shabaab oo dhan walba ka curyaamiyay nolosha dadka ku nool gobolkaasi oo ka mid ah gobollada ugu kheyraadka badan dalka.

Posted on April 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: