Dhibka Soomaaliya Waa qabyaalad Qabyaaladduna waa xanuun maskaxeed aafeeya dadnimada qofka

April 17, 2012 (MMG) – Waxaan Salaamayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dunida ku dhiban meel kasta oo ay Joogaan, waxaan qormadaydaan ku eegayaa dhibka ina haysta hadaan Soomaali nahay iyo halka uu asalka dhibku yahay  qormadaydaan oo aan ugu magac daray .

Soomaalidu waa dad u nool oday oday ay qayb kasti sheegato oday gaar ah  odaygaas ayaa ah midka  ay dadka soomaalidu  sheegtaan oo mabaadiida ay u nool yihiin ah , Asalka odaygaas in la sheegto waxay ka timi Soomaalidu waxay ahayd reer guuraa badankoodu waxaana jirtay baahi baahidaas darteed ayay u arkeen in bulshadu ay oday oday isu urursato markaasna la dhaho waa qabiilkayaga  fikirkaas baahidu keentay oo ah mid ka soo maaxday garasho ka jaahil ah aqoonta diinta islaamka iyo aqoonta bini aadamku fakaraan ee la isu ururshay ayaa  ilaa iyo maanta ah midka dhibka inagu haya , odaygaas ayaana ina mideeya ayay isku raaceen dadki xiligaas joogay  sidaas darteed waa in aan dadka odayga kale mideeyo aan ka durugsano daaqa iyo ceelasha biyaha  midnimada ku timi odaygaas dartiis ayaa ah mid dadka ka wada tirsan oday kooxdiis  inay iska kashadaan ku duulida dad iyana oday kale leh , Waxaa la iska dhici jiray geela ceelasha biyaha ayaan la isu ogolayn in la wada cabo dhul daaqsimeedka ayaa isna ahaa meelaha la isku dilo oo colaaduhu ka dhacaan .

Sidoo kale oday kasta dadkiisu waxay samaysteen dhul soohdin ah oo ay leeyihiin xuduuda dadkaas kale ee iyagu odayga kale sheegtaa waa halkaas sida aan u nool nahay ilaa iyo hadda oo la leeyahay gobolkaas waxaa leh Reer hebel , soohdin odayeedkaas darteed ayaa waxaa dhici jiray dagaalo dad badani ku dhintaan oo laba kooxood oo laba oday kala aminsani ay fooda is daraan halkaasna khasaare aad u darani ka yimaado oo uu daato dhiig badan .

Wanaaga iyo fiicnaanta qofka lagu qiimeeyo ayaa ahayd ama ilaa hadaba ah kooxda aad ka tirsan tahay ee odaygu mideeeyay hadba tiradeeda kooxda ugu tirada badani waa kuwa ugu wanaagsan bulshada ku dhaqan dalka Soomaaliya waa gob kuwa ay ka tiro badan yihiin ee iyana oday kale mideeyona waa Gun , waxaad halkaas ka dheehanaysaa in qofka garashadiisa aqoontiisa kartidiisa alle ka cabsigiisa oo dhami aysan waxba ka ahayn Soomaaliya ee muhiimadu tahay odayga aad aminsan tahay kooxdiisu ma tiro badan yihiin  haday tahay jawaabtu haa waxaad tahay mid wanaagsan haddi ay maya tahayna waxaad tahay mid xun  ama waxaa kaa wanaagsan hadba midka ka tirsan  koox odayeed kooxdaada ka badan.

Waxaa dalka Soomaaliya qabsaday gumayste gumaystihi waxa uu daraaseeyay qaabka ay Soomaalidu u nooshahay waxa uu arkay inay yihiin dad u nool oday oday iskuna laaya oday xili hore dhintay oo aan inta joogtaa aqoon dartiis , waxa uu isugu dhiibay hub casri ah oo aysan iyagu markaas haysan  waxaa sii batay  colaadi , Gumaystuhu waxa uu sidoo kale soo raaci  jiray qayb ka mid ah dadka Soomaaiyeed oo uu la safan  jiray  waxaad ka dheehan kartaa  sida Soomaalidu is dilkooda nagu kaalmay u oran jireen gumaystaha gabayadi ay tirin jireen Gabayaaga Soomaaliyeed  oo iyagu markaas ahaa afhayeenada kooxaha odaygu mideeyo .

Xilligi dalka uu ka baxay gumaystuhu isaga oo qaybo dalka Soomaaliya ka mid ah ku daray dalal kale ayay qaybti xornimada qaadatay waxay samaysteen xukuumad , Garwadeenadi siyaasadeed ee markaas xukuumada hormuudka ka ahaa  waxay bulshadi oday odayga u noolayd ku macnaysteen qofka xilka haya  inuu yahay mid ka tirsan koox odayeedkooda hadba waa kooxda uu ka tirsan yahaye  sidaas darteedna uu yahay mid wanaag u soo hoyay koox odayeedka uu ka tirsan yahay dadka kalena ay ka xigaan kooxdiisu , Garwadeenadi siyaasadeed oo iyagu markaas ahaa kuwo la oran karay waxay ahaayeen kuwo aqoon leh ayaa kooxnimdi odayga aysan iyaga ka dawayn aqoonti ay barteen ,

Waxaa dalka ka jiray  xiligaas musuqmaasuq iyo eex ah koox odayeedkaaga oo dad kale kaaga dhow markaad tahay Hogaan siyaasadeed  sidaas darteena aad ku shaqaalayso qof aad isku koox odayeed tihiin   , Waxaan oran karaa garwadeenadaasu waxay haysteen fursad ah inay xanuun maskaxeedkaan dadka ka daweeyaan juhdi badana galiyaan sidi  looga shaqayn lahaa midnimada umada Soomaaliyeed  wacyi galin badan , ugu yeerid in shacabka Soomaaliyeed walaalo yihiin , ilaaliyaan qaranimadooda iyo horumar samayn tooda , qabyaalaadu ay tahay xanuun maskaxda qofka aafeeya  ,  tacbashada iyo ka faa,iidaysiga qayraadka alle (SW) Soomaaliya ku minaystay oo aan dalal badan oo dunida ahi lahayn , waa wax qabadki koowaad ee Soomaalidu u baahnayd  xiligaas balse waxay  ku mashquuleen sidee jagada u sii haysaa Sidee qof aad isku koox odayeed tihiin u caawintaa iyo waxyaabo hoose oo aan u wanaagsanayn dalka Soomaaliya .

Waxaa dalka la wareegay  koox askar ah kooxdaas askarta ahi waxay soo bandhigeen siyaasad wanaagsan balse wanaageeda ay diciifinaysay kalitalisnimadu waxay wax badan ka qabteen arimaha bulshada balse iyagu ma ahayn kuwo ku guulaysta inay meesha ka baxdo oday la aminsanaado oo loo noolaado way sameeyeen isku dayo ku adan arintaas balse waxaa dhanka kale jiray shakhsiyaad leh han siyaasadeed oo iyagu markaas u arkay wadada ay siyaasadoodu ku meel mari karto inay tahay koox odayeedkooda oo ay ugu yeeraan in shakhsiyaadka talada XKHS hayaa ay neceb yihiin sidaas darteedna aan odaygeena u diriro dartiis oo aan sumcadiisa ilaalino .

Sidoo kale taliski XKHS waxa uu ku gafay  aayado quraan ah  waxa uu sameeyay qodob la yiraahdo Xeerka qooyska kaas oo ay ku sheegeen in raga iyo dumarku siman yihiin dhaxalka , waxaa ka dhiidhiyay arintaas  wadaado Soomaaliyeed balse waa la laayay  , Dhanka kale waxaa uu dalka ku jaheeyay XKHS Dagaal lala galo dalka Itoobiya oo haysta Dhul Soomaaliyeed  dagaalkaas oo ahaa mid aan wanaag laga dhaxlin ayaa isna waxa uu wiiqay awoodo askarti XKHS ee dalka Soomaaliya maamulaayay isla sanadadaasu waa xilliyadi ay Jabhaddaha koox odayeedsani ay abuurmeen .

Waxaa la gaaray dhamaadki XKHS waxaa meesha ka baxay Nadaamki  waxa la isu laayay Koox odayeed Xanuun maskaxeedka Qabyaalad ayaa noqday mid dadka ka dhiga shacab waalan oo dhiiga daadintiisa caadaysta qof la dilaa waxay dalka Soomaaliya ka noqotay wax  wax aan macne badan lahayn ama aan lla yaabin qiimihi bini aadamka ayaa gaaray heerka xayawaanka. waxay noqotay yaa xoog leh oo qori haysta qofka kasta oo qori haystaa waa libaax dadka ayuuna dilaa , xoolahooda dhacaa , dumarka ayay Raggu kufsadaan oo galmo xaaraana oo khasab ah la sameeyaan , Xayawaanka ayay dadka Soomaaliyeed u ekaadeen , Waxaay Soomaalidi Buuxisay Xeryo dadka Nolosha ku soo fashilmay ay dalalka nadaamka lihi u furaan .

Waxay Bilaabeen qabqablayaal  koox odayeed ka masuul ahi inay ka qayb galaan shirar dalalka Soomaaliya dariska la ah iyo kuwo ka durugsanba loogu qabto balse waxba ma soo siyaadin  inta badana kuwo lagu soo kala dareero ayay ahaayeen  2000 marki ay Taariikhdu ahayd ayaa waxaa dalka Jabuuti lagu soo yagleelay Xukuumad wax magaca ka ah oo Nadaamka ay ku dhisan  tahay yahay xanuunki dadka hayay ee Qabyaalada waxa la yiri Soomaalidu waa inay wax ku qaybsataa 4.5 afar Koox odayeed dhamaystiran iyo Koox aan dhamaystirtay oo Nus ah  dhanka kale waxaa la dhisay laba nadaam koox odayeed oo loogu yeeray Puntland iyo Somaliland oo iaygu ka horeeyay 4.5 xilligiisi  , Somaliland iyadu waxay kooxda odaygooda ah ee shacabka ah u sheegeen inay Dal noqonayaan .

Muqdisho oo ah Caasuamada Dalka ayay Gollaha qabyaalada Soomaaliya qaybaheeda kala duwani tageen midi 2000  dhaqdhaqaaqeedu ma badnayn oo qabqablayaashi muqdisho ayay soo dhaafi wayday iyo horjoogihi Qabyaalad Stateka Puntland  loogu yeero midi 2004 ayaa iyadu dalka ku soo hogaamisay Ciidamo shisheeye waxaa dhintay tiro wadareed dad ah oo fara badan waxa markaas dalka ka curtay koox diimeed ay raggi ka midka ahaa kala aminsanaayeen afkaaro kala gaddisan mudo yar ka dib waa laga adkaaday koox diimeedki  , midda taahan joogta ee ciidamada soo badsanaysa waxaa horjoogayaal ka ah  kuwo shalay wadaado ahaa oo urur diimeedki ka tirsanaa Gollahaas qabyaalada ayaa ah mid aan wanaag laga dhowrayn sababtuna taahy waxa uu ku dhian yahay 4.5

Nadaamki lagu saleeyay 4.5ka waxa uu noqday mid aan in laga sii daro ma ahane aan keenin wax khayr ah  oo ilayn wax aan xaq ahayn oo Diinta islaamka kuqaldan garashada toosana ku qaldani xal ma keeni karaane , waxa uu soo siyaadiyay ciidamo dibbada ka yimaada oo aan anigu  u aqaan waa ciidamo loo soo diray dad waalan inay kala ilaaliyaan  markaasna siday doonaan ka yeelaya dadkaas waalan oo xanuun maskaxeedka qabyaalada qaba .

Soomaaliya waa dal dadkiisu maalinba maalinta ka dambaysa ay horay u sii qaadayaan xumaan sanad kasti waa mid ka xun kii hore dhibaatada iyo dayaca dadka soomaalidu waxa uu gaaray heer aad u hooseeya waxay Soomaalidu dawarsadaan daafaha dunida waxay ka buuxaan jeelasha aduunyada dacaladeeda darxumo iyo tusaale fool xun ayay Soomaali ku sifoobeen  ma jirto maanta dunida dad ka liita Soomaalida marka laga hadlaayo nolosha aduunka .

Sanadki 2011 waa sanadki Qabyaalad State ku ay ahayd waxa soomaalidu ku mashquulsan tahay waa oday kooxeedyo horjoogayaal iyagu odaygaas u adeegaa oo danahooda khaaska ah ku meel marsadaa ay dalka soomaaliya ku soo kordhiyeen Maamul Goboleed wax la yiraahdo balse aan anigu u aqaan qabyaalad State  arintaan ayaa ah mid  aad u dhib badan Akhristoow Mustaqbalka miyaadan naawilayn in xaafad walbi yeelato qabiil State  guud ahaan ma jiro waxaan maamulada loogu yeeraa mid dano shacab iyo Soomaalinimo ka turjumaayaa mid kasti waa koox odayeed wax kastana waxaa keenaaya dadka Soomalaiyeed waxay ilaalinayaa oo sharaftiisa dhowrayaan odayaal aanba la aqoon waxay yihiin .

Dhibka Soomaaliya ayaa ah Qabyaalad qabyaaladu qofka waxay gayaysiisaa inuusan lahaan habsami u fakar ku aadan  kala garashada wanaaga iyo xumaanta haddaba waxaan leeyahay dadka Soomalaiyeed maxaa qofka ku khasbaaya inuu koox odayeed sheegto ? Maxay bulshada Soomaaliyeed isu waydiiyaan Koox odayeedkee ka tirsan tahay `? Shiyuukhda diinta islaamka fahankeeda yaqaani waxay ku macneeyeen in Qabiilka uu alle (SW) kor ahaaye Quraanka ku sheegay uu macnihiisu yahay in aad ogaato oo aad dadka ka taqaan qofka ku dhaxla iyo qofka aaydin is guursan karin  intaasna aad isku qabiil tihiin dadka kalena ay idin walaalayso Muslimnimo iyo shacab isku dal ah  haddii Qabiilku sidaas yahay maxaad u sheeganaysaa wax aan dani ku jirin dadnimadaadana qatar ku ah .

Miyaysan ahayn inaynu iswaydiino haddaan nahay Soomaali maxaa sharafta iyo wanaaga inoo diiday ? Maxaan Tusaalaha xun dunida uga ahaanay ?  dabcan anigu dhibka Soomaaliya asalkiisa waxaan aminsanahay inay tahay qabyaalad qabyaaladuna ay tahay aragti jaahiliyeed oo  ku qaldan diinta islaamka iyo aragtida wanaagsan ee lagu cabiro maxaa wanaagsan maxaase xun .

Arinta kale ee aadka u foosha xun ee ka jirta dalka Soomaaliya ee salka ku haysa qabyaalada waxaa dalka Soomaaliya ku nool dad la yiraahdo odayga ay ka tirsan yihiin dartiis lama guursan karo iyana dadka kale ma guursan karaan yaa wax xalaaleeya yaase wax xarima waa in aad  iswaydiisaa xagaad ka keentay awooda aad qof ku oranayso lama guursan karo awoodaas waxaa keenay jaahilnimada qabyaaladeed oo qofka ka dhigta mid iska nool sida xayawaanka balse bini aadamka u muuqaal eg maskaxdiisuna aysan shaqaynayn .

Waxaad arkaysaa dad Soomaaliyeed oo marka laga hadlo dagaalada sokeeye iyo dilka xaq darada ah ee shacabka Soomaaliyeed isku hayaan ku leh dalal badan ayaa dirir sokeeye ka dhacaday waa qof raadinaaya xumaantiisa inuu qiil u sameeyo abwaan Soomaaliyeed  oo sanadku marki uu ahaa 1960 gabay ka tiriyay qabyaalada  waxa ka mid ahaa  Gaaygaas oo uu ugu magac daray “Dugsi maleh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane “

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah taha ooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Cabdillaahi Suldaan Maxamed  (Timacadde) ayaa gabaygaan tiriyay    Gabaygaan ayaa ah  mid w wanaagsan waxaan tusaale u soo qaadanayaa tuducdaan ka midka ah gabayga ee oranaysa (Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane ) gabaygaan oo uu abwaanku tiriyay mudo haatan laga joogo konton iyo kow  sano waxa uu ku sheegay inta aad sidaas tihiin oo aad koox odayeed u kala qaybsan tihiin waligiin ma doogsanaysaan oo macnaheedu yahay wanaag iyo sharafi waa  idinka dheertahay  arintaan ayaa ah mid xaqiiqo ah oo konton iyo kowdaas sano waxaan ku soo jiray Silic iyo in dunidu ina siiso raashin aynu ku noolaano ma noqonayso qiil in aad tiraado Qaarada Africa ayaan ka mid nahay Dunida Sadexaad ayaan nahay sidaas darteed iskuma filaan karo ma jirto horumarka iyo wanaaga cid ugu timi dhulka balse waala fakaray .

Sidoo kale abwaanku waxa uu leeyahay (Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray, Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye) dabcan tanu waxay xaqiiqo u tahay sidaySoomaalidu waligood ugu noolaayeen oday inay aminsanaadaan oo ay u noolaadaan isaga dartiis tahayna wax xumaan ah oo dhibaato waxaan ahayn aan laga helin horayna inoo soo daashaday loona baahan yahay in waxaan laga baxo foosha xun dhanka kale  abwaaku waxa uu leeyahay dadkaanu caqliba ma leh oo waa dad dalfoof ah oo aan maskaxdoodu shaqaynayn .

Waxaan ku soo afmeerayaa qormadayda qof kasta oo Soomaali ah oo qaba xanuun maskaxeedkaas la yiraahdo Qabyaalada waa inuu isku dayaa inuu ka dawoobo habki uu horay ugu noolaana uu u arkaa mid foolxun oo xumaan uu ka soo baxay waa marka uu ka tanaasulo waxaas foosha xune .

Iska ilaali in aad qofka ku qiimayso koox odayeedkiisa ku qiimay alle (SW) ka cabsidiisa , garashadiisa ku aadan hab nololeedka dunida ee Bini aadam , Dabcigiisa , iwm ee wanaagsan  iskuna day in aad wixi aad horay u aminsanayd ee Koox odayeed ka mid ahaansho ah ka tanaasusho .

Posted on April 17, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: