Wakiilka Qarramadda Midoobay ee Somaliland/Somalia oo ka hadlay socdaalkiisa uu ku yimid dalka

Hargeysa April 20th, 2012 (MMG)- Wakiilka Xoghayaha guud ee qarammadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga, ayaa galabta socdaal ku yimid Somaliland, waxaanu ka soo degay madaarka Hargeysa.

Wakiilka Xoghayaha guud ee qarammadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga oo qolka VIP-da ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku soo laabto Somailand, waxaanu socdaalkiisa ku micneeyay booqasho caadi ah oo uu si joogto ah ugu yimaado Somaliland.

Augustina Mahiga wuxuu sheegay inay qarammadda midoobay ku leedahay Magaaladda Hargeysa xafiis siyaasadeed (UNPOS) isla markaana uu u socdo fulinta shaqadda xafiiskiisaasi u taalla.
Wakiilka qarramadda midoobay oo la weydiiyay inuu u socdo sidii uu xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaa asbaabaha ay u qaadacday wadahadaladii lagu waday inay la yeelato Somalia, waxaanu sheegay inuu u socdo sidii loo sii meel marin lahaa qodobadii lagu falan-qeeyay shirweynihii London oo uu xusay in lagaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay la dagaalanka budhcad badeeda oo uu carabaabay inaanay ahayn mushilad goboleed ee ay tahay mid caalami ah.

<
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in lagaga hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo mawduucyo badan oo ka mid ah horumarinta adeegyadda Bulshadda.
Mr. Mahiga waxa uu sheegay inay tixgelin ugu hayaan Somaliland waxyaabo badan oo ay qabsatay, waxaanu u mahad celiyay Wasiirka Khaarajiga oo ku soo dhaweeyay dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wakiilka ku soo dhawaynayaan niyadsamaan, waxaanu xusay in booqashadiisani qeyb ka tahay socdaalo joogto ah oo uu ku yimaado Somaliland.

Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, wuxuu sheegay in Ambassador Mahiga uu kulamo la yeelan doono Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland.

Posted on April 20, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Somaliland oo shuruud ku xirtey wada hadalka DKMG & warar kale oo qubane ah

    Nayrobi, Abril 19, 2012 ( WDN) Maamulka Somaliland ayaa shuruud ku xirey wada hadal ay la galaan DFKMG ee Soomaaliya, ka dib markii sida ay sheegeen ay qoonsadeen laba wasiir oo maamulka Puntland ka socda oo lagu darrey guddiga DFKMG ee wada xaajoodka la galaya Somaliland.

    Shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Md. Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in labada wasiir ee Puntland ka socda ay ka soo jeedaan deegaannada Sool iyo Sanaag, oo maamulka Somaliland uu sheegto, sidaa darteedna ay wada hadalladan majaxaabin karaan raggaasi ka socda Puntland sida uu warka u dhigay.

    Waxa uu wasiirku sheegay in ay markii hore ka go’neyd in labada dhinac ay u wada hadlaan
    qaab la mid ah sidii ay kuwada hadleen xilligii midowga labada gobal 1960-kii.

    Wasiirada Puntland ka socda ee guddiga madaxweyne Sharriif magacaabay ayaa kala ah wasiirka arrimaha gudaha, Jen. C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, Daa’uud Maxamed Cumar.

    Dhinaca kale Muqdisho waxa maanta lagu diley nin tarjumaan ka ahaa safaaradda Turkiga ee Muqdisho. marxuumkan oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Sheekh Xuseen Ibraahim, ayaa waxa toogtay nin ku labisnaa dareyska ciidamada oo sida la tuhmayo ka mid ah ciidmada dowladda, kaas oo marxuumka ku bartilmaameedsaday agagaarka KM4 ee Muqdisho, xilli uu shaqada ka rawaxayay.

    Mid kamid ah saraakiisha booliska ee ilaaliya safaaradda Turkiga ee Muqdisho, ayaa sheegay in arrintan ay naxdin galisay, haddana ay dowladdu baaritaanno wadaan.

    Muqdisho sidoo kale maanta waxay hay’adda nabad sugiddu soo bandhigtay wiil da’ yar oo lagu qabtay isagoo watay bambaanooyin. Wiilkan, ayaa sheegay in uu si hoose al-Shabaab ula shaqeyn jirey, oo waxyaabaha ay rabaan u fududeyn jirey, bambaanooyinka lagu qabtayna uu u waday qof kale oo isla Dharkeynlay joogay.

    Hay’adda nabad sugidda ayaa tilmaamay inay baaritaannadu sii wadi doonaan, oo marka ay ka ka gadaal ku wareejin doonaan maxkamad si ay xukun ugu ridaan wiilkan, sheegay in al-Shabaab ay ka taageeri jireen dhinaca qarashaadka jaamacad uu tilmaamay in uu dhiganaayay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: