Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka soo horjeestay xubnaha Puntland loogu daray guddiga DKMG ee wadahalka la furaya Somaliland

 April 16, 2012 – Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG Somalia Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay Guddi uu dhawaan Madaxweynaha dowadda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed u magacaabay wadahadalada lagu wado inay dhexmaraan dowladda KMG iyo maamulka Somaliland oo ay dhexdhexaadiye ka tahay dowladda Ingiriiska ayaa ka soo horjeestay in dhismaha Guddigaasi iyo qaabka loo magacaabay.

Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan qaabka uu Madaxweyne Shariif uu u dhisay Guddigaasi, wuxuuna sheegay in la marin habaabiyey dhismihii Guddigaasi, isla markaasna lagu soo daray xubno ka tirsan maamulka Puntland oo uu sheegay inay ka mid yihiin maamulada ku hardamaya gobolada Sool iyo Sanaag gacan ku heyntooda, isagoo xusay inaysan suurtagal aheyn in laga tago dadka ka soo jeeda goboladaasi, laguna daro kuwo kale oo aan metelin dadka sida uu yiri.

Ma jirto sabab loogu daro Guddiga wadahadalka la furaya maamulka Somaliland wasiiro ka tirsan maamulka Puntland, iyadoo la heli karo xubno ka tirsan dadka ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag, kana mid ah dowladda KMG, marka ma ah in wax kasta oo la magacaabayo Puntand ay qeyb ka noqoto si loo raali geliyo maamulka Faroole, cid kasta way qabtaa maamul u gaar ah, waxayna xaq u leedahay in sida Puntland oo kale dad loogu daro” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr oo wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka Guddigaasi loo dhisay.

“Waan soo dhaweynaynaa haddii ay Somaliland ay garowsatay inay dib ugu soo laabato Soomaliya, waxna kama qabno in lagala hadlo ku soo noqoshada midnimada Soomaaliya, laakiin ma aqbaleyno in dad aan xaqiiqada ka hadli karin ay yiraahdaan waxay ka socdaan gobolada Sool iyo Sanaag, dowladda KMG, maamulada Somaliland iyo Puntland midna ka yeeli meyno in dad aan si dhab ah u metelin dadkooda ay sheegaan inay metelaan gobolada Sool iyo Sanaag, shirkana ay ka qeybgalaan” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

“Maalin kasta waxaa nalagu dilaa oo uu noogu socdaa dagaalka waa midnimada Soomaaliya, innagoo sidaasi ahna ma ahan in inta nalaga tago dad kale la magacaabo, waxaa haboonaan laheyd inaan maamul oo dhan meesha la keenin, haddii wax la sameynayana wasiiro ka tirsan dowadda KMG ay howshaasi ku filnaayeen, maadaama ay dowladda KMG matasho Soomaaliya oo dhan oo Puntland ay ku jirto” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr oo intaasi ku daray inaysan aqbali doonin wixii ka soo baxa shirkaasi inta dhismaha Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Shariif uu sidaasi yahay.

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG Somalia Cali Khaliif Galeyr ayaa horsed u ahaa shirkii ka dhacay degmada taleex ee lagu soo dhisay maamulka khaatumo State ee sheegay inuu a madax banana yahay maamulada Somaliland iyo Puntland oo isku heysta gobolada uu maamulkaas sheeganayo waxaana hadalkiisu uu ku soo aadayaa xili madaxweyne Shariif uu labo xubnood oo ka tirsan maamulka Puntland ku soo daray guddiga la xaajoodka Somaliland ka dib markii madaxweyne faroole uu horey ugu hanjabay haddii aan sidaas la yeelin inuusan aqoonsan doonin wixii ka soo baxa wadahadalkaas.

Posted on April 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: