Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Danjire Mahiga iyo Somaliland oo laga dalbaday ka qaybgalka shirka ka dhici doona Turkiga

Sabti, Abriil 21, 2012 (MMG) —Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr: Augustine Mahiga oo booqasho laba cisho ah ku yimid Somaliland. Booqashadan Augustine Mahiga uu ku yimid Somaliland ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed inay tahay mid la mid ah safaradii uu hore ugu iman-jiray Somaliland , waxaanu Madaxweynuhu uga waramay ergayga Qaramadda midoobay ee Soomaaliya nabad-gelyada iyo taageerada ay xukuumadiisu ka doonayso beesha caalamka inay ka taageerto adkaynta iyo kobcinta hawlaha nabad-gelyo ee dalka ka socda, iyadoo la tixgelinayo khataraha, xasilooni daradu keento ee ka jira mandaqada geeska afrika.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Cukuse, “Booqashadda Mahiga ku yimid dalka waxay la mid tahay safaradii uu hore ugu iman iray Somaliland”ayaa lagu yidh warsaxaafadeedkaasi, waxaana intaas lagu daray ” Madaxweynuhu waxa uu uga waramay hawlaha fidinta Dimu-quraadiyadda ee Dalka ka socda iyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacaan sanadkan”.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu xog ka siiyey kala saaridii ururada siyaasada, isagoo xusay inay lix urur ka soo hadheen ururadda iyo saddexdii xisbi ee hore u jiray.

“Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramadada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa isna ku dheeraaday sida ay beesha caalamka iyo xog-hayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaaba ay ugu faraxsan yihiin guulaha wax ku oolka ah ee ay Somaliland ka soo hoysay dhinacyada nabad-gelyada, Dimuquraadiyadda, dawlad wanaaga, la dagaalanka Budhcad badeeda iyo wax ka qabashada nabad-gelyo darada ka aloosan geeska afrika”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka .

Ugu dambayntii waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, oo ah mid wax ku ool ah.

Mahiga oo shalay galinkii dambe dalka yimid ayaa xalay madaxweynaha kulan casho ku wada yeesheen madaxtooyadda, iyadoo maantana kulan saacaddo qaatay ku yeesheen xafiiska madaxweynaha, haseyeeshee waxa la filayey in wada hadalkii Somaliland iyo soomaaliya dhex mari lahaa ee ay Somaliland qaadacday ka wada hadlaan, balse war-saxaafeedkaasi laguma sheegin inay arrimahaasi ka wada haleen.

Posted on April 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: