Shirweyne looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka oo ka dhacay Nairobi (SAWIRRO)

Talaado, April 17, 2012 (MMG) – Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay wasaarada dastuurka kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah.

Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo la hadlay kasoo qaybgalayaasha shirka ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ay go’aansadeen qabashada shirkan oo uu ku tilmaamay wadatashi. “Shirkaan waxaan u qabannay inaan idin  la tashano sidii dalka looga saari lahaa marxalada ku meel gaarka ah, meeshaan dadka isugu yimid waa caqligii Soomaaliyeed” ayuu yiri Goodax. Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay sida ay dawlada uga go’antahay dhammaystirka qorshaha roadmapka ayaa sheegay in aysan jirin wado kale oo Soomaaliya ay uga bixi karto ku meel gaarka iyo faragalinta shisheeye, hadii aan la helin dastuur dhammaystiran oo u dalku yeesho.

“Dastuurka dadka ansixinaya waxaa laga soo xulayaa qaybaha kala duwan ee dalka. Maadaama aan afti la qaadi Karin xilligan wadada noo furanna ay tahay midaan kaliya” Ayuu yiri Xoosh.

Waxaa uu wasiirku sheegay inay ogolyihiin in lala taliyo lana dhaliilo, waxaana u ku boorriyay hogaamiyayaasha qabaa’ilka in dadka ay soo xulanayaan ay noqdaan dad aqoon leh oo lagu aamini karo shaqada culus ee loo dhiibayo.

“Waxaan ka codsanayaa dadka aqoonta leh ee dalka badbaadin kara inay ka agdhawaadaan salaadiinta iyo ugaasyada si dadka lasoo xulayo ay u noqdaan kuwo tayo leh oo dalka badbaadiya” ayuu sii raacshay wasiirku.

Labada wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka cusub ee dalka ay soo xuli doonaan hogaamiye dhaqameedkii soo jireenka ahaa.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallayr oo kamid ahaa siyaasiyiintii lagu martiqaaday shirka ayaa sheegay inuu taageersanyahay qorshaha Soomaaliya looga saarayo ku meel gaarka balse uu kasoo horjeedo qaabka wax loo maamulayo.

“Dadka lasoo xulayo waxaa la yiri waxaa soo xulaysa Puntland, annagu haddaan nahay Khaatumo ma aqbalayno in ay na matasho Puntland” ayuu yiri Gallayr.

Waxaana uu sheegay in Khaatumo ay u taagantahay oo dhiigeeda u daadinayso sidii looga hortagi lahaa kala goynta Soomaaliya.

“Dadka reer Khaatumo wuxuu dhiigoodu u qubanayaa waa adkaynta midnimada Soomaaliya, taasna cidna abaal uga dooni mayno” ayuu yiri Gallayr.

Shirkii maantay oo ahaa midkii  ugu ballaarnaa ee muddooyinkan ka dhaca Nairobi oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno kala duwan ayaaa waxaa isku soo duba riday hay’ada ka shaqaysa arrimaha horumarinta sharciga ee (IDLO).

Madaxa hay’adaasi u qaabilsan wadamada Kenya iyo Soomaaliya Shirwac Maxamed Jaamac ayaa sheegay in looga fadhiyo waxgaradka Soomaalida ka tashiga aayaha dalkooda gaar ahaanna arrimaha haatan taagan ee ugu horreeyo dastuurku.

Madaxdii iyo aqoonyahannnadii kale ee shirka maanta kasoo qaybgalay waxaa kamid ahaa, C/kariim Xassan Jaamac, Daahir Geelle,madaxweynaha Ximin iyo Xeeb , madaxweynaha Azaaniya, madaxweynaha Mareeg State, Faadumo Jibriil, Batuulo Axmed Gabal,C/risaaq Khaliif Ashkir, C/laahi Axmed Azhari, Cawad Axmed Casharo iyo dadkale oo farabadan.

Talaado, April 17, 2012 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay wasaarada dastuurka kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah.

Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo la hadlay kasoo qaybgalayaasha shirka ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ay go’aansadeen qabashada shirkan oo uu ku tilmaamay wadatashi.

“Shirkaan waxaan u qabannay inaan idin  la tashano sidii dalka looga saari lahaa marxalada ku meel gaarka ah, meeshaan dadka isugu yimid waa caqligii Soomaaliyeed” ayuu yiri Goodax.

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay sida ay dawlada uga go’antahay dhammaystirka qorshaha roadmapka ayaa sheegay in aysan jirin wado kale oo Soomaaliya ay uga bixi karto ku meel gaarka iyo faragalinta shisheeye, hadii aan la helin dastuur dhammaystiran oo u dalku yeesho.

SHIR NAIROBI10.jpg
SHIR NAIROBI11.jpgSHIR NAIROBI13.jpgSHIR NAIROBI14.jpg
SHIR NAIROBI15.jpg
SHIR NAIROBI3.jpgSHIR NAIROBI6.jpgSHIR NAIROBI12.jpgSHIR NAIROBI7.jpgSHIR NAIROBI8.jpg

Moment Media Group

Posted on April 17, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: