Maamulka Galmudug oo ka horjeestay xubnaha Puntland loogu daray Guddiga DKMG ee wadahalka la furaya Somaliland

21.04.2012 – Maamulka Galmudug ayaa cadaalad darro ku tilmaamay fuddi Wasiiro ah oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed, kuwaasoo loo xilsaaray wadahadalka Somaliland lala yeelanayo, maadaama qodobadii ka soo baxay shirkii London ay ka mid ahaayeen inay wadahadlaan dowladda KMG Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Wasiirka ganacsiga ee Maamulka Galmudug Dr. C/llaahi Jaamac ayaa sheegay in Guddiga uu magacaabay Shariif Axmed uu yahay cadaalad darro, maadaama uu xusay inay ku jiraan wasiiro ka socda maamulka Puntland oo lagu daray isla markaasna aysan ku jirin wasiirada maamulka Galmudug iyo maamulada kale ee dalka ka jira.

Waxaa uu xusay in Madaxweyne Shariif looga baahanyahay in xubnaha ka qeyb galaya wadahadalka Somaliland ay ku koobnaadaan oo keliya Xukuumadda KMG, haddii kalena laga qeybgaliyo maamulada ka jira dalka oo uu xusay inay yihiin kuwa isku awood ah oo aan waxba kala dheerayn, isagoo xusay in maamulka Puntland iyo maamulada kale ee dalka ay dhamaantood hoos tagaan dowlada KMG ah aysana jirin sabab xubno gaar ah loo siiyo hal maamul.

Sidoo kale wasiirka waxa uu sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo cadaaladda, maadaama ay jiraan maamul goboleedyo sharci ah oo dalka ka shaqeeya, isla markaasna xaqdarro ay tahay in hal maamul oo keliya laga qeybgaliyo wadahadalka Somaliland iyo dowladda KMG dhexmari doona

Hadalkan ka soo yeeray maamulka Galmudug ayaa waxa uu imanayaa xilli Maamulka Somaliland uu qaadacay wadahadalkii uu kula jiray dowladda KMG, ka dib markii Madaxweyne Shariif lagu eedeeyay in Guddiga wasiirada ah ee ka socda dowladda KMG ah ee wada hadalka la galaya Somaliland uu ku soo daray wasiiro ka socda maamulka Puntland taasoo aysan syheegeen ineysan aqbali Karin, waxayna xuseen in Puntland ay u aqoonsan yihiin iney qeyb ka tahay dowlada KMG Somalia aysana jirin sabab loogu soo daro wadahadalka.

Posted on April 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: