Dowladda Turkiga oo mar kale sheegtay inay dhexdhexaadinayso Dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab

Khamiis, Abriil 19, 2012 (MMG) — Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay waddo qorshe ay ku dhexdhexaadinayso dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Al-shabaab oo muddo dhowr sano ah uu dagaal u dhexeeyay, sida lagu daabacay war ay shalay daabacday shabakad lagu magacaabo On-Islam.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ahmet Davtutoglu ayaa sheegay inay xoogga saari doonaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen colaadda ka taagan Soomaaliya ee u dhexeysa dhinacyada isku haya siyaasadda.

“Marka loo eego horumarka aan sameynay iyo xiriirka gaarka ah ee aan la leenahay Soomaalida, Turkigu wuxuu kaalin mug leh ka ciyaarayaa dhexdhexaadinta kooxaha ay colaaddu u dhexeyso ee Soomaaliya,” ayuu wasiirku u sheegay shabakadda.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa muddo sannado ah ka jiray dagaallo u dhexeeya Al-shabaab iyo dowladda KMG ah oo ay caawinayaan ciidammo shisheeye, iyadoo ay dagaalladaas salfadeen nolosha dad fara badan.

Qorshaha Turkiga ee dhexdhexaadinta dowladda KMG ah iyo Al-shabaab ayaa waxaa soo dhaweeyay aqoonyahanno Soomaaliyeed, waxaana qaarkood ay sheegeen in Turkigu uu ku guuleysan karo howshan dhexdhexaadinta ah.

“Sannado badan kaddib Turkigu waa dowladda keliya ee muslim ah haddana jirta NATO oo xiriir la sameysay Soomaalida, waana ku rajo-weynahay in fikirkoodan ay ku guuleysan karaan,” ayuu yiri Cabdikariin Caynte oo ah baare madax-bannaan oo Soomaali ah.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa horay uga dhawaajiyay inay socdaan wadahadallo lagu doonayo inay ku dhexdhexaadiyaan DKMG ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab, iyadoo hadalkan uu noqonayo kii labaad oo Turkigu sheego.

Moment Media Group

Posted on April 19, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: