Dowladda Ingariiska oo Somaliland ugu baaqday in ay wax la qeybsadaan Soomaaliya

16.04.2012 – Waxaa dhawaan loo balan sanyahay kulan ka foool fool ah oo markii ugu horeysay mudo 22sanadood ah dhex mara maamulka la magacbaxay Somaliland iyo Dowladda KMG Soomaaliya.

Iyadoo ay sacato qaban qaabada shirkaan Tooska ah ayaa haddan waxaa soo baxaya warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in dowladda Ingariiska oo iyada markii horaba laheyd fikirka shirkaan ay Somaliland kula talisay in ay miiska soo saaraan fikirkooda ku aadan in sidii ay soomaaliya wax ulla qeybsan lahaayeen.
Magaalada Hargeysa xarunta maamulka somaliland ayaa hadal heynta ugu badan maalmahaan danbe waxa uu ahaa fikirka dalka Ingariiska uu u soo jeediyay Somaliland,waxayna arintaan abuurtay xasaasiyad horleh.

Dowladda Ingariiska ayaa u jeediyey Madaxda Maamulka Somaliland in ay meel iska dhigaan hamigooda ku aadan gooni isku taaga, una soo jeestaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dowladd Fadaraali ah Somaaliya u dhalata, si dalka oo dhan looga dhaqan geliyo Dowladd heysta Taageero caalami ah.

Haddaba cadaadiska ayaa ah mid Siyaasad Cusub ah oo la soo shirtagay ingariiska, waxaana shaki ku jirin in aysan ka farxin doonin Maamulada Somaliland oo dhawaan soo magacaabay gudigii wadahadala la gelihaa Soomaaliya.

Maamulka Somaliland oo inta badan ku dooda in ay heystaan Nabad buuxda ayaa in badan ku doodi jiray in ay u baahan yihiin Taageero aqoonsi oo Caalami ah, maadaama ay ka bad baadeen dhibaatada ama dagaalada ka jira Koonfurta Soomaaliya, balse arrintan ayaa ah mid cusub oo haddii ay hirgasho dad badan u arkaan in ay xal u noqon karto nabadaynta guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Tan iyo markii loo doortay Siilaanyo Maxdaxweynaha Somaliland ayuu waxa uu bilaabay tartan iyo dadaal dheeraad ah oo ay ku doonayo magaca Somaliland ay beesha Caalamka baraan.

Posted on April 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: