Cabdi faarax “ Madaxweyne shariif maamulada uu Magacaabayo aqoon Daro may ka tahay, Somaliland Xaq ayay u leedahay in ay shirka Qaadacdo..

 21.04.2012 – Cabdi Faarax Cabdi Jabuuti oo ka mid ah siyaasiyiinta Beesha gaaljecel ayaa sheegay in Madaxweyne shariif uu beesha ka Galay Qaladaad badan, asaga oo sheegay in uu duudsiiyay Xaqii beesha ay lahayd. Cabdi Jabuuti ayaa sheegay in Madaxweyner shariif uu la yaaban yahay in ay aqoon daro ka tahay, maamulada uu dhisayo kuwaas oo dad gaar ah kala tashanayo, Maamulkaas oo uu sheegay in aan loo dhamayn, sida maamulka Hiiraan iyo Sh.dhexe .

Siyaasigan ayaa soo dhaweeyay Go’aankii ka soo baxay maamulka Somaliland oo ay ku qaadacday shirka lagu waday in uu dhexmaro Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Cabdi faarax ayaa sheegay in layaab ay tahay in Madaxweyne shariif uu ku daro gudigii uu magacaabay in ay la Xaajoodaan Somaliland Wasiiro ka tirsan Puntland.

“ Horta shirkii ka dhacay London waxaa la yiri ha is hor fadhiistaan Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, marka Madaxweyne shariif ha Cadeeyo in Puntland ay ka midtahay Dowlada TFG-da ee uu Madaxweynaha ka yahay ama in ay tahay maamul Goboleed ka jira Soomaaliya”ayuu yiri Cabdi faarax.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne shariif uusan Xukumin Soomaaliya, balse uu qaato waxa uu u yeeriyo Madaxweyaha Puntland C/raxmaan Faroole.

Hadalka siyaasigan ayaa imaanaya xili Beesha caloofi oo ka tirsan Beesha Gaaljecel ay gaashaanka u Daruurtay maamulkii maalmo ka hor loo magacaabay Sh.Dhexe.

Posted on April 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: