Cali Khalif: “Puntland Ayaa Ka Awood Badan Dowladda Somaliya”

20 April, 2012 (MMG) -Prof. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah aasaasayaasha maamulka Khaatumo ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ku amar-ku-taagleeyo dowladda Somaliya, uuna u muuqdo mid ka awood badan dowladda Federalka. Prof. Galeyr ayaa tusaale usoo qaatay booqashadiid madaxweyne Sh. Shariif uu ku tagay Garoowe kol hore, ayna halkaas ka muuqatay awood ka badan mida dowladda Somaliya sida calan gooni ah, heeso gooni loogu qaadayay Puntland, qaabkii uu madaxweyne Faroole ula dhaqmay madaxweyne Sh. Shariif. Wuxu kaloo Prof. Geleyr soo qaatay dastuurka ay Puntland soo saartay todobaadkan, kaasoo uu ku sheegay inuu yahay mid ka hor-dhacay dastuurka Somaliya loo qorayo hada.

Waxa kaloo xusid mudan oo muujinaya awooda dhabta ah Puntland ay ku maamusho Somaliya fashilka hada ku yimid wadahadaladii Somaliland iyo dowladda Somaliya, kadib markii madaxweyne Faroole uu ku qasbay madaxweyne Shariif inuu laba ergo ugu daro shanta uu magacaabay, taasoo uu u dhaganuglaaday madaxweyne Shariif, kadibna keentay in maamulka Somaliland uu la laabto ergadii uusoo magacaabay, iyagoo cilad uga dhigay in aysan la xaajooneyn maamul-goboleedyo ee balanku uu ahaa in dowladda Federalka iyo Somaliland uu wadahadalku dhex maro.

Posted on April 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: