Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Muujiyay sida uusan ula dhacsanayn Qaabka uu Madaxweyne Shariif wax ku Maamulayo

Khamiis, Abriil 19, 2012 (MMG) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa muujiyay inuusan la dhacsanayn habka uu madaxweyne Sheekh Shariif wax ku maamulayo, kaddib hadal si sir ah looga qabtay oo laga sii daayay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho.

Mudane C/weli Gaas ayaa ku sheegay hadalkiisa inaysan kooxdii heshiiska la gashay dowladdii C/llaahi Yuusuf ee xilka looga tagay (Maxkamadihii Islaamka) aysan muujin hoggaan wanaag wax looga qaban karo dalka.

“Kooxdii la dagaalamaysay dowladdii TFG ee Col. C/llaahi Yuusuf uu hoggaaminayay in dhibka uu meesha ka baxayo haddii ay Itoobiyaan baxaan iyaguna ay meesha tagaan taasise ma dhicin,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Laba arrimood ayaan u sabeynayaa arrintaas kuwaasoo kala ah: inay iyagu weli dagaalka sii wadaan iyo ragga madaxda ka ah oo aan la imaan hoggaan fiican iyo karti ay wax uga qaban karaan dalka.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladdu ay kusoo koobantay in hadba caasimad la tago, hadba wadan la aado oo wafdi la ahaado, isagoo xusay inaysan waxba soo kordhinayn in Mareykanka la tago ama Yurub la tago haddii aan gudaha waxba laga qaban.

“Madaxweynuhu wuxuu madaxweyne ku yahay inuu sugo nabadgalyada dalka uuna maamulka gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku sheegay hadalkiisan sida sirta ah looga qabtay.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo khilaaf ka dhashay qaraxii Tiyaatarka ee ay dadka badan waxyeelladu kasoo gaartay uu dhexeeyo madaxda dowladda KMG ah, iyadoo hadalkanna uu sii adkeyn karo khilaafka labada mas’uul u dhexeeya.

Moment Media Group

Posted on April 19, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: