17 ka Abriil- Maalinta Dhirta Soomaaliyeed

Abriil 17 2012  Moment Green Media 

WALAALAYAAL ,SAAXIIBBAYAAL, maanta waa 17kii April,waana maalintii Dhirta looga dabbaaldegi jirey Dalka Soomaaliya oo dhan muddadii kacaankii  soomaaliyeed jirey. Ilaalinta degaanku guud ahaan waagaas,waxay ahayd mid qadarin mudneyd oo madaxdii sabankaasi xaflado waaweyn iyo  qiimeyn sanadeed u sameyn jireen. Taasoo ka duwaneyd waxa dhacaya maanta iyadoo hadda geedkii soo baxaba la gubayo ama la jarayo asagoo weli curdan ah, geedaha boqollaalka sano jirsadeyna loogu dhaqaaqayo in la dhuxuleeysto ,beecmushtar ahaanna loo geeyo dalal shisheeye. In yar ayaa ka faa’ideysta arrintan iyagoo xaalufiyey dalkii taasoo khatar ku ah nolosheenna iyo jiritaanka xoolaxeenna aannu u beec geeyno  adduunweyna kale. Xiriirka ka dhexeeya banii’aadanka , noolaha kale iyo dhirtu waa mid lawada ogsoonyahay, taasoo lagu  soo koobi karo in dhir la’aani tahay xaalufinta noolaha ku nool dhulka guud ahaan.

Hoos waxaan ku qorayaa QEYLODHAAN ay  dirayaan  dhirta iyo degaanka soomaaliyeed,una dirayaan madaxda dalkeenna,kuwaasoo maanta  masuul ka ah dalka iyo dadka soomaaliyeedba. Bal marka aan akhrino oo dhegeysanno QURACiyo QANSAX DHEERE waxay noo soo jeediyaan. Akhrisasho  wacan!!!!

QURAC: Waan ku salaamay Qansax dheeroow, salaan ka bacdi,waxaa i soo gaartey in la  Jaray,markaa anna aan xanuunsaday ee adiga see wax kuu gaareen,mise waad ka nabadgashay dhibaatada?

QURAC: Ruuxeyga qeyb badan oo laamaheyga ah iyo qeyb jirrideyda ka mid ah ayaa la gubey dhowaan  oo markaa la dhuxuleystay. Ilaahow, naga qabo kuwaan adaa  awoodee !!!

QANSAX DHEERE: Walaaloow Quracow, arrinta na heysata yaan kala xaajoonnaa oo wax nooga qaban Kara? Waxaan maqlay Dawlad baa jirtee ma dhabbaa, oo ma la socdaan dhibaatada iyo xaalufinta Dalka ka socota?

QURAC : QANSAX-DHEEROOW, Dawladi wey jirtaa mase xoog badna,sababtoo ah , haddey taag lahaan lahayd maanta waxa na heystaa nama heysteeen, oo kii na guba ama na jara isna ciqa-ab buu mudan lahaa, Balse horta aan ku su’aalee ,sharcigii  dhirta mala laabay mise weli waa jiraa? Kii loo dhigay   degaanka guud ahaan asna weli ma jiraa?  Bal horta dalkeenna sharci iyo kala danbeyni  ma ka jiraan?

QANSAX-DHEERE: Su’aalo badan ayaad  i weydiisey Quracow, laakin adigu ma garaneysaa xiriirka naga Dhexeeya annaga iyo noolaha kaloo idil? Nooluhu guud ahaan ma noo baahan yahay , mise nooma baahna? Haddaan dhir jirin nooluhu ma jiri lahaa?  Xoolaha la dhaqdaa caano ma dhiiqi lahaayeen?  Bad iyo birri ma lagu noolaan lahaa? Dhulku see u ekaan lahaa?

QURAC:  Qansax-Dheerow bal anna markeyga i dhegeyso. Waxaa la ii sheegay waa hore , in nin takhtar Xoolaad ahaa la dhigay xabsiga ,kadib markuu meel maxfal ah ka jeediyey Qeylodhaan, uu ka sidey xoolaha soomaaliyeed oo markaa ka cabanayey daawo yari la soo gudboonaa-tey. Hadda walaalow Qansax-Dheerow, ma waxaad rabtaa in annagana hadda nala sii gubo gebi ahaanba ,illey sharcigii dhirta ilaalin jirey maanta ma jiree !! Waagii dhirta loo ololeyn jirey maanta lama joogo! Ee ma xusuusataa maalinta dhirta,taasoo ahayd 17ka April ee sanad kasta?

Ma xusuusataa maalintaas in dhirta Dalkoo dhan looga dabbaaldegi jirey? ODAGU WAA NA JECLAA OO WAX GARAD BUU AHAA!!! Bal eeg bacaadcelintii  ka socotey SHALAMBOOD iyo BARAA-WE. Bal xusuuso dhireyntii dalkoo idil laga wedey oo bal dib u fiiri sida nalooka ilaalin jirey kuwa -doonayey iney na dhuxuleystaan oo noo dhoofsadaan dalal kale. Walaalow QANSAXOW , aan u duceyno Ummadda soomaaliyeed iyo dalkeedaba in ILAAHII weynaa ka qaado dhibaatada.  AAMIIN, AAMIIN ILAAHOW.

QANSAX-DHEERE: Taasi waa talo wanaagsan. Illowse ma kula tahay inaan Madaxweynaha hor dhigno   QEYLODHAAN ku saabsan  dhibaatada maanta  heysata dhirta iyo degaanka soomaaliyeed guud ahaan? Yaa ka mas’uula haddii DALKEENNU XAALUFO oo dhirtiisa  inta la dhuxuleysto loo dhoosfado dalal shisheeye?

QURAC : War QANSAX-DHEEROW fikradahaagu waa taabbogal sidaan u jeedo,ee bal Wasiirka  koowaad, Madaxda baarlamaanka iyo wixii mas’uul sheegta oo dhan iyagana  aan gaarsiinno Qeylodhaantayada ku saabsan xaalufinta gamuurtey ee ka socota Dalkeenna gudihiisa guud ahaan.

QANSAX-DHEERE: War QURACOW, adaa iga da’ weyne, qeylodhaan ma nagu filan tahay oo madaxdu wax ma noogu qabanayaan ?

QURAC:   In wax qabad jiri doono iyo in kale ma ogiye ee ALLOOW, na badbaadi adaa qaadiree !!

QANSAX-DHEERE: QURACOW , ogow in Dhirtu kala nasiib badan tahay oo xooluhu yihiin sidoo kale. Walaalow dhowaan waxaan tegey dalal  shisheeye  oo dhirta iyo xoolahaba laga qadariyo ,xuquuqna ay ku leeyihiin oo qofkii waxyeelleeya isagana sharci adag la marsiinayo, dhulkeenna hadda sidaas oo kale kama dhacdo, waana sharci la’aanta heysata dhirta iyo xoolaha guud ahaan. Bal eeg dhibaatada heysata walaalaheen, DAMEER iyo BISADO !!

QURAC:  Ma waxaad ka hadleysaa Dawladaha hor- u- maray ?  Kuwaasi  aqoon , shuruuc iyo maaliyadba arrimahaas wey u hayaan, dadkuna si sharci darro ah oo bareer ah isuma laayaan !!

QANSAX-DHEERE: Quracow, ma qabo in dalkeennu eber yahay,ee aqoontii iyo dadaalkii aan dalkeenna Kheyraadkiisa ugala soo bixi lahayn ayaa naga maqan. Madaxdeenu Waxay ku mashquuleen   Iska-dabawereeg aan jiho iyo micne lahayn iyo is-khilaaf aan waxba soo kordhineyn.

Sidaad ogtahay waxaa loo baahan yahay isu-tanaasul, iyo wada shaqeyn wadata xilkasnimo iyo soomaalinimo dhab ah. Balse adigu ma maqashay Madaxweynayaasha tirodhaafay oo lagu saleynayo qabaa’ilka soomaaliyeed!!!

QURAC: Haa, waan maqlay arrintaas. Aryaase ka danbeeya dhibaatadaas cusub!! ILAAHOW NOO GARGAAR.

Halkaa ayuu ku dhammaaday wada hadalkii dhexmaray QURAC iyo QANSAX-DHEERE.

Walaalayaal ,Saaxiibbayaal, Qasadka aan u doortay maanta inaan ka hadalsiiyo  QURAC iyo  QANSAX-DHEERE ( Labada geed oo Wakiilka ka ahaa dhirta iyo degaanka soomaaliyeed guud ahaan ),wuxuu ahaa in dadkeennu dareemo , dhibaatada ay u geysanayaan degaankooda iney tahay mid iyaga ruuxooda dib ugu soo noqoneysa, taasoo loo baahan yahay in laga digtoonaado,Dawladduna wax ka qabato, iyadoo xoogga saareysa iney shuruuc ka dejiso arrimahaas  , isla markaana bilowdo wacyi-gelin hadal iyo qoraalba leh, si ummadda loo baraarujiyo , garashadooda la xiriirta ilaalinta  degaankoodana kor loogu qaado.

Green Economics Online 

Posted on April 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: