Waxaa Bilowdey in Beelaha qaar ay bilaabeen in ay Caleemo saartaan Ugaasyo, Imaamyo, Garaado, Suldaano, Wabaro , Beeldaajiye, Suldaan iyo Nabadoono Cusub

14 April, 2012 (MMG) – Iyadoo ay hoose oo xowli ah u socdaan qorshayashii xulista Odayaasha Dhaqanka ee la filaayo iney beelahooda ka soo dhex saaraan Xildhibaanada dooran doona xilka Madaxweyninimada ee Soomaaliya ayaa waxaa sii xoogeystey sidii dadka qaar ay uga muuqan lahaayeen Dowladda Soo socota gaar ahaan dhinaca Xubnaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada , waxaana Magaalada Muqdisho iyo Dalka Dibadiisa ka socoda Ololalhaasi , wuxuuma Ololahaan uu saameeyeen Odoyayaasha Dhaqanka oo la yiri waxaa soo xuleysaan Xildhibaanadii soo geli lahaa Baarlamaanka soo socda.

Waxaa Bilowdey in Beelaha qaar ay bilaabeen in ay Caleemo saartaan Ugaasyo, Imaamyo, Garaado, Suldaano, Wabaro , Beeldaajiye, Suldaan iyo Nabadoono Cusub, kuwaasoo ay ku tufeen Horjoogaasha la magac baxay saxiixayaasha heshiiska tubta toosan iyo ninka UN-ka u soo wakiishay arrimaha Somaliya Danjire A.Mahiiga, kuwaasoo kala ah Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh, C/maan faroole.

Xubhnahaan ayaa durbadiiba bilaabay iney Odayaasha Dhaqanka iyo beelaha kala dhex dhigaan shaki iyo mugdi, iyagoo si hoose u soo xushay xubno ay ku tilmaameen iney madiidin u yihiin isla markaasna sandareerto yar oo dhaqaale ah u balanqaaday iney ay Odayaashani fuliyaanajandayaashooda.

Ololahaan ayaa wuxuu saameeyyey Warbaahinta oo aad ka maqleyso hadalo aflagaado ah oo ah Hebel Ugaas ma aha iyo Hebel Suldaan ma aha. Waxaa iigu yaab badneyd markii hal beel ay ka yimaadeen Shan Ugaas mar ay kulan la qaadatey Wasaarada Arimaha Gudaha kaasoo ku dhamaadey Buuq iyo Qaylo.

Xubin u dhuun daloola dhaqadhaqaaqyadaan ay wadaan 4-taan Xubnood ayaa si hoose u sheegay in Tirada Xildhibaanada la soo dooranayo wuxuu ii sheegey in dadka la maqashiiyey in Tirada Xildhibaanada ay noqonayaan 225 Xildhibaan sida uu qorayo Heshiisyadii ka dhacay Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo , wuxuu ii sheegey in arrin taa ka duwan yahay uuna jiro Heshiis hoose oo dhexmarey Madaxweyne Shiikh Shariif , Shariif Xasan , Madaxweynaha Maamulka Puntaland Cabdiraxmaan Faroole iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga, heshiiskaas qarsoodiga ayaa dhigaya in si hoose loogu heshiiyey in Tirada Xildhibaanadu ay noqdaan 275 Xildhibaan.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in 50 Xildhibaan keyd ay ka dhigteen xubnahaani ayna cayrinka ku qabsadeen Saddexdaas Masuul iyo ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya waxaana uu sheegey in loo qaybsadey min 15 Xubnood waxaa u kala qaatey Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo Cabdiraxmaan Faroole iyo 5-ta soo hartey “lagu sharfey” Wakiilka Qaramada Midoobey Mr.s Mahiiga.

Posted on April 17, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: